Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo qiimeeyay dhibaatada bini’aadannimo ee ka jirta Koonfur Galbeed, Soomaaliya

16 Jan 2017

Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo qiimeeyay dhibaatada bini’aadannimo ee ka jirta Koonfur Galbeed, Soomaaliya

Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Peter de Clercq ayaa warbixinno ka dhageystay dhibbaneyaasha xaaladda bini’aadannimo ee sii xumaaneysa ee ka jirta maamulka Koonfur Galbeed mar uu maanta booqasho qiimayn ah ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

Mudane de Clercq ayaa booqday xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah iyo isbitaalka guud ee magaalada si uu ula kulmo dhibbaneyaasha jiilaalka daba dheeraaday ee sababay biyo yari iyo cunto yari aad u daran.

Soomaali lagu qiyaasay shan milyan oo qof ayaa u baahan gargaar cunto ka dib markii roob la’aanta ay horseedday abaar ka dillaacday qeybo badan oo dalka ka tirsan. Koonfur Galbeed oo kaliya, ku dhowaad 820,000 oo qof ayaa baahi ba’an u qaba gargaar bini’aadannimo oo degdeg ah, sida lagu sheegay warbixin dhowaan laga soo saaray Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isu-duwidda Arrimaha Bini’aadannimada.

“Shan milyan oo qof oo ku sugan dalkan, oo u dhiganta 40 boqolkiiba dadweynaha, ayaa u baahan gargaar raashin ah maxaa yeelay ma haystaan cunto ku filan oo ay cunaan,” ayuu yiri Mudane de Clercq.

“Dhibkan waxaa sabab u ah abaartii afaraad oo xiriir ah, taas oo sii jiri doonta afarta bil ee soo socota ka hor inta uusan billaaban xilliga roobka ee xiga,” ayuu raaciyay.

Wuxuu walaac ka muujiyay in dad kale oo badan ay ka carari doonaan guryahooda ayna ku biiri doonaan xeryaha dadka barakacay ee ku yaalla magaalada Baydhabo ayagoo cunto raadis ah.

“Dadku waxay u baahan yihiin gargaar si loo caawiyo inta lagu jiro xilliga abaarta, markaas ka dibna waxay rajeynayaan in laga caawiyo sidii ay noloshooda dib ugu billaabi lahaayeen. Arrintaas aad ayay u adkaan doontaa maxaa yeelay waxani waa gargaar bini’aadannimo, gargaar xilligiisu gaaban yahay, balse xilliga fog, dadku waxay u baahan yihiin inay noloshooda dib u billaabaan,” ayuu sheegay.

Dadka ay dhibaatada bin’aadannimo sida aadka ah u saameysay waa carruurta, haweenka iyo dadka barakacayaasha ah. Xaaladda magaalada Baydhabo waxaa sii xumeeyay shuban biyood halkaasi ka dillaacay, kaas oo galaaftay nolosha 11 qof kaliya saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay.

Qureesha Cabdi Cali, hooyo haysata toddobo carruur ah, ayaa u sheegtay de Clercq iyo xubnaha kale ee wafdigiisa in labo iyo toban ka mid ah qoyskeedii ballaarnaa ay gaajo u dhinteen.

“Waxaan ka imid tuulada Buula lir si aan uga baxsado xaaladda ba’an ee halkaasi ka jirta. Ma haysanno cunto, biyo ama dhar. Beeraheenniii way miro bixin waayeen, xoolaheennii way dhinteen, raggeenniina ma heli karaan wax shaqo ah,” ayay sharraxday.

Guddoomiyaha gobolka Baay Rashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa sheegay in ku dhowaad 3,000 oo qoys oo ka soo barakacay tuulooyinka ay soo gaareen Baydhabo si ay uga baxsadaan duruufaha adag ee ka jira guryahooda.

“Xaaladda aad ayay u xun tahay, dadku aad ayay ugu baahan yihiin gargaar, waxaana ka codsanaynaa samafaleyaasha inay soo farageliyaan xaaladda ayna caawiyaan dadka baahan,” ayuu yiri Rashiid.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa diray baaq kaas la mid ah, isagoo ku baaqay in gargaar lala soo gaaro dadka tabaalaysan.

“Waxaan ku jirnaa xaalad degdeg ah. Saamaynta abaartu waa mid muuqata, dadku waxay la harjadayaan caafimaad darro, macluul iyo amni xumo,” ayuu raaciyay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ku eedeeyey maleeshiyada Al-Shabaab inay is hor taagayso in gargaarka bini’aadannimo la gaarsiiyo dhibbaneyaasha abaarta. Wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka inay dedejiyaan furitaanka iyo ilaalinta ammaanka waddooyinka muhiimka ah, gaar ahaa, waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo ee dhererkeedu yahay 243 km, si loo fududeeyo raritaanka gargaarka bini’aadannimo.