Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Michael Keating oo soo dhoweeyay meelmarinta Sharciga Guddiga Qaran ee Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya

14 Aug 2016

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Michael Keating oo soo dhoweeyay meelmarinta Sharciga Guddiga Qaran ee Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya

WAR-SAXAAFADEED 20/2016

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa soo dhoweeyay saxiixa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu ku ansaxiyay hindise sharciyeedka Guddiga Qaran ee Xuquuqul Insaanka, taasoo ka dhacday xaflad maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xubno ka socday hay’adaha fulinta iyo sharcidejinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo weliba ururrada bulshada ayaa goobjoog ka ahaa xafladda saxiixa hindise sharciyeedka, kaasoo uu horay u soo ansixiyay Baarlamaanka Federaalka 4tii bishii Juun. Sharcigan cusub wuxuu dejinayaa mabaadi’da, waajibaadka xilka, hanaanka iyo nidaaminta guddi xuquuqul insaan oo madaxbanaan, kaas oo mas’uul ka noqon doona ilaalinta iyo horumarinta xuquuqul insaanka dhammaan dadka ku nool Soomaaliya.

“Kani wuxuu war wanaagsan u yahay dhammaan dadka Soomaaliyeed. Waxaan Dowladda iyo dhammaan intii ka qaybqaadatay ee ka socotay ururrada bulshada ugu hambalyaynayaa guushan muhiimka ah ee ay ku gaareen dadaalkooda ku aaddan sare u qaadista xushmadda, ilaalinta iyo horumarinta xuquuqul insaanka,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud. “Tobaneeyo sanno oo colaad ah kadib, Dowladda Federaalka iyo saaxiibadeeda wuxuu waajib ka saaranyahay samaynta hay’ado si wax ku ool ah u ilaaliya xuquuqul insaanka. Guddiga Qaran ee Xuquuqul Insaanka wuxuu muhiim u noqon doonaa hawlahaas.”

Mudane Keating ayaa sidoo kale bogaadiyay kaalinta ay cayaartay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka ee ay hormuud ka tahay Wasiir Sahra Samatar, iyo dowrka uu cayaaray Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan Xuquuqul Insaanka oo soo diyaariyay hindise sharciyeedka, ilaa ugu dambayntii la sharciyeeyo. 

Sharciga guddiga xuquuqul insaanka wuxuu fulinayaa ballan muhiim ah oo ay Soomaaliya ku qaadday laba shir oo ku saabsanaa Dib-u-eegidda Xilliyaysan ee Caalamiga ah ee uu soo qabanqaabiyay Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay sannadihi 2011 iyo 2016. Sharcigu wuxuu farayaa in si degdeg ah lagu dhiso guddiga iyadoo la raacayo mabaadi’da iyo halbeegyada caalamiga ah ee lagu maamulo hay’adaha noocaas oo kale ah.

“Marka guddigan la dhiso, waxaa suurtagal noqon doona in dhibbanayaasha xadgudubyada xuquuqul insaanka ay cabashooyinka la xiriira gaboodfalka u soo gudbiyaan guddi madaxbanaan ayna dalbadann in laga xaalmariyo xadgudubyadaas”, ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud. “Dowladdu waxay u baahnaan doontaa dhaqaale badan si ay si buuxda ugu hirgeliso sharcigan, anigana waxaan saaxiibada horumarinta Soomaaliya ugu baaqayaa inay dowladda ku taageeraan hawshan muhimka ah.”

Qaramada Midoobay waxay sii wadi doontaa taageerada farsamo ee ay u fidiso sameynta Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaran ee Soomaaliya, taasoo ka mid ah waajibka ay u xilsaarantahay xoojinta tayada dalku u leeyahay ilaalinta iyo horumarinta xuquuqul insaanka.