Matxafka Qaranka Iyo Qm oo qabtey tartan farshaxaneedkii xuquuqda aadanaha ee koowaad ee abid ka dhaca Soomaaliya

1 Nov 2023

Matxafka Qaranka Iyo Qm oo qabtey tartan farshaxaneedkii xuquuqda aadanaha ee koowaad ee abid ka dhaca Soomaaliya

Muqdisho – Awoodda uu farshaxanku u leeyahay in uu dadka dhiirrigeliyo oo uu weliba kaga sii wanaagsan yahay waxyaabaha kale ayaa maanta ka muuqatey tartan-farshaxaneedkii ugu horreeyey ee ku saabsanaa xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya abid ka dhaca, kaas oo looga dan lahaa in kor loogu qaado wacyiga ku aaddan xuquuqaha aadanaha iyo in ay ka dhalato munaaqasho iyo dood ku saabsan arrimaha muhiimka u ah Soomaalida.   

“Aad baan ugu faraxsanahay in aan goob-joog ka ahay bandhiggan lagu qabanayo Matxafka Qaranka halkaas oo farshaxaniin 20 ah loo soo xuley iyo in aan arko hal-abuurkooda – sharaf bey inoo tahay in aan halkaan joogno iyo in aan dhiirrigelinno,” ayuu yiri Wasiiru-dowladaha  Wasaaradda Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta Sare (MoECHE), Axmed Cismaan Ibraahim. 

Sarkaalkan ka socdey dowladda ayaa ka hadlayey munaasabad loogu dhawaaqayey kuwii ku guuleystey tartanka oo ka dhacdey caasimadda Soomaaliya ee  Muqdisho. Tartanka, iyo bandhigga la halmaaley, waxaa si wadajir ah u wada qabanqaabiyey Matxafka Qaranka ee Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey. 

“Maanta, waxaan halkaan u joognaa in aan bandhigga u furno dadka Soomaaliyeed si ay u yimaadaan, u soo booqdaan oo ayna xuquuqaha aadanaha uga bartaan sawirrada bandhiggan yaalla,” ayaa uu yiri Agaasimaaha Matxafka Qaranka, Dr. Cismaan Geeddow Caamir. 

  

“Waxay ila tahay in bandhigga aan maanta arkeyno uu yahay mid aad u xoog badan. Waxay ila tahay in dhammaanteen uu ina wada taabtey sawir kasta oo aan aragney… waana haddiyad aad qaali u ah oo uu Matxafka Qaranka siinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed – in ay suurowdey in la isticmaalo goobtan aadka u qurux badan, la wadaago, la dokumenti-gareeyo taariikhda Soomaaliya iyo dhaqanka hodonka ah, laakiin sidoo kale waxaa la mid ah arrimaha la xiriira caddaaladda, sinnaanta iyo rajooyinka iyo riyooyinka,” ayaa ay tiri Madaxa Kooxda Xuquuuqda Aadanaha iyo Ilaalinta ee hawlgalka QM ee Kaalmada Soomaaliya (UNSOM), Kirsten Young, Kirsten Young. 

“Waxa aan ku aragney mid kasta oo ka mid ah farshaxannadan innooga muuqda qolkaan, waxaa ay taabayaan mowduucyo aad xasaasi u ah waxaana ay ila tahay in dhammaantood ay rajo innagu beerayaan. Waxay ila tahay in arrintaasi ay muhiim tahay sababta oo ah kuwani waa farshaxaniin dhallinyaro ah waxaana ay soo bandhigeen sida ay u arkaan mustaqbalka Soomaaliya: oo ah mid rajo leh,” ayaa ay hadalkeeda ku dartey Ms. Young, oo sidoo kale ah Ergeyga Soomaaliya u jooga Hay’adda QM ee Xuquuqul-Insaanka / the Office of the UN High Commissioner for Human Rights (OHCHR). 

Bandhigga ayaa xiriir la leh waxqabadyada QM ay ku xuseyso sanad-guurada 75aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul-Insaanka / the Universal Declaration of Human Rights (UDHR). Baaqa UDHR waa dokumenti kaalintiisu ay mug leedahay oo uu Golaha Guud ee QM faafifiyey 1948 isaga oo jaangooyo guud oo looga tusaale qaato u ah guulaha u soo hoydey dhammaan dadyowga iyo umadaha kala duwan. Waxaa uu, markii ugu horreysey ,dhigey in xuquuqaha aadanaha ee aasaasiga ah ay ahaadaan kuwo si caalami ah loo ilaaliyo. 

“Baaqa Caalamiga ah, waxaa ku dhex jira xuquuqo dhaqan, laakiin waxaa sidoo kale iyana jira qodobbo taabanaya xuquuqahan, tusaale ahaan, xuquuqda xoriyatul-qowlka – farshaxaniintu ma awoodi lahayn in ay shaqadooda qabsadaan haddii aaney si xor ah u muujin kareen fikirka ka guuxaya, sidoo kale adigana waa in xuquuq u yeelataa madadaalo si aad u hesho waqti firaaqo ah oo aad ku sameyso waxyaabaha aad jeceshaya,” ayaa ay tiri Ms. Young.   

Ka-qaybgal badan  

Tartanka waxaa lagaga soo qaybgaley 68 sawir, iyada oo garsoorayaashii saddexda ahaa ay soo xuleen 20 sawir oo looga soo qaybgaley ka hor intii aaney ku dhawaaqin natiijada. Guddiga garsoorayey waxaa uu ka koobnaa farshaxaniin saddex ah oo madax-bannaan. 

Khubarrada QM ee xuquuqaha aadanaha ayaa ka-qaybgalayaashii la soo xuley siiyey tababarro ku saabsan arrimaha ugu waaweyn ee xuquuqul-insaanka, iyada oo si gaar ah diiradda loo saarey mowduucyada sanadguurada 75aad ee baaqa UDHR: sharaf, xoriyad iyo garsoor la wada helo. 

Kaalinta koowaad waxaa ku guuleystey farshaxanka Muqdisho xaruntiisu tahay ee Salmaan Cismaan Shariif, iyada oo Maxamed Cabdulqaadir Maxamed iyo Cabdi Aweys Xassan, ay kala galeen kaalinta labaad iyo saddexahaad, sida ay u soo kala horreeyaan. Mowduucyada ay ku saabsanaayeen sawirradoodu waxay ahaayeen sinnaanta, caddaaladda iyo xoriyadda.  

Nasiib-darro Salmaan uma suuroobin in uu ka soo qaybgalo munaasabadda maaddaama uu shil galey intii uu  ku soo socdey Matxafka Qaranka. Waxaa uu ogaadey in uu guuleystey markii telefoon loogu sheegey isaga oo isbitaalka lagu daaweynayo waxaana uu damaashaadka kaga soo biirey sariirtii isbitaalka ee uu ku jiifey. 

Tartamaha galey kaalinta saddexaad, Mudane Cabdi Aweys, ayaa sheegey in marka laga hadlayo farshaxan, guul iyo guul-darro aaney muhiim ahayn. 

“Markii aan soo codsanayey ka-qaybgalka tartankan, waxa i waday ma ahayn fikir la xiriira in aan guuleysto – tan guul bey ii tahay xataa haddii aanan ahayn qofka galey kaalinta koowaad! Farshaxanka waxaa uu gacan innaga siin karaa in aan fahamno xuquuqaha aadanaha. Waa qaab kor loogu sii qaadayo wacyiga ku aaddan arrimaha xuquuqaha aadanaha. Waxaan farshaxanka u adeegsadaa in aan ku muujiyo arrimaha la xiriira xaqa (caddaaladda), sinnaanta iyo caddaaladda bulsho, waxaana uu sidoo kale door ka qaadan karaa nabad-dhisidda ayaa uu yiri,” Mudane Cabdi Aweys Xasan.  

Ka-qaybgale kale, Hodan Cabdullaahi Maxamed, oo ah ardayad cilmiga kombuyutarka ka dhigata Jaamacadda Muqdisho oo mareysa sanadkii labaad ee waxbarashada. 

“Wax badan ayaan ka bartey [tartankan]. Waxaa uu fursad ii siiyey in aan la kulmo farshaxaniin kale waxaana uu ii ahaa mid aan indhaha ku kala qaadey,” ayaa ay tiri Hodon, iyada oo intaa ku dartey, “Waxaan farshaxankeyga u adeegsadaa in aan ku muujiyo caddaalad-darrada soo wajahda haweenka iyo gabdhaha.” 

Goob xiiso u leh dhaqanka 

Matxafka Qaranka ee Soomaaliya ayaa dib loo furey bishii Luuliyo 2020kii. Muddo ku dhowaad 30 sano ka hor waqtigaa, ayaa albaabadiisu xirmeed oo qaar badan oo ka mid ah qolalkiisiina ay eber-baxeen. 

Hay’addan dhaqanka la halmaasha waxaa 1934 abuurey maamulkii gumeysigii Talyaaniga isaga oo ugu magacday ‘Museo della Garesa,’ waxaana soo marey waxyaabo matxafyada kale ee soo marey ay yar yihiin.     

Dhisme sidoo kale loo yaqaanno ‘Marxafka Barqash,’ ayaa uu matxafku ahaan jirey ilaa laga soo gaarey 1985, markaas oo waxyaabihii ku jirey, oo ka koobnaa agab 35,000 shey ah, loo wareejiyey dhisme cusub oo markaa la dhisey oo xarun u ahayd laga soo bilaabo waqtigaas.  

Haseyeeshee, dagaalkii sokeeye ee dhibka iyo jahawareerka badnaa ee 1990-yadii ayaa sababey in uu xirnaado muddo ku dhow soddon sano. Dowladda Federaalka ah ayaa dayactir iyo dib-u-dhisid aasaasi ah ku bilowdey 2019kii, intii aan dib loo furin waqti hadda laga joogo saddex sano ka hor. 

Wax badan ayaa u dhiman si uu dib ugu soo noqdo beri-samaadkiisii hore. Inkasta oo dhibaatadii ka soo gaartey dagaalka laga dayactirey oo aasaas iyo dhismayaal cusub ay hadda meesha yaallaan, haddana hoolalkiisii iyo qolalkii wax lagu keydinayey ayaa weli bannaan-yaal ah oo burbursan oo badi waxyaabihii ku jiri jirey waa la burburiyey ama waa la bililiqeystey intii ay socdeen dagaalladii ugu dambeeyey. 

Weli rajo fiican ayaa jirta, dhacdooyinka sida tan maanta looga dhawaaqey dadka guuleystey, iyo bandhigga la xiriira, ayaa bilow u ah.   

Hadalkii koobnaa ee uu ka jeediyey munaasabadda, ayaa Guddoomiyaha Akadeemiyada Sayniska iyo Fanka, Cabdulqaadir Nuur Xuseen, uu ku xusey doorka qiimaha leh ee hay’adaha dhaqanka waxaana uu muujiyey sida uu rajo uga qabo in  Soomaali badan ay ka soo qaybgeli doonaan oo ayna ka faa’iideysan doonaan fursadaha dhaqanka la xiriira. 

“Matxafka Qaranku waa sidii buug nool oo aad ka baran karto dhaqankaaga, oo aan u baahneyn turjumaad. Si la mid ah sida aad mar walba u soo booqataan Beerta Nabadda, oo ah goob dalxiis loo tago, waxaan sidoo kale idinkula talinayaa in aad u soo booqataan Matxafka,” ayaa uu sii raaciyey. 

Hadalladiisii kuwo la mid ah waxaa meesha ka sheegey Agaasimaha Matxafka Qaranka.  

“Sida aad aragtaanba, dhammaan sawirradaan suran debiyada waxaa sameeyey farshaxaniintan dhallinyarada ah waxaana ay qabteen hawl aad u wanaagsan – waxaan sidoo kale ku dhiirrigelineynaa dadka Soomaaliyeed in ay yimaadaan Matxafka oo ayna daawadaan farshaxankan si ay wax uga bartaan xuquuqaha aadanaha,” ayaa uu yiri Dr. Cismaan. 

“Waxaan rabnaa sidoo kale in aan u hambalyeeyno ka-qaybgalayaasha iyo in aan dhiirrigelinno – dhammaantood waa ay wada guuleysteeen,” ayuu hadalkiisii ku darey.