Guulaha la gaaray iyo karaanka haweenka Soomaaliyeed ayaa loogu dabaaldegay Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Qeybta Badda

18 May 2023

Guulaha la gaaray iyo karaanka haweenka Soomaaliyeed ayaa loogu dabaaldegay Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Qeybta Badda

Muqdisho – Guulaha la gaaray iyo karaanka haweenka Soomaaliyeed ee waaxda badda ayaa maanta lagu xusay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Qaybta Badda.

“Tani waa maalin loo dabaaldegayo haweenka Soomaaliyeed ee ka qayb-qaadanaya ‘dhaqaalaha buluugga ah’. Dowladda hadda jirta waxa ay soo garwaaqsatay qiimahooda (haweenka), waxaana ka go’an inay haweenka siiso fursado siman oo waaxda badda ah,” ayey Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, Khadiija Diiriye, ka sheegtay furitaanka munaasabadda xuska oo ka dhacday caasimadda Soomaaliya, Muqdisho.

Kulanka ayaa isu keenay  daneeyeyaal kala duwan oo ka socday qaybta badda Soomaaliya, sida Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya (DFS), Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka, saaxiibada caalamka, Waaxda ganacsiga gaarka loo leeyahay, aqoonyahano, ururrada bulshada rayidka ah iyo Qaramada Midoobay.

"Dabaaldegga noocaan oo kale ah waxa uu muujinayaa in haweenka ka hawlgala guud ahaan badda wadanka la siiyo muuqasho iyo fursado siman si ay uga qaybqaataan ugana faa'iidaystaan waaxda badda," ayey hadal-jeedinteeda ku sheegtay, Ku xigeenka ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho.

“Daah-furkii dhawaantan ee Soomaaliya ee istaraatiijiyad ‘Dhaqaalaha Buluugga ah’ oo uu yoolkiisu yahay sare u qaadida haweenka ee dhammaan dhinacyada badda wadanka ayaa tusaale u ah muhiimadda sii kordheysa ee Soomaaliya ay siineyso ka qayb-qaadashada haweenka ee mustaqbalka buluugga ah ee dalka,” ayey sii raacisay.

Munaasabada ayaa waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo taageero ka heleysa Hawlgalka Awood-dhiska Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUCAP Somalia) iyo Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Iyada oo leh xeeb ballaaran oo qiyaastii 3,300 kiiloomitir ah, kuna taal meel istaraatiiji ah oo dhacda marinnada maraakiibta caalamiga ah ee muhiimka ah, waaxda badda ee Soomaaliya, oo leh kheyraad biyood badan, ayaa loo arkaa inay leedahay awood dhaqaale oo aad u weyn.

Qorshe-howleed

In kasta oo ay jirto awoodda waaxda badda, waxa jirta yaraanta khibrad ku filan dhanka badda, taas oo ay ugu wacan tahay awoodda hay’adeed iyo waxbarasho oo liidata. Intaas waxaa dheer, sinnaan la'aanta jinsiga ee aan laga guul gaarin, taas oo haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed ka xayuubinaysa xuquuqaha lagama maarmaanka ah iyo fursadaha sida helitaanka waxbarashada badda iyo ka qaybgalka dhaqaalaha.

Si wax looga qabto caqabadahan, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay bishii Febraayo 2023, daah-furtay Qorshe-howleedka Qaran ee Haweenka ku jira Waaxda Badda (WiMS). Qorshe-howleedka waxaa looga golleeyahay in kor loo qaado laguna awoodsiiyo haweenka Soomaaliyeed waaxda  badda dalkooda, iyadoo loo marayo kordhinta fursadahooda, lana guudmarayo guulaha ay gaareen. .

Hannaanka oo ay Soomaalidu hoggaamiso ee Qorshe-howleedku waxa uu soo billaabmay 2019-kii, waxaana lagu diyaariyay hab loo wada dhan yahay oo ay ka qayb-galeen wasaarado kala duwan oo ka kala socday dawladda federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah dawladda Faderaalka ee dalka, iyagoo taageero ka helaya EUCAP Somalia iyo UNSOM.

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Axmed Jaamac oo khudbad ka jeediyay Munaasabadda ayaa guudmaray baahida loo qabo in haween badan ay helaan xirfadda badda, waxa uuna bogaadiyay dadaalka haweenka Soomaaliyeed ay gacanta uga gaysanayaan.

“Waxaan ku ammaanayaa haweenka Soomaaliyeed shaqada heerka sare ah ee ay qabteen. Waa kuwa ugu muhiimsan ee qoysaska intooda badan biila, iyagoo dakhli ka hela beeraha, kalluumeysiga ama ka ganacsiga hilibka. Waxay inta badan ragga kaga fiicnaadeen wax-soo-saarka dhaqaale, waxayna mudan yihiin taageero dheeraad ah,” ayuu yiri.

Sheekooyinka Haweenka

Marka laga soo tago khudbadaha, sidoo kale waxa ay ka qaybgalayaashu haween Soomaaliyeed ka dhagaysteen, iyagoo  ka sheekeeyay qisooyinkooda iyo guulaha ay ka gaareen dhanka badda.

“Waxa aan abaal weyn u hayaa dumarkii igula taliyay waaxda badda. Waxa aan raacay taladooda, waxaanan billaabay ganacsi guulaystay ee habaynta kalluunka, anigoo kaashanaya carruurtayda,” Milkiilaha shirkadda kalluumaysiga Hiba ee fadhigeedu yahay Muqdisho, Malyuun Sheekh Xaydar, ayaa sidaas ku tiri muuqaal la sii duubay.

"Waxa aan ku faraxsanahay inaan arko haween dhallinyaro ah oo ku biiraya waaxda badda. Waxaan u baahannahay jiil na bedela oo nagala wareega, isla markaan horumariya dalka, kana faa’iidaysta kheyraadka ka soo baxa xeebaheenna baaxadda leh” Agaasimaha Maamulka Badda Soomaaliya Faadumo Jilicow, ayey ku tiri muuqaal la sii duubay.

Ku darid ka ballaaran

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa sidoo kale hadal-jeedinteeda ku sharaxday  muhiimada ay leedahay in la yaqiinsado sinnaanta jinsiga ee guud ahaan haweenka, iyadoo xustay in loo baahan yahay in looga guuleysto dhammaan dhinacyada dhaqanka Soomaaliyeed.

"Qodobka 3.5-aad ee dastuurka ayaa qaba in haweenka si wax-ku-ool ah loogu daro dhammaan hay'adaha qaranka, waana in aan ka shaqeynaa sidii arrintan looga dhabeyn lahaa," ayey tiri Marwo Khadiija.

Iyada oo ka falcelinaysa dareenkan, Marwo. Gbeho waxay dib u xaqiijisay ka go’naanta Qaramada Midoobay ee inay taageerto dadaalka Soomaaliya ee lagu awoodsiinayo haweenka dhammaan waaxyaha kala duwan ee Soomaaliya.

“Ka Qaramada Midoobay ahaan, waxa aan ballanqaadeynaa in aan sii wadno in aan Soomaaliya ku wehelinayno qorshihiinna dowlad-dhisidda – safar uu soo galayo ka qaybgalka buuxa ee haweenka ee qaybta badda iyo safar ku dhammaanaya nabad, xasilloon, iyo Soomaaliya oo barwaaqo ah, halkaasoo iyadoo ay haweenku ku jiraan, aan cidna laga tegin,” ayey tiri mas’uulka Qaramada Midoobay.