Guddiyada doorashooyinka heer gobol ee Soomaaliya oo loo sharraxay nidaamka doorashada dadban ee sannadka 2016

Qaar ka mid ah xubnaha Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Dawladgobaleed oo ka kala warqaadanaya habka geeddisocodka doorashooyinka soo socda, 16-ka Agoosto 2016, Muqdisho, Soomaaliya. Sawirka QM.

17 Aug 2016

Guddiyada doorashooyinka heer gobol ee Soomaaliya oo loo sharraxay nidaamka doorashada dadban ee sannadka 2016

Giddiyada qaabilsan fulinta hannaanka doorashooyinka heer gobol ee 2016-ka, ayaa xogwarran faahfaahsan oo la xiririira qaabka loo gudanayo hawlaha hor yaalla ka helay kooxda fulinta doorashooyinka heer federal ee magacooda loo soo gaabiyo (FIEIT), ka dib kulan ay todobaadkan ku yeesheen Muqdisho.

Kulamadan oo ay ka soo qaybgaleen Lix guddi doorasho goboleed oo midkiiba ka kooban 11 xubnood, waxaa ka hadlay guddoomiyaha kooxda FIEIT, Cumar Maxamed Cabdulle oo guddida ku guubaabiyey in ay dhexdhexaadnimo muujiyaan inta lugu gudajiro xulista mudanaeyaasha baarlamaanka federaalka ah ee soo socda.

Sida ku cad jadwalka ay soo saareen Madasha Hoggaanka Qaranka todobaadkii hore, ergo doorasho ayaa soo xuli doona 275 xubnood oo ka mid noqonaya Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka ah inta u dhaxaysa 24 Sabtember iyo 10 Oktoobar. 58-da xubnood ee Aqalka Sarena waxaa la dooran doonaa 25-ka Sabtember. Golaha Baarlamaanka cusub waxay fadhigooda ugu horreeya yeelanayaan 20-ka Oktoobar, 30-ka Oktoobarna waxay kala dooran doonaan musharraxiinta madaxweynaha.

Xogwarranka loo fidiyey 66-ka xubnood ee guddiyada qaabilsan fulinta hannaanka doorashooyinka heer gobol, waxaa qayb ahaan diiradda lugu saaray kaalinta 135 oday ee soo xulaya 14,025 ergo ee la rabo in ay doortaan mudaneyaaasha Aqalka hoose, iyo sida oo kale qaabdhismeedka ergada.

“Kooxdu waxay diyaariyeen hannaanka iyo hab maamuuska hawlaha doorashada,” ayuu yiri Mr. Cabdulle, oo intaas ku daray “FIEIT waxay raaci doontaa heerarka doorashooyinka caalamiga ah, si loo xaqiijiyo in doorashooyinkan dadban  u noqdaan kuwo maangal ah.”

Guddoomiyaha kooxda FIEIT, Cumar Maxamed Cabdulle wuxuu kale oo sheegay in kooxda loo igmaday in ay xaqiijiso habsami u socodka hawlaha doorashooyinka eek a dhacaya 6-da dowlad iyo maamul goboleed ee dalka.

Mr. Cabdulle wuxuu intaas ku daray in xogwareysiga todobaadkan looga gollahaa in hal meel la isugu keeno kooxaha fulinta hannaanka doorashooyinka  dadban ee heer gobol iyo mid qaran. Wajiga kan xiga ayuu sheegay in guddida kala duwan ay booqan doonaan goobaha codbixinta ee dalka, si ay 135 oday ugu sharraxaan kaalinta ay ku leeyihiin geeddi-socodka doorashada.

Guddoomiyey Kuxigeenka FIEIT, Deeqa Yuusuf Yaasin ayaa dhankeeda ka hadashay hawlaha doorashada ka dhacaya Soomaaliya inta u dhaxeysa bilaha Sebtembar iyo Oktoobar, taas oo ay ku tilmaantay mid wax badan ka raysa 2012.

Saynab Ugas Yasin oo ka mid ah xubnaha guddida heer gobo loo ka socotay Puntland, ayaa rajo wanaag ka muujisay in dumarku ay heli doonaan qoondadii loogu talogalay ee 30% kuraasta baarlamaanka soo socda, taas oo dhabbaha u xaari doona in haweenka Soomaaliyeed ay si weyn uga dhex muuqdaan siyaasadda dalka.