Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo furay Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadeed

23 May 2017

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo furay Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadeed

Muqdisho – Waxaa maanta la daahfuray Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadeed oo waajibaadkiisa yahay kormeerka hannaanka diiwaangelinta xisbiyada siyaasadeed ee ka dhisan dalka, sida ku xusan Qodobka 47-aad ee Dastuurka federaalka ee qabyo-qoraalka ah.

Furitaanka Xafiiska waxaa uu muujinaya in laga gudbay nidaamka ku saleysan qabiilka ee lagu dooran jiray wakiillada, iyo in loo gudbay nidaamka xisbiyada. Nidaamkan waxaa uu xaqiijinaya in qof waliba oo ka tirsan xisbi siyaasadeed uu ka qayb-qaadan karo hannaanka.

“Xafiiska nagu caawin doono in aan ka dhabeyno hiigsigeenna waa xafiiska diiwaangelinta xisbiyada siyaasadeed,” ayay ku tiri Xalima Ibraahim, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, xilli lagu jiray munaasabadda hadal ay ka jeedisay munaasabadda daahfurka.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa 21 May 2017 Mudane Maxamed Cumar Maxamuud u magaacabay Madaxa Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda.

“Waxaa na horyaala howlo aad u ballaaran, si lagu guuleystana waxaa loo baahan yahay in aan wada shaqeyno,”ayuu yiri Madaxa Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda.

Shaqadiisa koowaad waxaa ay tahay in uu fuliyo Xeerka Xisbiyada Siyaasadeed ee la ansixiyay bisha Juun 2016, oo uu ka mid yahay howlaha sida kormeerka xisbiyada siyaasadeed.

Shaqadiisa koowaad waxaa ay noqoneysa in uu fuliyo Xeerka Xisbiyada Siyaasadeed ee la ansixiya bisha Juun ee 2016, ee uu ka mid yahay howlaha sida kormeerka xisbiyada siyaasadeed. Xisbiyada waxaa laga doonaya in ay gudbiyaan dukumeentiyada loo baahan yahay si uu Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadeed u baaro ka hor inta aan la diiwangelin. Guddiga Doorashada Qaranka waxaa uu kala shaqeyn doonaa Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda maareynta hannaanka.

“Ku dhowaad nus qarni kaddib waxaan samayneynaa diiwaan gelinta xisbiyada siyaasadda, waxaana daahfureyna Xafiikas Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda kaasi oo waddankani u horseedi doono nabad iyo dimuqraadinimo,” ayay tiri Marwo Fowsiya Yuusuf H. Adan oo ka mid ah Barlamaanka Federaalka ahna guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga ee Qaran.

“Waxaan gacanta ku haynaa foomamka diiwaangelinta xisbiyada, aad ayaana u faraxsannahay saaka. Hadda inaga ayay noo taalaa inaan dardar gelinno hannaanka diiwaangelinta,” ayuu inta ku daray Mudane Kamaal Guutaale, guddoomiyaha xisbiga Wadajir.

Qaramada Midoobay, iyada oo u mareyso Guddiga Taageerida Doorashada oo ay sameysay, ayaa waxaa ay sii wadeysaa taageeridda Soomaaliya si loo gaaro doorashada “qof iyo cod”sanadka 2020. Abuurista Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadeed oo uu sameeyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka oo ah hay’adda loo xilsaaray qabashada doorashooyinka dalka, ayaa ah tallaabo wax ku ool ah ee Soomaaliya u horseedi doonto in ay mustaqbalka gaarto doorasho qof iyo cod, waana geeddi-socod ay taageereyso Qaramada Midoobay.