Guddiga Maamulka Qorshaha Qaranka Soomaaliya ee Xadgudubka Galmada oo kulmay

9 Sep 2015

Guddiga Maamulka Qorshaha Qaranka Soomaaliya ee Xadgudubka Galmada oo kulmay

Muqdisho – Guddiga hagidda qorshaha qaran ee Soomaaliya ee dhanka xadgudubyada galmada colaadaha la xiriirta ayaa qabtay kulan ay shir guddoominaysay Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo ay sidoo kale wadajir ah ula guddoomisey islamarkaana ay martigelisay UNSOM kaas oo ka dhacay Villa Nabad. Ajendaha ayaa diiradda lagu saaray qorshayaasha hirgelinta iyo kobcinta isku-dubbaridka ka dhexeeya qaybaha kala duwan ee dawladda.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay wakiillo ka socday Xafiiska Qaramada Midoobay ugu qaybsan Kaalmeynta Soomaaliya (UNSOM), mas’uuliyiin ka kala socdey wasaaradaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, xubno ka socday Bulshada Rayidka ah, Booliska Soomaaliyeed iyo AMISOM.

Sahra Maxamed Cali Samatar, Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku nuuxnuuxsatay baahida loo qabo in la abuuro wacyigelin ku saabsan xadgudubyada galmada, la tacaalidda ceebeynta ama ceebsiga baahsan iyo xaqiijinta in la hirgeliyo siyaasado wax ku ool ah iyo nidaam shaqeynaya.

“Waxaan ognahay in 25-kii sanadood ee ugu dambeeyay uu dagaal sokeeye saameeyay dhammaan hay’adihii dowladeed. Dhibanayaasha ugu horreeyana waxay ahaayeen haween iyo gabdho. Waxa kale oo aynu ognahay in maanta lafteeda aynaan weli lahayn siyaasad adag ama hay’ado adag oo ilaaliya haweenka iyo carruurta. Taas awgeed, waa mid mudnaan leh inaannu ku boorinnaa dhammaan Soomaalida inay dhistaan oo ay yeeshaan siyaasad adag oo lagu joojiyo xadgudubyada galmada. Aniga ahaan, ka Wasiirad dhanka Jinsiga iyo hooyo ahaanba, mudnaan ayay leedahay in la xaqiijiyo ilaalinta dhammaan haweenka Soomaaliyeed,” ayay tiri wasiiraddu.

Ghada Shawgi, oo ah La-taliye Sare ee dhanka Ilaalinta Haweenka UNSOM ayaa ku ce-celisay taageerada joogtada ah ee ku aaddan qorshahan, oo ay ku jirto isku-dubbaridka jaalal kala duwan si loo xaqiijiyo dedaal si wanaagsan u agaasiman oo wax looga qabanayo xadgudubyada galmada ee Soomaaliya.

“Qorshahani runtii aad buu muhiim u yahay marka la eego ilaalinta iyo taageerada dumarka oo keliyana ma ahane sidoo kale ragga, wiilasha iyo gabdhaha. Qorshe-hawleed Qaran ayaa la sameeyay, laguna heshiiyey sanadkii hore Maajo 2014, iyadoo hay’adaha DF Soomaaliya, bulshada rayidka ah iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee kale sida Booliska iyo Nabadsugidu ay isugu yimaadeen si ay maskaxdooda isugu geeyaan, si ay ula yimaadaan waxqabadyo waxtar leh oo wax looga qabanayo arrimaha ilaalinta haweenka. Intaa wixii ka dambeeyay, waxaanu Dowladda ku taageeraynay sidii loo hirgelin lahaa Qorshe-hawleedka Qaranka,” ayay tiri.

Kulanka ayaa sidoo kale fikrado ka keenay bulshada rayidka ah, kuwaas oo ku hawllan kaalmaynta hannaanka wacyigelinta ee heer bulsho, iyo hawlo kale.

Sahra Maxamed Axmed, oo ah la-taliye dhanka sharciga ah oo ka tirsan Xarunta Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed (SWDC), ayaa u kuurgashay in arrimaha ilaalinta haweenka iyo carruurtu ay yihiin kuwo muhim ah; iyadoo ammaanaysa dedaalka wadajirka ah ee ku aaddan xaqiijinta ammaankooda.

“Aad ayaan ugu faraxsan ahay inaan la kulanno Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, waxaana arrinta ugu wayn ee laga wada hadlay ay tahay tacadiyada haweenka iyo carruurta. Waxaan joognaa lugtii ugu dambeysay ee wadatashiga ku aaddan samaynta sharci wax looga qabanayo arrintan. Waxaan ka wada hadlaynaa siyaasadaha caawiya marka dumarka la dhibaateeyo ama lagu tacaddiyo,” ayay tiri Sahra Axmed.

Gaashaanle Idil C/llaahi Xasan oo ay soo wakiilatay Taliyaha Qaybta Jinsiga ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegtay in kulanka uu ujeedkiisu ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa isku xirka qaybaha kala duwan ee dowladda si loo helo dedaallo wadajir ah ee ku aaddan dhanka ilaalinta haweenka iyo carruurta. Waxay xustay in loo baahan yahay in la helo isku-dubarid xooggan, laga soo bilaabo marka dacwad loo gudbiyo Booliska ilaa marka la horgeeyo maxkamadaha sharciga, si loo xaqiijiyo caddaalad ah helaan dhibanayaashu.

“Maadaama Qorshe-Hawleed Qaran horraanba la sameeynayo, kulanka maantu waxa uu ku saabsan yahay sidii loo hirgelin lahaa. Dhammaan qaybaha kala duwan iyo saamileeyda waxaanna ka wada hadlaynaa sidii loo hirgelin lahaa, natiijadii ka soo baxday shirkan gabagabadiisa waa in ay noqotaa sidii aan u hirgelin lahayn oo aan iskugu dubbaridi lahayn,” ayay raacisay.

Dr. C/qani Sheekh Cumar, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa intaa ku daray in kulanka ay ka soo qayb galeen Wasaaradaha kala duwan ee Dowladdu uu yahay mid muhiim u ah hirgelinta qorshahan. Waxa uu xusay in kulankani uu yahay mid aad muhiim ah iyo ballan-qaad siyaasadeed oo ay ka soo qayb galeen in ka badan sagaal wasaaradood, bulshada rayidka ah iyo qaybaha kale ee ay khusayso.

Arrinta ugu wayn ayaa ah in dowladdu ay qabato wada tashiyo lagu joojinayo rabshadaha la xiriira jinsiga. Dawladdu, sida aad aragtaan, iftiiminta xal-u-helidda arrintan waxa la gaarsiin doonaa meelaha ugu sarreeya ee lagu gaaro go’aamada dalka, waxaana la soo saari doonaa sharciyo cusub oo lagu joojinayo xadgudubyada ku salaysan jinsiga ee Soomaaliya, gaar ahaan xadgudubyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta.”