Maxkamadda Gobolka Banaadir oo laga furay Muqdisho

10 Sep 2015

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo laga furay Muqdisho

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya, Qaramada Midoobay, iyo saaxiibada deeq bixiyayaasha ayaa soo dhoweeyay furitaanka Xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir oo maanta laga furay Magaalada Muqdisho. Furitaankani waxa uu tilmaamayaa guul muhiim ah oo u soo hoyatey waaxda cadaaladda. Bixinta meel nabdoon oo bulshadu ka heli karto adeegyada caddaaladdu waxay taageertaa bixinta adeegyo cadaaladeed oo wax ku ool ah waxayna awood u siinaysaa in howlwadeenka garsoorku ay gutaan waajibaadkooda.

Helitaanka nidaam sharci oo shaqaynaya oo cadaalad ah waa tiir ka mid ah tiirarka nabadda iyo horumarka waara, laakiin waxaa cad inay si gaar ah u adag tahay in taa la helo Soomaaliya. Sannadkii 2013-kii, weerar naxdin leh ayaa ka dhacay Maxkamadda Banaadir kaasoo lagu diley ugu yaraan 30 qofood, taasoo muujineysa baahida degdegga ah ee loo qabo hagaajinta amniga hay'adaha cadaaladda iyo dhaqaatiirta.

Iyada oo taageero ka heleysa UNDP iyo UNSOM, Wasaaradda Cadaaladda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dadka Soomaaliyeed u dhisaysaa waax cadaaladeed oo ka adag, kana badbaado badan sidii hore. Mashruuca tijaabada ah ee dhismaha maxkamadda Banaadir ayaa ka koobnaa saddex qaybood: dayactirka kaabayaasha, xulashada iyo tababarka shaqaalaha ilaalinta garsoorka, iyo soo iibinta qalabka amniga. Darbiga hareerihiisa ayaa sare loo qaaday oo la xoojiyay, dhowr baabuur oo Isbaarooyin leh ayaa la sameeyay, waxaana la dhigay albaabada waaweyn, irdaha korontada ku furma, xayndaabyada shubka ah, qolalka baaritaanka, daaradaha, iyo guryaha ilaalada ayaana la sameeyey. Waxa la soo iibiyay qalabka sheega birta, iyo kooxda ilaalo ahna waa la aasaasay oo la baray wacyiga, ilaalinta, iyo ka jawaab celinta shilalka si loo ilaaliyo amniga maxkamadda iyo shaqaalaheeda. Xaruntu waxay u adeegtaa ku dhawaad 100 qof maalin kasta waxayna deggan xarumaha muhiimka ah sida: Maxkamadda Sare, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo 4 Maxkamadaha Degmada ah.

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya, C/llaahi Axmed Jaamac, ayaa hormuud u ah dedaallada lagu doonayo in isla xisaabtan, daah-furnaan iyo hufnaan intii hore ka badan looga sameeyo dawladda dhexdeeda. Waxa uu sheegay in dhismaha cusub ee maxkamadu aanu kaliya bixinaynin meel u nabdoon muwaadiniinta si ay u helaan xuquuqdooda cadaaladeed. Balse sidoo kale daah-furka xarunta Maxkamadda Banaadir waa in la xoojiyo adeegyada garsoor ee dhammaan shacabka Soomaaliyeed. "Furitaanka dhismahan wuxuu aad muhiim ugu yahay dadka

Gobolkan,” ayuu yiri Wasiirku. "Hadafkeennu waa in aannu suurtagelinno in Soomaali badani ay awoodi karaan inay cadaalad helaan."

Dib u dayactirka Xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa si toos ah u taageeraysa Higsiga Nabadda iyo Dowlad-dhisidda dalka. (PSGs) oo ka tirsan Somali Compact, gaar ahaan PSG 3: Waxay sameeyaan hay’ado cadaaladeed oo madax-banaan oo lala xisaabtami karo, kuwaas oo awood u leh in uu wax ka qabtaan baahiyaha cadaaladeed ee shacabka Soomaaliyeed iyagoo u cadaalad falaya dadka oo idil.

Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d'Urso ayaa ugu baaqay saraakiisha Garsoorka in ay bixiyaan tusaale lagu daydo oo ay muujiyaan hoggaan adeege. "Tani waa tallaabo muhiim ah oo lagu hagaajinayo helitaanka cadaaladeed ee Soomaaliya sidaan ognahayna nabad ma jiri karto cadaalad la’aan, sidaas darteed waxaan rajaynaynaa in dhismaha maxkamadani uu noqon doono xarun cadaaladeed halkaas oo nin iyo naag kasta oo Soomaali ah loola dhaqmi doono si siman marka la eego xeerka indhihiisa iyo in qofna uusan ka sarreyn doonin sharciga," ayuu yiri Amb. Cervone d'Urso.

Waad ku mahadsan yihiin taageerada deeqsinimada leh dhinacyadiina Midowga Yurub, UK-DFID, iyo saaxiibbada Qaramada Midoobay oo ka shaqeynaya taageerada iyo in la xoojiyo hay'adaha dawladda iyo bulshada rayidka ah si ay u bixiyaan adeegyo cadaaladeed oo ku salaysan xuquuq iyo cadaalad. "Annagoo taageernay hor-tabinta Dowladda Federaalka si loo kordhiyo shaqaalaha garsoorka iyo ammaanka maxkamadda, waan awoodnaa gacan ka gaysiga bixinta adeegyada aasaasiga ah ee cadaaladda si loo xoojiyo sharciga iyo kala dambaynta," ayuu yiri Mitch Dufresne, Madaxa Qaybta Wadajirka ah ee Cadaaladda iyo Toosinta ee Kooxda Sharciga & Kala Dambaynta (ROLSIG), UNSOM.

"Tani waxay asaasi u tahay dedaalka loogu jiro nabad iyo xasillooni waarta."

Wixii macluumaad ah oo dheeraad ah, fadlan la xiriir: Franco Sanchez, UNDP Maamulaha Barnaamijka Maamulka iyo Xeerka & Kala Dambaynta, franco.sanchez@undp.org ama Damian Klauss, oo ah ku xigeenka madaxa cadaalada iyo toosinta ee UNSOM,

ROLSIG, klauss@un.org.