War-bixin uu Golaha Amaanka siiyay Raisedon Zenenga, Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-guud u qaabilsan Soomaaliya

17 May 2017

War-bixin uu Golaha Amaanka siiyay Raisedon Zenenga, Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-guud u qaabilsan Soomaaliya

Mudane Madaxweyne, 

Markii Ergeyga Gaarrka ah ee Xoghayaha-Guud  uu warbixinta siinayay Golahan laba bilood ka-hor, waxaa waxyar ka-hor lagu dhawaaqay golaha wasiirada, waxyar ha-horna waxaa dalka booqday Xoghayaha-Guud isagoo si ku habboon ugu tilmaamay marxalad musiibo iyo rajo isla xambaarsan.

Musiibada, ka-dhalatay abaarta daran, wey sii socotaa. Dhibaatada bani’aadanimo si dhakhso leh ayay ugasii dartay sidii marki hore loo maleeynayay. Qiimayn la sameeyay bishii April waxay muujinaysaa heerar adag oo nafaqa-darri ba’an ah haysata xoolo-dhaqatada iyo beeralayda, iyo weliba dadka barakacayaasha ah ee ku sugan Baydhaba iyo Muqdisho.

Ku-diirsashadii roobabka Guga ee la filayay ayaan la helin. Roobabku waxay da’een xilli dambe oo ay dhacday khasaaraha xollo nool oo badan. Waxaa kale oo la filayaa in helidda cuntada ay hoos usii dhacdo. Dhibaatada lagama yaabo inay dhammaato waqti dhow.

Khatarta dhimashada iyo badbaadada, ay sida gaarka ah u wajahaan haweenka iyo caruurta, ayaa sii badanaysa iyadoo xaaladaha abaarta ay ku khasbayaan reer-guuraaga inay ka haajiraan deegaanada baadiyaha ah oo ay u hayaamaan magaalooyinka. Waxaa sii badanaya xadgudubyada galmoodka ee ka dhaca xeryaha dadka barakacayaasha ah.

Gurmadka ay hay’adaha gargaarka sare u qaadeen ayaa ka-hortegay macluul kale oo dhici lahayd, laakiin dhibaatada lagama yaabo inay dhammaato waqti dhow. Baahida loo qabo kaalmo bani’aadanimo ayaa si dhakhso leh ugasii badanaysa xawaaraha ay ku socdaan hawlaha gurmadka. Ilaa iyo hadda, waxaa wax la gaarsiiyay oo kaliya kala bar 3dii malyan ee qofood ee u baahnaa cuntada..

Waxaa la helay ama la ballan-qaaday wadar lacageed oo dhan $669 malyan oo loogu talo galay dadaalada bani’aadanimo ee socda, waxaana weli la helin $831 malyan oo kamid ah Qorshaha Gurmadka Bani’aadanimo ee 2017 ee dib u eegista lagu sameeyay. Sidaas darteed, taageerada deeq-bixiyeyaasha waa in sare loo qaadaa.

Hawlahaasi waa inay barbar socdaan tallaabooyin lagu dhisaayo tayada Soomaaliya ay iskaga caabbin lahayd (uga hortagi lahayd) dhibaatooyinka bani’aadanimo ee soo noqnoqda eek a dhasha xaaladaha ba’an ee [isbedelka] cimilada. Soomaaliya waxay ku sii jiri doontaa [jawi ku dhisan] ka bax dhibaato baniaadanimo oo laga waaqsan karo oo gal mid kale,  haddii aan wax laga qaban dhibaatooyinka kaabayaasha si loo xoojiyo adkeysiga iyadoo wax laga qabanayo dhibaatooyinka muuqda ee dalka ka jira. Waa in mudnaanta la siiyaa maal-gelinta dhismaha tayada hay’adaha dowladeed ee hawshu khusayso iyo hab waxqabad oo ku qotoma horumarin si dalku u yeesho awood uu kula tacaalo dhibaatooyinka bani’aadanimo ee mustaqbalka. Hagaajinta amniga, soo saarista dakhliga iyo la-dagaallanka musuq-maasuqa ayaa sidoo kale kordhin doona adkeysiga.  ​

Mudane Madaxweyne, 

Soomaaliya hadda waxay heysataa fursad gaar ah oo ay uga gudbi karto dabacsanaanta ay hadda ku jirto ayna ku dhisan karto dowlad shaqaysa afarta sano ee soo socota. Si aragtidaas looga mira dhaliyo, dalku wuxuu u baahanyahay inuu horumar ka gaaro afarta qodob ee soo socota ee mudnaanta leh: (1) dhisidda hay’ado amni iyo ciidan boolis oo awood u leh ilaalinta dadweynaha, isla markaasina mas’uuliyadda amni kala wareegi kara AMISOM; (2) sare u qaadidda soo-kabashada dhaqaale si loo soo saaro dakhli/canshuur, loo abuuro shaqooyin, loo billaabo bixinta adeegga bulsho ee asaasiga ah, loona yareeyo ku-tiirsanaanta dalku ku tiirsanyahay deeq-bixiyeyaasha; (3) in la billaabo [qaadista] tallaabooyin ku habboon oo si waxtar leh loogu maamulo hantida dadweynaha, iyadoo taasi ay wehliso in xididdada loo siibo musuq-maasuqa oo khatar weyn ku ah xasilloonida sida amni darro baahsan ay khatar ugu leedahay xasilloonida, iyo in la dardar-geliyo horumarka ku aaddan baabi’inta deymaha si loo xaqiijiyo in lacagta [laga helo] Hay’adaha Maaliyadeed ee Caalamiga ah (IFI) ay usoo marto hanaanka loo dejiyay Waddamada Saboolka ah ee Deymuhu La-degeen (HIPC) ; (4) in la dhamaystiro dib u eegista Dastuurka iyo in hoos loogusii daadago federaalka; iyo (5) in la xoojiyo dib u heshiisiinta lana xalliyo khilaafaadka faraha badan ee muddada dheer soo jiitamayay eek a jira deegaanada dalka.

Doorashooyin leh halbeeg caalami ah oo dhaca sanadka 2020 ayaa tijaabo muhiim ah u noqon doona horumarka laga gaaray dhismaha dowlad si sax ah u shaqaysa.  

Mudane Madaxweyne,

Labadii bilood ee lasoo dhaafay, madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka waxay qaadeeb tallaabooyinkii ugu horreeyay ee muhiim ah, taas oo sii xoojisay rajada laga qabo in arrimaha mudnaanta ugu horreysa u leh dhismaha dowladda iyo nabadaynta la fulin karo muddo-xileedka Dowladdan cusub ay jirto. Waxay muujiyeen rabitaan ay ku xaqiijiyeen heshiisyo siyaasadeed oo lagama maarmaan u ah gaarista horumaro noocaas oo kale ah. Madaxdu waxay qirayaan in daldaloolada is-aaminaadda ee hadda ka dhexjira hay’adaha dowladda iyo dadweynaha in loo baahanyahay in wax laga qabto. Sidoo kale, waxay muujiyeen sida muhiimka ah ee ay uga go’antahay la-shaqaynta waaxda gaarka ah (shirkadaha gaarka loo leeyahay) iyo in si wax dhisid leh loola shaqeeyo saaxiibada Soomaaliya ee caalamka.

6dii April, oo ahayd kadib laba bilood oo kaliya markii Madaxweyne Farmaajo la wareegay xafiiska, ayaa madaxdu waxay soo gebagebeeyeen heshiis muddo dheer la sugayay oo kusaabsan Naqshadda Amniga Qaran. Heshiisku wuxuu qeexayaa tirade/baaxadda ciidamada amniga Soomaaliyeed, qaab-dhismeedkooda, qaybaha ay ka koobnaan doonaan, taliska iyo kala-dambaynta, iyo weliba diyaarinta maaliyaddooda, iyadoo lagu salaynayo hanaanka federaalka ah.

Muhiimadda uu lahaa heshiiskaasi aad bay u weyntahay: wuxuu qaabaynayaa hab si dardar leh loogu horumarin karo diyaarinta ciidan amni oo karti leh, kharashkooda laga bixi karo, lala-xisaabtami karo oo la aqbali karo. Sidoo kale, wuxuu leeyahay saamayn horseed u noqonaysa dadaalo lagu xoojinayo dowlad wanaagga laguna kordhinaayo soo saarista canshuuraha. Intaas waxaa sii dheer, wuxuu tusaale iyo tixraac u noqonayaa heshiisyo kale oo siyaasadeed oo muhiim ah sida heshiisyada looga hadli doono maaraynta kheyraadka dabiiciga ah, sida loo wadaagayo canshuuraha, iyo in si ballaaran loo qeexo awoodaha ay kala yeelan doonaan Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka. Heshiisku wuxuu saaxiibada caalamka u suurto-gelinayaa inay qaab iskuxiran u taageeraan waaxda amniga ee Soomaaliya.

Heshiiska Naqshadda Amniga Qaran iyo Qaab-dhismeedka Cusub ee Booliska ee la qaatay sanadkii hore, waa in labadoodaba la dhamaystiraa hadda iyadoo loo marayo heshiis siyaasadeed oo qeexaya hananaan federal ah oo ay yeelanayso waaxda asluubta iyo cadalladda.

Mudane Madaxweyne,

Annagoo soo dhoweynayna bilashada waa cusub oo u baryay Soomaaliya iyo fursadaha gaarka ah ee ay sameysatay, iskama indha tirayno baaxadda ay leedahay cakirnaanta iyo caqabadaha horyaalla Dowladda Soomaaliya muddada afarta sano ah ee ay geediga kusii jiri doonto. 

Amni darrada sii socota, oo inteeda badan sabab u yihiin, laakiin aan ku koobnayn, weerarada Al Shabaab, ayaa ah caqabadda ugu weyn. Waxaan ku bogaadinaynaa AMISOM sida ay laf-dhabar ugu ahayd amniga Soomaaliya tobankii sano ee lasoo dhaafay. Dadaalkeeda wadajirka ay ula sameeyeen ciidamada amnaanka ee Soomaaliyeed, iyo taageerada ay ka helaysay saaxiibada caalamka, ayaa suurto-geliyay xaqiijinta horumarka ilaa iyo hadda la gaaray. Si kastaba ha ahaatee, Al Shabaab waxay weli leedahay awood ku filan oo ay ku carqaladayn karto kuna wiiqi karto geedi-socodka dowlad dhisidda iyo nabadaynta.

Dagaalka lagula jiro Al Shabaab wuxuu u baahanyahay in loo abbaaro qaab wejiyo badan, hawlgalo dagaal oo si isku dhafan u wada qaadaan AMISOM iyo ciidanka xoogga dalka ee Soomaaliyed, hawlgallo gaar ah oo lagu ugaarsanayo argagixisada oo ay fuliyaan saaxiibada Soomaaliya ee loo igmaday hawshaas, xoojinta sii-fididda awoodda dowladda, wax ka qabashada dhaliilaha ka jira dowlad wanaagga iyo xallinta colaadaha deegaanada ka jira, iyadoo weliba la dhiiri-gelinayo xubnaha [katirsan Al Shabaab] ee doonaya inay ka faa’iideystaan cafiskii uu fidiyay Madaxweyne Farmaajo.  

Taageerada AMISOM lagu taageerayo qaadista hawlgallo dagaal waa inay la jaan-qaadaan oo ay kaabayaan hirgelinta heshiiska Naqshadda Amniga Qaran. Su’aashu ma aha keebaan qaadannaa, keebaanse ka tagnaa. Sidaas darted, waqtiga dhow, AMISOM waxay u baahantahay dhaqaale la isku hallayn karo, oo loo badinayo inuu ka imaan doono dhaqaalaha dowladaha xubnaha ahi bixiyaan.

Hawlgallada dagaal ee ay qaadayaan AMISOM iyo ciidamada Soomaaliyeed waxay keeni doonaan natiijo waarta, waase haddii loo qorsheeyo qaab iskuxiran, looguna dhaqaaqo si waafaqsan xeerka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka iyo xeerka caalamiga ah ee dagaallada. Waa in lagu xisaabtamaa dhibaatada bani’aadanimo ee hadda jirta; dadka nugu waa in si sax ah loo badbaadiyaa; waana in la diyaariyaa qorshayaal “lagu sii haynayo laguna dhisayo” goobaha gacanta lagu dhigo, oo ay kamid tahay [dhismaha] maamulo degaan oo la aqbali karo oo loo dhiso dadka deegaanka.  

Fulin dhab ah oo la fuliyo Siyaasadda Dadaalka Feejignaanta Xuquuqul Insaanka ayaa muhiim ah inay sii socoto annagoo sii wadna garab siinta AMISOM lagu garab siinayo hawlgallada, gacanna looga geysanayo dardargelinta dhismaha ciidamada amniga Soomaaliya.

Al Shabaab waxay quudataa oo ay ka faa’iideysataa gaabiska ka jira dowlad wanaagga, gaar ahaan dhinacyada xuquuqul insaanka, cadaaladda iyo kudhaqanka sharciga, iyo bixinta adeegga asaasiga ah. Sidaas darted, hannaan loo wada dhanyahay oo dowlad wanaag iyo helidda adeegga asaasiga ah ayaa muhiim u ah ka-hortagga iyo la-dagaallanka xagjirnimada gacan ka-hadalka leh.

Waxaan soo dhoweynaynaa dadaallada Dowladda Federaalka ay ku dhexdhexaadinayso Dowlad Gobioleedka Galmudug iyo Ahlu Sunna Wal Jama’a. Wadahadalku waa inuu sii socdaa. Dib u heshiisiin lala galo Ahlu Sunna waxay muhiim u tahay  taabba-galnimada iyo amaanka Dowlad Goboleedka Galmudug, oo ay kamid tahay dadaalladeeda ay wax uga qabanayso khatarta ka imanaysa burcad-badeednimada.

Inkasta oo ay tahay wax laga hordhoco in laga hadlo dib usoo noqoshada sare kaca burcad-badeednimada ee xeebaha Soomaaliya, hadane dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee lagu afduubtay maraakiib ayaa nasoo xusuusinaysa in horumarka ilaa iyo hadda la gaaray uu gadaal usii noqon karo. Dadaallo xooggan oo lagula dagaallamayo burcad-badeedda, oo ay kamid tahay kordhinta gaaf-wareegga ee biyaha Soomaaliya waa inay sii socdaan, iyadoo taasina ay wehliso taageero xoog leh oo lagu dhisayo tayada adeegga sharci fulinta ee ciidamada badda Soomaaliyeed.

Mudane Madaxweyne,

Hay’adaha Soomaaliyeed ee ka mas’uulka ah hirgelinta ajendaha dowladda ee afarta sanno ee soo socota waxaa haysta tayo yaraan oo aad u daran. Taariikhaha yoolka ah ee ku degsan heshiiska siyaasadeed ee Qaabdhismeedka Amniga Qaran iyo qorsheyaasha kale lagama soo bixi karo haddii aan taageero dhab ah oo isku xiran laga helin saaxiibada beesha caalamka. Shaqada la xiriirta Qaabdhismeedka Amniga Qaran waa in la waafajiyaa qabanqaabada loogu jiro ku wareejinta mas’uuliyadda koowaad ee amniga dalka ee laga wareejinayo AMISOM laguna wareejinayo ciidamada amniga Soomaaliya, taasoo ku saleysan xaaladaha jira, lana rajeynayo inay billaabato sannadka 2018. Tani waxay u baahnaan doontaa isuduwid heer sare ah oo ka badan tayada hadda jirta ee hay’adaha dalka.

Sidoo kale, dib-u-eegidda dastuurka, oo la jaanqaadda hanaanka sida taxadirka ah looga shaqeynayo ee heshiisyada amni iyo midka siyaasadeed ee laga gaarayo arrimaha ugu muhimsan, iyo diyaargarowga loogu jiro doorashooyinka sannadka 2020 ee ku soo aaddan xaalad siyaasadeed iyo mid amni oo adag, waxay u baahantahay isku xir faahfaahsan oo dhexmara hay’adaha Soomaaliyeed ee ay arrintu khuseyso iyo xoojinta tayadooda.

Mudane Madaxweyne,

Isku xirnaanta sidan oo kale ah lagama maarmaan uma aha inay dhexmarto hay’adaha Soomaaliyeed ee ay arrintu khuseyso oo keliya, balse waxay u tahay inay dhexmarto saaxiibada badan ee beesha caalamka ee taageerada u fidiya hay’adaha amniga Soomaaliyeed iyo hanaanka siyaasadeed ee muhimka ah. Waa inaan aqoonsanaa in jiritaan la’aanta Qaabdhismeedka Amniga Qaran iyo taageerada hay’adaha amniga oo aan habaysnayn ee ay saaxiibada beesha caalamku bixiyeen siddeeddii sanno ee la soo dhaafay ay si siman uga qaybqaateen in horumar laga gaari waayay in Soomaaliya laga dhiso ciidamo amni oo karti leh oo xalaal ah.

Mudane Madaxweyne, tani waa sababta ay aad ugu muhimsantahay natiijada Shirka London ee Soomaaliya, ee la qabtay six maalmood ka hor, iyo dib-u-eegidda wadajirka ah ee Midowga Afrika/Qaramada Midoobay ee lagu sameynayo AMISOM iyo ciidamada amniga Soomaaliyeed, ee hadda socota.

Shirka London wuxuu Soomaaliya siinayaa fursad gaar ah oo ay ajandaheeda ugu soo bandhigto saaxiibada beesha caalamka, ayna kula gaarto heshiis ku saabsan qaabka iskaashi ee lagu gaaro arrimaha muhiimka ah ee mudnaanta leh, oo ku qotoma mabda'a isla xisaabtanka labada dhinac. Tani waxaa lagu qeexay laba heshiis oo muhiim ah oo Shirka ka soo baxay.

Mid waa Heshiiska Amni ee dhexmaray Soomaaliya iyo 42 saaxiibo beesha caalamka ah. Heshiisku wuxuu ansaxinayaa heshiiskii Qaabdhismeedka Amniga Qaran, wuxuu qeexayaa arrimaha waaweyn ee la doonayo in la qabyo si degdeg loogu dhiso ciidamada amniga Soomaaliya, wuxuuna aqoonsanayaa in AMISOM ay weli lagama maarmaan u tahay hanashada amniga Soomaaliya iyadoo sidoo kale taageero u muujinaya kalaguurka-xaaladaha ku saleysan ee laga guurayo AMISOM loona guurayo ciidamada amniga Soomaaliyeed, taasoo leh taariikho yool ah oo la beegsanayo oo lala xiriiriyo waxqabadkii lagu heshiiyay. Wuxuu sidoo kale wuxuu qeexayaa hanaanka isuduwidda iyo hirgelinta si loo xaqiijiyo taageero iswaafaqsan oo ay saaxiibada beesha caalamku bixiyaan.

Qoraalka labaad wuxuu sharxayaa Wadashaqaynta Cusub ee Soomaaliya. Wuxuu qeexayaa hanaan isla xisaabtan labada dhinac ah, iyo weliba mabaadi’ wadashaqayn oo gaar ah iyo tallaabooyinka suurtageliya, oo ay ku wada shaqeyn doonaan Soomaaliya iyo saaxiibadeeda beesha caalamka si loo gaaro arrimaha mudnaanta leh ee ujeeddooyinka siyaasadda, amniga iyo soo kabashada dhaqaalaha ee lagu asteeyay Qorshaha Horumarinta Qaran. 

Soomaaliya iyo saaxiibadeeda waxay ku heshiiyeen inay mar kale kulmaan bisha Oktoobar, si loo dabagalo ballanqaadyadii lagu sameeyay London. Kulankaas, waxay kaga baarandegi doonaan istaraatijiyadda maaliyadeed ee qaabdhsimeedka amniga qaran, oo la jaanqaada Qaabka Dhammeystiran ee Amniga.

Markaa, Shirka London wuxuu dardar geliyay dadaallada loogu jiro horumarinta arrimaha Soomaaliya ee mudnaanta waaweyn leh.

Mudane Madaxweyne,

Waxaan hadda u jeesanayaa dib-u-eegidda wadajirka ah ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay. Dib-u-eegiddu waxay diiradda saareysaa hawlo waaweyn oo shan ah: 1. In qiimeyn hoose lagu sameeyo AMISOM iyo ciidamada amniga Soomaaliyeed; 2. In la asteeyo hawlaha lagama maarmaanka u ah AMISOM iyadoo la raacayo qaabka dhammeystiran ee amniga; 3. In la asteeyo inta ay dhanyihiin dhinacyada kaalin ka cayaara amniga Soomaaliya oo talooyina laga soo jeediyo xiriirka la doorbido iyo qaybsiga mas’uuliyadaha iyaga u dhexeysa; 4. In talooyin laga soo jeediyo baaxadda AMISOM ee mustaqbalka si loo fududeeyo kalaguur dhib la’aan ah oo loo guuro ciidamada amniga Soomaaliyeed, taasoo ku saleysan xaaladaha jira; 5. In la dejiyo talooyin ku aaddan sida uu u egyahay kalaguurka xaaladaha ku saleysan; iyo 6. In la asteeyo taageerada loo baahanyahay in la siiyo AMISOM iyo ciidamada amniga Soomaaliyeed, oo ku xiran qorshaha kalaguurka. 

Natiijadaha iyo talooyinka ka soo baxa dib-u-eegidda waxaa loo bandhigi doonaa Golaha Amaanka iyo Golaha Nabadda iyo Amaanka Midowga Afrika si ay uga baarandegaan. 

Dib-u-eegidda wadajirka ah wuxuu daba socdaa oo uu ku saleysanyahay qiimeyntii istaraatijiyada ahayd ee joogitaanka QM ee Soomaaliya, ee la qabtay laga billaabo 5 ilaa 15 bishii Maarso, taasoo ku timid codsiga Golaha Amaanku codsaday. Warqaddii uu 5tii bishii May adiga kuu soo diray, Mudane Madaxweyne, Xoghayaha Guud wuxuu soo gudbiyay natiijada qiimeynta. Waxaan jecelahay inaan carrabka ku adkeeyo sida uu Xoghayaha Guud ku sheegay warqadda oo ah, in maadaama waajibka UNSOM wax laga bedelayo iyadoo la raacayo hadba sida ay yihiin arrimaha cusub ee mudnaanta leh, qaar ka mid ah taageerada QM ee Soomaaliya afarta sanno ee soo socota waxay abuuri doontaa in loo baahdo dhaqaale dheeraad ah. Sidaa darteed, waxaan ku kalsoonahay in Golaha Amaanka iyo hay’adaha kale ee sharcidejinta ay taageeri doonaan taloyinka ka soo baxa qiimeynta istaraatijiga ah, siina wadi doonaan bixinta dhaqaalaha lagama maarmaanka ah ee loo baahanyahay si ay ugu suurtagasho nidaamka QM inuu taageero hawlaha hanka weyn ee Soomaaliya. 

Mudane Madaxweyne,

Waxaan jecelahay inaan dhammaan xubnaha Golahan ugu mahadnaqo mowqifkooda adag oo mideysan ee ay ku taageerayaan ajendaha Soomaaliya ee nabadeynta iyo dowlad-dhisidda, iyo taageerada ay idinka helaan kooxda shaqaalaha QM ilaa iyo hadda.

Mahadsanid.