Golaha Ammaanka oo kordhiyey muddada Hawlgalka QM ee Soomaaliya

31 Oct 2022

Golaha Ammaanka oo kordhiyey muddada Hawlgalka QM ee Soomaaliya

New York - Ka dib dib-u-eegistii istaraatiijiyadeed ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Taageeridda Soomaaliya (UNSOM), ayaa Golaha Ammaanka wuxuu maanta kordhiyay muddada hawlgalka iyo hawlihiisa ilaa iyo 31 Oktoobar 2023, sida ku cad qaraarada 2158 (2014) iyo 2592 (2021), iyadoo dhanka kale Xubnaha golaha uu cambaareeyey weerarkii argagixisanimo ee labo maalmood ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho.

Iyadoo la meelmariyey qaraarka tirsigiisu yahay 2657 (2022) (oo lagu soo saarayo dukumeenti S/RES/2657(2022))oo 14 ay u codeeysay, cidna diidin, 1 codna ka aamusay (Shiinaha), Goluhu wuxuu ka codsaday UNSOM in ay joogteyso oo ay xoojiso joogitaankeeda guud ahaan Soomaaliya iyo in ay sii wadaan wada shaqeynta ay la leeyihiin dalkaas iyo howlgalka kumeelgaarka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Goluhu wuxuu aqoonsaday hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee soo cusboonaaday, wuxuuna sidoo kale UNSOM ku dhiirrigeliyey inay Soomaaliya ka taageerto dhinacyo badan oo ay ka mid tahay hubinta in la dejiyo qorshayaal lagu ilaalinayo dadka rayidka ah iyo bulshada meelaha ay hawlgallada ciidanku ka socdaan; taageeridda hoggaanka rayidka Soomaaliyeed, lahaanshaha iyo kormeerka qorsheynta iyo isku dubaridka dadaallada xasilinta; iyo kor u qaadida baahinta maamulka iyo bixinta adeegyada ee deegaanada iyo degmooyinka uu nuglaanshiyuhu ka jiro.

Si kale haddii loo dhigo, Goluhu wuxuu ku dhiirigeliyay Dowladda Soomaaliya inay sii xoojiso wadashaqeynta iyo iskaashiga heer kasta oo kala duwan, oo ay ka mid yihiin abuurista jawi siyaasadeed iyo amni oo wanaagsan si loo helo hannaan dimoqraadiyadeed oo loo wada dhan yahay oo Soomaaliya oo dhan ah, iyo sare u qaadidda ka qeyb qaadashada dhameytiran ee haweenka oo siman oo macno leh ee dhammaan heerarka golayaasha go'aannada lagu gaarayo.

Qaraarkan ayuu wuxuu sidoo kale Goluhu ku cambaareeyay si xun u adeegsiga ama carqaladaynta gargaarka bini'aadannimo, isagoo ka dalbaday dhammaan dhinacyada inay ogolaadaan oo ay fududeeyaan helitaan buuxa, badbaado, degdeg ah oo aan caqabad lahayn si gargaarka loo gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed ee u baahan oo dhan waqtiga ku habboon. Intaa waxaa dheer, golahu wuxuu ugu baaqey dhammaan mas’uuliyiinta ay khusayso inay fududeeyaan, taageeraan oo meelaha ay ku habboon tahayna ay ka hirgeliyaan xal waara oo ku aadan barakaca gudaha.

James Kariuki oo ah Wakiilka Boqortooyada Ingiriiska oo codeynta kadib hadlay ayaa sheegay in ansixinta maanta ay fariin xooggan dirayso taasoo la xiriirta taageerada golaha — oo aan kaliya ku socon UNSOM, balse sidoo kale ku socoto madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed. UNSOM ayaa door muhiim ah ka ciyaartay tan iyo markii la billaabay howlgalka Soomaaliya, waxaana dib u eegistii istaraatiijiyadeed ee dhowaan lagu ogaaday in waajibaadkeeda uu si wanaagsan ula jaanqaadayo arrimaha hortabinada u ah qaranka Soomaaliya. Habraaca doorashada oo si guul leh ku dhammaada – iyo in si nabad ah xukunka loogu kala wareejiyo — waxay dalkaas u oggolaanaysaa inuu gaaro ujeedooyin qaran uuna si guul leh ula dagaallamo Al-Shabaab. Boqortooyada Ingiriiska (UK) waxay sii wadi doontaa garab istaaggooda, ayuu yiri, isagoo sidoo kale bogaadiyay go’aanka Madaxweyne Maxamuud ee ah in Al-Shabaab laga xoroobo.

Jeffrey DeLaurentis oo ah Wakiilka Mareykanka ayaa sheegay in dib u cusboonaysiinta shaqada UNSOM, taasoo sii kordhin doonta taageerada howgalku u fidiyo Dowladda Soomaaliya si wax looga qabto caqabadaha culus. Waxa ka mid ah ka jawaabista abaarta aan hore loo arag; sii wadidda isu soo dhaweynta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada; dhamaystirka dib-u-eegista Dastuurka; iyo gaaritaanka deyn cafinta. Waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay in qaraarku uu ka mid yahay talooyinka dib u eegista istaraatiijiyadeed, oo ay ku jiraan iskudubarid dheeraad ah oo ka dhexeeya ATMIS, Xafiiska Qaramada Midoobay Uqaabilsan Taageerada Soomaaliya (UNSOS) iyo dhiggooda hay’adaha qaranka. Sidoo kale, wuxuu cambaareeyay weerarkii Zoobe ee ay Al-shabaab ka geysatay magaalada Muqdisho 29-kii Oktoobar.

Martin Kimani oo ah Wakiilka Kenya ayaa sheegay in qaraarkan uu Soomaaliya ka caawin doono dardar gelinta dadaallada xasilinta iyo suura-gelinta hirgelinta Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya iyo qorshooyin kale. Isagoo cambaareeyay weerarkii Al-Shabaab ay ka geysteen magaalada Muqdisho, wuxuuna markale carabka ku adkeeyey inay si buuxda u taageerayaan dadaallada ka dhanka ah argagixisada ka howl-gasha Soomaaliya. Waxa uu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in Soomaaliya loo fidiyo taageero weyn oo ay ka mid tahay in ay awood u yeelato iibsashada iyo keydinta hubka si ay u suurtagasho in hubka iyo awooda ciidankooda Milatari iyo Booliisba uu uga sara maro kuwa Al-Shabaab. Wuxuu ugu baaqay golaha inay xoojiyaan tallaabooyinka lagu xakameynayo dhaq-dhaqaaqyada kooxdaas, isagoo intaas ku daray in sidaas lagu sameeyo guddiga cunno-qabteynta iyadoo loo cuskanaayo qaraarka tirsigiisu yahay 751 (1992) ee arrimaha Soomaaliya “ma sahlanaan doonto, laakiin waa in la sameeyaa”.

Dai Bing oo ah Wakiilka Shiinaha, oo iftiimiyay aamusitaanka wefdigiisa, ayaa sheegay in loo baahan yahay in horumar laga sameeyo arrimaha ay ka midka yihiin ilaalinta rayidka, helitaanka gargaarka bini'aadannimada iyo isbeddelka cimilada. Isagoo cambaareeyay weeraradii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab ay ka geysteen magaalada Muqdisho, waxa uu rajo ka muujiyay in dowladda Soomaaliya ay si hufan ula wareegi doonto mas’uuliyadda koowaad ee ilaalinta nabadda iyo amniga dalka. Wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay inuu rajeynayo in dowladda ay dadaal dheeri ah ku bixin doonto arrimaha bini’aadantinimada, oo ay ku jiraan ilaalinta badbaadada dadka nugul iyo shaqaalaha samafalka. Isagoo xasuusiyay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu dhawaan u gudbiyay Golaha warbixintiisa talooyinka ku saabsan cunaqabateynta saaran dalka, wuxuu carrabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay sii wado xoojinta maamulkeeda hubka iyo rasaasta.

Anna M. Evstigneeva (Ruushka) ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay falkii argagixiso ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho. Ruushka wuxuu taageeray qaraarka, ayay tiri, laakiin waxa aan la wadaagaa Shiinuhu aragtida ka bixisay ee la xiriirta isku dheelitir la'aanta sida loo dhigey waxyaabaha qaar, oo ay ku jiraan arrimaha xuquuqul insaanka, ilaalinta carruurta ee iskahorimaadyada hubaysan iyo xuquuqda aadanaha. Waxay muujisay sida ay uga xuntahay in qaraarku aanu si waafi ah uga tarjumin talooyinka ka soo baxay dib u eegista istaraatiijiyadeed, iyadoo xustay in howlaha howl-galka uu sanadihii ugu dambeeyay lumiyay isku dheelitirnaanta. UNSOM waa in ay si dhow uga shaqeyso arrimaha mudnaanta u leh dalka, shaqadeedana si cad loo qiimeeyo, ayay tiri, iyadoo carrabka ku dhufatay muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madax banaanida Soomaaliya, midnimada dhuleed iyo wadajirkeeda.

Lana Zaki Nusseibeh oo ah Wakiilka dowladda Imaaraatka Carabta ayaa soo dhaweysay meelmarintii maanta, iyadoo xustay in argagixisanimada waayihiin dambe - sida weerarkii Muqdisho - ay muujineyso doorka muhiimka ah ee UNSOM. Taageerada Howl-galka ayaa si gaar ah muhiim ugu ah dadaallada lagu dhisayo qaranka iyo xoojinta amniga iyo hay’adaha dowladda si wax looga qabto caqabadaha adag ee ay ugu horeyso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Waxay kaloo xasuusatay, intii lagu jiray wada xaajoodyada ku saabsan waajibaadka UNSOM, in waddankeedu soo jeediyay in ereyga "Daacish ee Ciraaq iyo Shaam (ISIL)" lagu beddelo "Daacish". Tani waxay ahayd in la hubiyo in Golaha Ammaanku aanu fursad siinin kooxaha argagixisada ee adeegsiga Islaamka si ay ugu caddeeyaan rabshadaha iyo nacaybka iyaga oo adeegsanaya fasiraadooda ugaarka ah ee diinta Islaamka.

Abuukar Cismaan oo ah ergeyga Soomaaliya ayaa sheegay in Qaramada Midoobay looga baahan yahay inay dib u cusboonaysiiso ballanqaadkeeda ku wajahan shacabka Soomaaliyeed, ayna xoojiso isku xirka hay’adaha kala duwan. Waa lama huraan in la abuuro jawi awood u leh in lagu hormariyo dadaallada Dowladda ee lagu gaarayo xasilloonida iyo amniga. Waxa uu sidoo kale xusay in inkastoo la dhameystiray dib u eegista istaraatiijiyadeed ee UNSOM, aan si wanaagsan loo qeexin ka wareejinta howlgalka siyaasadeed ee gaarka ah ee kooxda dalka. Sidaa darteed, UNSOM waa in ay si cad u fahamsan tahay aragtida la wadaago ee Dowladda ee ku aaddan istiraatijiyadda bixidda.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Mudane Abuukar hoosta ka xarriiqay doorka muhiimka ah ee saraakiisha qaranka Soomaaliyeed ee Qaramada Midoobay ay ku leeyihiin goobta, isagoo walaac ka muujiyay hoos u dhaca shaqaaleysiinta kuwa la midka ah ee UNSOM - gaar ahaan dumarka musharixiinta ah ee u qalma, oo ka hooseeya 10 boqolkiiba. . Isagoo aqoonsadey muhiimadda ay leedahay ka-qaybgalka siman oo macno leh ee haweenka iyo nabad-dhisidda, wuxuu ku baaqay ajande ku-talo-gal ah eek u aadan “Haweenka, Nabadda iyo Amniga”. Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu tilmaamay in Dowladda ay Al-Shabaab kaga adkaaneyso dhinacyo badan oo dagaal, isagoo ku celceliyay in “aan ka mideysanahay arrintaasi”.

Xigasho: Warbixinnada Shirarka Qaramada Midoobay iyo War-Saxaafadeedyada