Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka oo dib loo doortay

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa khudbo u jeedinaya Golaha Shacabka iyo saxaafadda kadib markii lagu dhawaaqay in uu ku guuleystay tartanka loo galay guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliyeed ee Muqdisho, Soomaaliya, 11-ka Jannaayo 2017-ka. Sawirka QM

11 Jan 2017

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka oo dib loo doortay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa doorasho maanta ka dhacday magaalada Muqdisho dib loogu doortay xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka muddada afarta sano ee soo socota.

Mudane Jawaari ayaa helay 141 cod si uu uga guuleysto saddex musharrax kale oo xilka kula tartameysay.

Mudane Jawaari ayaa mar uu jeedinayay khudbaddiisii guusha, ka codsaday mudaneyaasha inay dhinac iska dhigaan khilaafaadkooda siyaasadda, diiraddana ay saaraan wax ka qabashada arrimaha deegaannada laga soo doortay.

“Maanta ma jiro qof guulaystay ama mid laga guulaystay. Waxaa guulaystay dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Jawaari.

Waxaa kaalinta labaad galay Mudane Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo helay 97 cod, waxaana ku xigay Mudane Cabdifataax Ibraahim Geesey oo helay 17 cod iyo Idiris Cabdi Dhaqtar, oo helay labo cod. Labo cod ayaa hallaabay.

“Sharaf ayay ii ahayd inaan u tartamo kursiga Guddoomiyaha Baarlamaanka. Guddoomiye Jawaari waa saaxiibkey waxaana ugu hambalyeynayaa guusha uu gaaray,” ayuu yiri Mudane Xiddig oo ballanqaaday inuu sahamin doono wadiiqooyin kale oo uu ugu adeegi karo ummadda Soomaaliyeed.

Xubno ka tirsan baarlamaanka waxay kalsooni ka muujiyeen hoggaanka Jawaari.

“Waan ku rajo wayn nahay hoggaamintiisa, maadaama aan u soo joognay asagoo dejinayay shuruucda baarlamaanka. Rajo wayn ayaan ka qabnaa asaga maxaa yeelay wuxuu leeyahay waayaaragnimo ku filan,” ayay tiri Maryan Xaaji Cabdi Geeddi, oo ah xildhibaan laga soo doortay Dowlad-goboleedka Galmudug.

259 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa codkooda dhiibtay doorashada muhiimka ahayd ee ay goobjoogga ka ahaayeen wakiillo ka socday beesha caalamka, bahwadaag kale oo muhiim ah iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka.

Sanadkii 2012, Mudane Jawaari ayaa loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka sagaalaad ee dalka, isagoo sidoo kalena xilligii dowladdii Siyaad Barre noqday wasiir.

Maadaama uu noqday Guddoomiyaha Golaha Shacabka, wuxuu guddoomin doonaa doorashada labada guddoomiye ku xigeen oo dhici doonta dabayaaqada toddobaadkan. Mudane Jawaari wuxuu markaas ka dib ku biiri doonaa dhiggiisa guddoomiyaha Aqalka Sare iyagoo isla qabanqaabin doona doorashada madaxtinimo ee soo socota oo labada aqal ee baarlamaanka federaalka ay ka qeybgali doonaan.