Golaha ammaanka Qaramada Midoobay oo kordhiyay muddada shaqo ee UNSOM illaa 31-ka Oktoobar 2024

31 Oct 2023

Golaha ammaanka Qaramada Midoobay oo kordhiyay muddada shaqo ee UNSOM illaa 31-ka Oktoobar 2024

New York – Ka-dib dib-u-eegistii istiraatiijiga ahayd ee Xoghayaha-Guud uu ku sameeyay Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Golaha Ammaanka ayaa maanta kordhiyay muddada shaqada Hawlgalka illaa 31-ka Oktoobar 2024, sida ku xusan qaraarrada 2158 (2014) iyo 2592 (2021).

Isagoo cod aqlabiyad ah ku meel-mariyay Qaraarka tirsigiisu yahay 2705 (2023), ayaa Goluhu wuxuu codsaday in UNSOM ay sii wado oo ayna xoojiso joogitaankeeda guud ahaan Soomaaliya iyadoo wada-tashi kala yeelanaysa Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubinaha ka ah Federaalka, iyo in ay sii xoojiso iskaashiga ay la leedahay dalka iyo Midowga Afrika.

Sida ku cad qodobbada qaraarka, UNSOM waxaa lagu dhiirrigelinayaa isu-duwidda dadaallada Qaramada Midoobay iyo in ay ka taageerto Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka dardargelinta hirgelinta Istiraatiijiyadda Xasillinta Qaranka iyo Qorsheyaasha Xasilinta Heer-Dowlad-Goboleed iyo taageeridda nabad-dhisidda.

Golaha oo walaac dhab ah ka muujiyay xaaladda bani'aadamnimo ee ka taagan Soomaaliya, ayaa isagoo adeegsanaya qaraarka, wuxuu si xooggan u cambaareeyay ku takrifalka ama xayiraadda gargaarka bani'aadamnimo, oo ay ka mid yihiin rabshadaha, weerrarada iyo hanjabaadaha ka dhanka ah hawlwadeennada caafimaadka iyo bani'aadamnimada, gaadiidkooda iyo qalabkooda, iyo sidoo kale isbitaallada iyo xarumaha kale ee caafimaadka taas oo xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah.   Qaraarka wuxuu dhinacyada oo dhan ka dalbanayaa in ay oggolaadaan ayna fududeeyaan, iyadoo la raacayo qodobbada sharciga caalamiga ah ee la halmaala, in si buuxda, ammaan ah, oo degdeg ah in waqtiga loo baahan yahay si xayiraad la’aan ah gargaar loo gaarsiiyo dadka u baahan ee ku nool Soomaaliya oo dhan, oo ah si waafaqsan mabaadii'da bani'aadamnimada.

Anna M. Evstigneeva (Federaalka Ruushka), oo codeynta ka-dib hadashey ayaa sheegtay in wafdigeedu ay qaraarka taageereen maadaama ay Soomaaliya taariikhda casriga ah kaga jirto meel muhiim ah iyadoo Dowladda Federaalka ay la daalaa dhacayso la dagaalanka caqabado badan, oo ka mid ah sii socoshada cunaqabateynta hubka ee saaran. Waxaa ay si guul leh ula dagaalamaysaa xagjirnimada. Soomaaliya waxay dareemaysa natiijooyinka Qaran-dhiska, wafdigeennada waxay soo dhaweynayaan shaqada Muqdisho ee ku aaddan xallinta colaadaha beelaha ka dhex taagan. Kaalinta hawlgalka ayaa sii kordhaysa, iyadoo gargaarka lagama maarmaanka ahna ay tahay in loo bixiyo si waafaqsan xuduudaha waajibaadka hawlgalka.   Faragelinta arrimaha gudaha ee dalka, oo ay shaqada sharci-dejinta ka mid tahay, lama oggola.

Geng Shuang (Shiinaha) ayaa sheegay in sababta wefdigiisu ay ugu codeeyeen qaraarka muddo kordhinta in ay tahay in UNSOM ay ku wanaagsan tahay taageeridda hannaanka siyaasadeed ee Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu carrabka ku adkeeyay, Hawlgalka in uu si adag u ilaaliyo mabda' ay Soomaaliya leedahay ee ay Soomaaliya hoggaamiso. Wuxuu xusay qaraarka in wax laga beddelay si uu uga turjumo mabda'an, wuxuu yiri UNSOM waa in ay ka fogaataa in ay Soomaaliya ku soo rogaan xallal dibadda ah. Isagoo sidoo kale carrabka ku dhuftay muhiimadda ay leedahay taageeridda in ay Soomaaliya la qabsato isbeddelka cimilada, wuxuu sheegay kheyraad maaliyadeed la'aan in ay tahay caqabada ugu weyn ee ay Soomaaliya arrintaasi ka haysato. Wuxuu muujiyay sida uu uga xunyahay qaraarka hadda la meel-mariyay in uusan arrintan ka hadlin, wuxuu sheegay Goluhu in uu dalalka horumaray ugu baaqo in ay bixiyaan maaliyadaha cimilada ee muddo 14 sano ah dib loo dhigay. Haddii Goluhu ay dhab ka tahay wax ka qabashada isbeddelka cimilada, waa in uu fududeeyaa “tallaabooyin la taaban karo iyo lacag dhab ah”.

Harold Adlai Agyeman (Gaana), oo sidoo kale ku hadlayay magaca dalalka Musambiiq iyo Gaabon, ayaa sheegay in kooxdu ay taageertay qaraarka maadaaama UNSOM ay kaalin muhiim ah ka qaadato hirgelinta wax-ku-oolka ah ee dadaallada Qaran-dhiska dalka ka socda. Waxay sidoo kale aqoonsan tahay kaalinta Hawlgalka uu kaga jiro hannaanka nabad-dhisidda maadaama uu xasillooni u keeno dalka iyo gobolka. Qaraarku wuxuu xusayaa baahida loo qabo in wax laga qabto khatarta joogtada ah ee argagixisanimo ee uu dalku wajaho iyo isticmaalka walxaha qarxa. Gargaarka ballaaran ee dhinacyada maaliyadda, farsamada iyo amniga ayaa muhiim ah si Soomaaliya loo caawiyo xilligan xasaasiga. Wuxuu soo jeediyay in si taxaddar leh loo tixgeliyo in Soomaaliya si buuxda looga qaado cunaqabateynta hubka si ay ula dagaalanto kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab oo kale. Wuxuu xusay kaalinta muhiimka ah ee ay haweenku ka qaadan karaan geeddi-socodka nabad-dhisidda. Wuxuu bogaadiyay habka wadar-oggolka ah ee uu xubinka golaha uu adeegsaday.

Maxamed Raabi Yuusuf (Soomaaliya), ayaa xusay in sannadkan uu yahay sanandkii tobanaad tan iyo markii hawlgalkan siyaasadeed ee gaarka ah laga aasaasay Soomaaliya, wuxuu yiri waajibaadka UNSOM waa in uu ka tarjumaa Soomaaliyada maanta intii uu ka tarjumi lahaa Soomaaliyadii 2013. Isagoo soo dhaweynaya bilowga Golaha ee kala-guurka muddada joogitaanka kooxda dalka ee Qaramada Midoobay, ayaa wuxuu carrabka ku adkeeyay in dagaalka ka dhanka ah argagixisada in aanan kaliya looga guulaysan karin habab militeri laakiinse sidoo kale loo baahan yahay in wax laga qabto waxyaabaha gunta u ah ee kiciya xagjirnimada, sida la'aanta fursado dhaqaale. “Horumar la'aan nabad ma jirto, nabad la'aanna horumar ma jiro,” ayuu yiri. UNSOM waa in ay u hawlgashaa oo ay waajibaadkeeda u gudataa si waafaqsan filashada Dowladdiisa, oo ay ka mid tahay in ay si buuxda u ixtiraamto madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.  Wuxuu hadalkiisa ku daray fasiraadaha kala duwan ee ku saabsan habka federaalka ee la qaatey ama awood-qaybsiga Soomaalida in aaney waxba ka beddelin ballanqaadka Soomaaliya oo mideysan. Waxaa kaloo soo-jiidasho leh arrinta nisbada sarreysa ee boosaska shaqo ee bannaan ee joogtada ah, wuxuu sheegay in baahsanaanta boosaska aan la buuxin ay muujin karto in uu dhow yahay dhammaadka meertada nolosha hawlgal siyaasadeed oo gaar ah. Isaga oo ku dhiirrigelinaya Xoghaynta in ay dedejiyaan gebogabbeynta dib-u-eegista qaabaynta iyo shaqaalaha ee 2022, ayaa wuxuu hadalkiisa raaciyay in Soomaaliya ay qaaday tallaabooyin mug leh oo lagu gaarayo nabad iyo xasillooni siyaasadeed.

Isha laga soo xigtay: Saxaafadda QM