Faadumo Salaad Axmed: U istaagidda taageero sharci oo la siiyo danyarta Boosaaso

12 Nov 2022

Faadumo Salaad Axmed: U istaagidda taageero sharci oo la siiyo danyarta Boosaaso

Boosaaso - Helitaanka caddaaladdu waa mid ku adag Soomaaliya.

Tobannaan sano oo dagaal sokeeye ah kaddib, dalku wuxuu weli si wayn ugu howllan yahay sidii uu dib ugu dhisi lahaa nidaamkiisa garsoorka iyo hay’adaha sharciga, kuwaasoo ay ku jiraan maxkamadaha sharciga, nidaamka iyo kala damabynta oo noqon kara mid jilicsan.

Dhanka kale, tani waxay la micne tahay in Soomaali badani ay had iyo jeer la kulmaan takoorid marka ay cadaalad raadsanayaan ama aanay war ka haynin xuquuqdooda sharci. Xaaladdu aad ayay ugu sii adag tahay qaybo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed sida: dhallinyarada, haweenka, barakacayaasha (IDPs), kooxaha laga tirada badan yahay, iyo dadka naafada ah.

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa waxaa ku sugan hal qof oo dumar ah oo hollinaysa inay isbeddel samayso arintan.

"Waxaan bixiyaa kaalmo sharci, waxaana wakiil ka ahay dadka aan codka lahayn ee bulshada. Qayb ka mid ah taageeradayda joogtada ah, waxaan bixiyaa la-talin, waxaan u halgamaa in la helo maxkamad dhexdhexaad ah, waxaana diidaa isla xisaabtan la'aanta," ayay tiri Faadumo Salaad Axmed, oo ah gayfane 55-jir ah oo u dhaqdhaqaaqda sharciga.

Riyada sharciga

Waddada ay Marwo Faadumo u martay inay noqoto qof u dhaqdhaqaaqa xuquuqda sharciga ayaa ka dhalatay riyadeedii ahayd in ay noqoto qarreen caawiya dadka danyarta ah markii ay ahayd gabar yar oo kusoo kortay degmada Qardho. Si kastaba ha ahaatee, hammiyadani way hanjabeen ilaha dhaqaale ee xaddidan dartood, taasoo ka dhignayd inay ka baxdo dugsiga iyadoo yar si ay u caawiso masruufka qoyskeeda oo toban xubnood ka kooban.

Si kastaba ha ahaatee, way sii kobcinaysey riyadeeda, xitaa markii ay guursatey oo ay dhashay lix carruur ah kaddib, kuwaas oo mid ka mid ihi uu yahay wiil kow iyo toban jir ah oo naafo ah kaa oo ay u tahay daryeelaha koowaad ee aasaasiga ah.

Sanadkii 1993-kii, iyadoo 25 jir ah, waxay u guurtey magaalada dekedda leh ee Boosaaso oo ah magaalo mashquul badan oo ay ka jirto fursado badan oo iyada iyo qoyskeeduba. Halkaas ayay dib ugu daartay shumacii riyadeedii.

Sannadihii xigey, iyada oo u shaqaynaysa shaqaale bulsho ahaan, waxay baratay koorsooyin ka caawin kara inay noqoto kaaliye-garsoore.

"Sanadihii 2008-kii iyo 2009-kii, waxaan dhammeeystay tababbar kaalmada sharciga ah oo uu bixiyey Ururka Bulshada Tadamun - koorsooyinkan ayaa ii suurtageliyey inaan kor u qaado aqoontayda," ayay tiri.

Ururka Tadamun Social Society (TASS) oo ay xaruntiisu tahay magaalada Boosaaso, waa urur aan dowli ahayn oo la aasaasay 1992-kii si loo xaqiijiyo sii socoshada waxbarashada Soomaaliya xilliyadii dagaalada sokeeye. Tan iyo markaas, waxaa uu sidoo kale gacan ka gaystey bixinta gargaarka bini'aadminnimo, horumarinta xuquuqda aadanaha, kobcinta baraaraha dhaqan dhaqaalaha iyo maamul wanaagga si kor loogu qaado hab-nololeedyada dadka iyo karaamada aadanaha.

Howlkarnimo

Marwo Faadumo waxa ay si hagar la’aan ah u qaadatay koorsooyinka ay bixiso TASS.

"Waan ogaa in haddii aanan naftayda awoodsiin, aanan weligey gaari doonin yoolashayda. Inkasta oo aan ka imid qoys dakhligoodu hooseeyo, haddana waxaan helay waqti aan wax ku barto anigoo daryeelaya carruurtayda, ma ahayn shaqo fudud, laakin waan ka jiba keenay, waana i kaas, bulshadayda wax ku biirinaya. Ugu dambayn, wax kasta waxay ku dheceen sidii loogu tala galay.'' ayay tiri.

Sannadkii 2010-kii, waxa ay dhammaysatay tababarkeedii kaaliyaha-qarreen waxayna ka shaqo bilowday xarun kaalmo sharciga ah oo maxalli ah oo ay taageerto Hay'adda Horumarinta Barnaamijka ee Qaramada Midoobey (UNDP). Xaruntu waxay siisay inay sharciga si bilaash ah uga taageerto kooxaha nugul, sida haweenka, xubnaha laga tirada badan yahay, iyo bulshooyinka dhaqaale ahaan liita. Shaqaalaha sharci-yaqaanka ihi waxaa ay ka caawiyeen dacwoodeyaasha inay isku toosistaan kiisaskooda sharciga ah, waxay kala taliyaan xuquuqaha sharciga ah iyo waajibaadka, waxayna sidoo kale caawimaad ka siiyaan xallinta dhibaatooyinka iyada oo loo marayo qaababka dhaqan ahaan loo xalliyo khilaafaadka.

"Waxaan maxkamadaha Puntland ka bixiyey metelaad kaalmo sharci ah oo lacag la'aan ah oo aan siiyey shakhsiyaad dhaqaalahoodu liito - oo ay ugu horreeyaan barakacayaasha, qaxootiga, haweenka, carruurta, dadka aan ilaalin qabiil haysan, dadka laga tirada badan yahay," ayay tiri.

"Laakiin waxaan si gaar ah u mataley qaar badan oo ka mid ah bulshooyinka nugul ee ku nool xeryaha barakacayaasha ee Boosaaso," ayay raacisay. "Dadkani ma haystaan u doode ama matalaad, mana la'aan xubno qabiil oo ka taageera habraaca maxkamadaha iyo bixinta [kharashka sharciga ah]."

Nasiib darro, maalgelintii UNDP ee xaruntu waxa ay dhammaatay horraantii sanadkii 2022-kii dhaqaale jaris la sameeyey awgeed, inta badan 20 shaqaalaheeda ahaana waa la fasaxay.

Sii wadidda shaqada

Marwo Faadumo waxay go’aansatay in ay sii waddo howha, xitaa duruuftaa oo jirta – halkii ay ku shaqayn lahayd xafiis, waxa ay shaqadeedii kasii wadatay gurigeeda iyada oo qoyskeeda ku taageeri jirtay dukaan yar oo ay ku iibiso cunto iyo agabka aan cuntada ahayn iyo sidoo kale shaaha.

“Hadda, waxaan maalin walba gurigayga ku qabtaa hal ama labo kiis, haweenka ku jira xeryaha barakacayaashu marka ay ogaadaan shaqadayda, waxay yimaadaan gurigayga, waxaana siiyaa talo, waxaana ka caawiyaa sidii ay xuquuqdooda u heli lahaayeen, waxaan u raacaa maxkamadda, aniga oo ka codsanaya maxkamadaha inay ka dhaafaan kharashaadka dokumentiyada waxaana dabagalaa kiisaska ilaa go'aan kama dambays ah laga gaarayo,'' ayay tiri.

Bixinta taageero sharci iyada oo aan la helaynin mushahar joogto ah lana korinayo lix carruur ah waa caqabad kugu filan, laakiin u dhaqdhaqaaqayaasha sharciga ayaa sidoo kale hadda wajahaya dhibaatooyin dheeraad ah oo ah qabashada wax hadda noqday shaqo tabarucaad ah.

"Waxaan la kulmaa caqabado dhanka ammaanka ah marka aan caawinayo dadka jilicsan, maxaa wacay waxaan ka shaqeeyaa degaan ay dadku hubaysan yihiin, sidaas darteed mararka qaarkood waxaan la kulmaa hanjabaado la xiriira shaqada aan u qabto dadka u baahan," ayay tiri "Waxaa isoo gaara hanjabaado, laakiin taasi marna igama joojin inaan howshayda qabsado.

Mar la waydiiyey sababta ay u sii waddo howsheeda, waxay sheegtay in ay tahay howl ku habboon oo aysan iska indha tiri karin, gaar ahaan marka ay indhaheeda ku aragto xaaladda nololeed iyo caqabadaha soo wajaha dadka ay booqato, sida barakacayaasha iyo qoysaska danyarta ah ee ku nool Boosaaso – iyo gaar ahaan, marka ay timaado kiisaska khuseeya xadgudubka carruurta iyo cunfiga ku saleysan jinsiga ee ka dhex jira dadka nugul, ee aadka ula kulma takoorka siyaasadeed.

"Sababta ay taasi u dhacayso waa inaysan ahayn qabiillo saamayn xooggan ku leh xaafaddooda si ay uga taageeraan bixinta biilasha isbitaalka iyo kharashka maxkamadda marka ay dhibanayaasha yihiin, ama aysan difaacin marka xuquuqdooda lagu xad-gudbo - waana sababta uu usoo noqnoqdo xadgudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha xeryaha barakacayaasha,” ayay tiri.

Dhiirigelin

Marwo Faadumo ayaa sheegtay in natiijo guul leh laga gaaro xaaladahan oo kale ay tahay arrin dhiirigelin leh.

Waxay gocatay kiis si fiican loo yaqaan oo maxalli ah oo ku saabsan gacan ka hadal qoys kaasoo dhacay shan sano kahor iyadoo koox ay wehlisey ay kaalmo sharci siiyeen dhibbanihii.

“Sannadkii 2017-kii, xarun barakacayaal ah oo ku taalla Boosaaso ayuu nin xaaskiisa ku garaacay ilaa uu dhaawac ka gaarey Isha, markii aan maqlay waxaan islamarkiiba wacay hay’adda TASS oo inta badan caawisa dadka la haybsooco xilliyada ay jiraan xaalado caafimaad oo deg deg ah. Dhibbanaha waxa loo qaaday isbitaalka, waxaana caawiyey qoyskeeda aniga oo warbixin u gudbiyey booliiska islamarkaana maareeyey arrimaha kale ee sharciga. Ninkii waa la xirey, xaaskiina magdhow baa la siiyey,'' ayay tiri.

Dib u soo gocoshada dhacdooyinka la mid ah ee xadgudubyadu ayaa, nasiib darro, ah kuwo aad ugu fudud u dhaqdhaqaaqe ruug-caddaa ah.

“Waxaan gacan ka gaystey dacwad kale oo muhiim ah oo ku saabsan gabar 14 jir ah oo ku nool magaalada Boosaaso. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa inanta yari shaqo ka heshay qoys ay deris ahaayeen oo dhar iyo maacuun ay u dhaqi jirtey. Muddo lix bilood ah ayay u shaqaynaysey, iyadoo mushaar la’aan ah. Markii ay ku adkaysatay in la siiyo lacagteeda, shaqaaleeyihii, oo naag ahayd, ayaa ku rogtey biyo karkaraya gabadhii yarayd,'' ayay tiri.

"Jirkeeda oo dhami waa gubtey," ayay raacisay, "Anigu waxaan ahaa qofkii ugu horreeyey ee ka baxsan qoyskeeda oo helay macluumaadka. Waxaan qaaday dhammaan tillaabooyinka taageerada sharciga ee lagama maarmaanka ah, kuwaasoo ay ku jiraan inaan ka taageeray in isbitaalka la seexiyo iyo inaan kiiska u gudbiyo Xeer-ilaaliyaha Guud. Dembiilihii waa lasoo xiray.”

QM iyo cadaalad helidda

Sida laga soo xigtey Qaramada Midoobey, helitaanka caddaaladdu waa mabda' aasaasi u ah ku sarreynta sharciga. Marka la waayo caddaaladda, dadku ma awoodaan in la maqlo codkooda, inay isticmaalaan xuquuqdooda, ka doodaan takoorka ama la xisaabtamaan dadka madaxda ah.

Hay'addan caalamiga ahi waxay gacan ka gaysataa horumarinta iyo dib-u-habaynta siyaasadaha qaran iyo qaab-dhismeedka kaalmada sharciga waxayna taageertaa awood-dhisidda dadka ku jira dowladda iyo kuwa aan ka mid ahayn ee bixiya adeegyada kaalmada sharci ee arrimaha madaniga, dembiyada iyo qoyska. Waxa kale oo ay taageertaa bixinta kaalmo sharci iyada oo xoojinaysa awoodaha dadka xuquuqda leh, kor u qaadidda barnaamijyada kaalmada sharciga sida awood siinta dadka xuquuqaha leh, gaar ahaan kuwa saboolka ah iyo kooxaha la takooro, iyo taageeridda wacyigelinta sharciga, xarumaha kaalmeeya sharciga iyo ololaha wacyigelinta dadwaynaha.

Puntland, iyada oo taageero ka helaysa Barnaamijka ku Dhaqanka Sharciga, ayey hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan horumarinta ee UNDP tan iyo sannadkii 2007-dii taageeraysey hay’adda Kaalmada Sharciga ee Puntland (PLAC). PLAC waxay caawisaa dadka nugul, danyarta, iyo dadka saboolka ah ee ku nool xeryaha barakacayaasha iyo in kuwa jooga meelaha fog fog ee Puntland ay helaan kaalmo sharci. Waxay ka shaqeeyaan ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda haweenka, waayeelka, carruurta, maxaabiista, soogalootiga dhaqaale doonka ah, iyo dadka lagu khasbay inay kaso qaxaan guryahooda.

Xarunteedu waxay ku taal Garoowe, Puntland, waxayna xafiisyo ku leedahay Boosaaso iyo Gaalkacyo.