Hadal ay Warbaahinta siisay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, mar ay booqatay magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle

8 Jun 2023

Hadal ay Warbaahinta siisay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, mar ay booqatay magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle

Sidii loo jeediyay

Mudane Madaxweyne, aad baad ugu mahadsan tahay sida aadka u diiran ee aad maanta noo soo dhoweyseen aniga iyo kooxdayda, waxaan kaloo aad ugu mahad celinayaa golahaaga wasiiradaada.

Maanta waxaa ila socda George Conway, oo ah Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Isku-duwaha Arrimaha Bani'aadantinimada iyo Isku-duwaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Waxaa nasiib wanaag ah inuu George nala socdo – wuxuu horay Soomaaliya uga soo shaqeeyay sannado badan, oo ay ka mid tahay waqti uu halkan ka ahaa agaasimaha Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP.

Sida in badan oo idinka mid ah ay ogyihiin, waxaan Soomaaliya imid horraantii toddobaadkan. Waxaan Soomaaliya ku laabtay 30 sanno ka dib – waxaan ka mid ahaa Hawlgalkii ugu horreeyay ee Qaramada Midoobay,  aad ayaana ugu farxay inaanwaraaqaha aqoonsiga ugu gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxmuud, waxaana farxad weyn ii ah inaan booqashadayda ugu horreysa oo aan ku tago meel ka baxsan magaalada Muqdisho ku imaado halkan Hirshabeelle.

Wadahadalladii aan la yeeshay madaxweynaha, waxaan diiradda si gaar ah ugu saarnay dhibaatada fatahaadaha ee aad wajahaysaan ee dhawaan dhacay, waxaana ballaanqaadnay taageero buuxda oo ay bixiyaan barnaamijyada iyo hay’adaha Qaramada Midoobay iyagoo garab taagan dadaallada aadka u wanaagsan ee dowladda si loo xaqiijiyo in la daboolo baahiyaha degdega ah, laakiin waxaa sidoo kale muhim ah inaan maalgelino difaacyada muddada fog ee fatahaadaha iyo wixii la mid ah si loo xaqiijiyo inuu jiro xal waara.   

Dhanka amniga, Madaxweynuhu wuxuu warbixin iga siiyay ololaha aadka muhiimka u ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab, dhulka badidiisa oo laga soo ceshaday/xoreeyay, waxaana ka wada hadalnay muhimadda ay leedahay xasilinta deegaannadaas, iyadoo lala tageyo hanaan wadajir ah oo ah dowladda oo dhan.  Haddana, Qaramada Midoobay waxay aad ugu heellan tahay inay taas taageerto.

Dhanka arrimaha federaalka, waxaan soo dhoweeyey wada shaqaynta xoogan ee Madaxweynaha, oo horey loogu qaadayo hawsha la xiriirta dowlad-dhisidda, dib u’eegista dastuurka, waxaana madaxweynaha ku bogaadiyay xiriirkiisa iyo wada shaqeyntiisa iyo sida ay uga go’antahay inuu taageero geeddi socodka dowlad-dhisidda guud ee heer qaran iyo weliba halkan, dowlad-goboleedkiisa dhexdeeda, oo laga sameeyay golayaasha deegaanka.

Waxaan isku afgaranay muhimadda uu leeyahay hanaan loo wada dhanyahay, daahfuran, annagoo la xiriirayno dhammaan saamilleyda si loo dhiso isafgarad wadar ogol ah.

Mudane Madaxweyne, tani waa safarkii ugu horreeyay ee booqashooyin badan oo aan ku iman doono Hirshabeelle, waxaana ku hanweynahay inaan kula yeesho adiga iyo maamulkaada wada shaqeyn wax ku ool ah annagoo ka shaqeynayna inaan gaarno himiladiina oo ah Hirshabeelle oo nabad, barwaaqo, oo amni ah.

Mahadsanidiin.