Socdaalkeedii Ugu Horreeyay oo ay Ku Tagto Hirshabelle, ayaa Ergeyga Gaarka Ah ee Cusub ee Xoghayaha Guud Ee QM U Qaabilsan Soomaaliya waxa ay Dib ugu Xaqiijisay Taageerada Hay’adda Caalamiga ah

8 Jun 2023

Socdaalkeedii Ugu Horreeyay oo ay Ku Tagto Hirshabelle, ayaa Ergeyga Gaarka Ah ee Cusub ee Xoghayaha Guud Ee QM U Qaabilsan Soomaaliya waxa ay Dib ugu Xaqiijisay Taageerada Hay’adda Caalamiga ah

Jowhar – Iyadoo daah-furaysa shirarkii ugu horreeyay ee ay la yeelanayso madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya, ayey mas’uulka sare ee cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka waxa ay maanta socdaal ku tagtay Hirshabeelle, si ay hoggaanka maamulkaasi ugala hadasho arrimo kala jaad ah, oo ay dibna u xaqiijiso taageerada hay’adda caalamiga ah. 

“Waa farxad weyn in safarkeygii ugu horreeyay ee Muqdisho ka baxsan aan ku tago Hirshabeelle – Mudane Madaxweyne, kani waa safarka koowaad ee booqashooyin badan oo aan ku imaan doono Hirshabeelle, waxaana quud-darraynayaa in aan iskaashi wax-ku-ool ah idinla yeesho adiga iyo maamulkaaga, annagoo ka shaqaynayna sidii aan u xaqiijin lahayn waxa aad ku taammayso oo ah Hirshabelle nabad ah, barwaaqo ah, ammaanna ah,” ayey tiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing.

Mas’uulka ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ka hadallaysay shir-saxaafadeed ay si wada jir ah warbaahinta ugu qabteen madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen ‘Guudlaawe’ oo iyada iyo wafdigeeda ay horay ula sii kulmeen, madaxweynaha oo ay wehliyaan la-taliyeyaashiisa iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada.

Mas’uuliyiinta la socday waxaa ka mid ahaa George Conway, ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, oo sidoo kale ah Isku-duwaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee Degaanka iyo  Gargaarka Bani’aadannimo.

Hadalladeeda ay u jeedisay warbaahinta, ayey Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ku sheegtay in iyada iyo madaxweynaha ay isla soo qaadeen mowduucyo ay ka mid yihiin baahiyaha Bani’aadannimo ee Hirshabeelle, xaaladeeda amni iyo arrimo la xiriira qaranka.

Sida laga soo xigtay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku xirka Arrimaha Bani’aadannimo (OCHA), fatahaadihii bishii Maajo waxa ay dhaliyeen burbur baaxad leh oo gaaray qaybo ka mid ah maamul goboleedka xubninta ka ah dawladda Faderaalka, guryihii iyo dhul beereedkii oo daad maasheeyay, xoolihii oo ay cagta mariyeen,x arumihii  iskuullada  iyo caafimaadka oo ay si ku meel gaar ah u xireen  iyo  waddooyinka oo ay burburiyeen. Intaas waxaa dheer, kumannaan qof ayaa lagu qasbay inay ka hayaamaan guryahooda oo ay u guuraan dhulka taagga ah.

“Wadahadalladii aan la yeeshay madaxweynaha, waxaan si gaar ah diiradda ugu saarnay dhibaatooyinka fatahaadaha ee dhawaantan aad wajahayseen, waxaana ballanqaadnay taageerada buuxda ee barnaamijyada iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ee dalka ka hawlgala ku bari taarayaan dadaallada aadka u wanaagsan ee dowladdu ay ku doonayso inay ku xaqiijiso in Baahiyaha degdegga ah la daboolay, laakiin waa in loo fuliyaa sida ugu muhiimsan, in aan maalgelinno difaacyada daadadka ee muddada dheer iyo sidaas oo kale in la xaqiijiyo in ay jiraan xalal waara,” ayey tiri Marwo Laing.

Arrimaha amniga, dadaalladii ugu dambeeyay ee ay dowladdu uga horjeeddo kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa si weyn loogu soo qaaday.

“Madaxwaynaha ayaa warbixin iga siiyey ololaha wax-ku-oolka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab, dib usoo celinta dhul badan oo laga qabsaday, waxaana ka hadalnay muhiimadda ay leedahay xasilinta degaanadaas, iyo in lala yimaado hab dowladnimo oo buuxa oo loo dhan yahay,” ayey tiri Marwo Laing. "QM aad bay uga go'an tahay inay taageerto habkaas."

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale soo dhoweeyay "wadashaqeynta xooggan" ee madaxweynaha Hirshabeelle ee arrimaha qaranka, sida dadaallada geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka dalka iyo dowlad-dhisidda.

"Waxa aan isaga (Madaxweynaha) ku ammaanay wacyigiisa iyo sida ay uga go'an tahay inuu taageero hannaanka qara weyn ee dowlad-dhisidda ee heer qaran iyo sidoo kale halkan, Maamulkiisa [Xubinta ka ah Federaalka] ee unkidda golayaasha degmooyinka," ayey tiri Marwo Laing. "Waxaan ku heshiinnay muhiimadda ay leedahay hab loo wada dhan yahay, hab hufan, anagoo la xiriirayna dhammaan daneeyayaasha si loo yagleelo wadar-ogol."

Intii ay ku sugnayd magaalada Jowhar, Ergayga Gaarka ah ee QM waxa ay sidoo kale la kulantay taliyaha ciidamada Nabad-ilaalinta ee ku halwgala magaca Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS, iyo sidoo kale howl-wadeenka QM ee ku hawlgala halkaas.

Marwo Laing ayaa xilka loo magacaabay bishii Maajo ee sanadkan, waxayna Soomaaliya timid horraantii todobaadkan. Wax yar uun ka dib markii ay soo gaartay Muqdisho, waxay la kulantay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre. Ka sokow in in ay xilal kala duwan ka soo qabatay dowladda Boqortooyada Ingiriiska, Marwo Laing waxa ay sidoo kale ka soo shaqeysay waaxda horumarinta ee Qaramada Midoobay intii u dhaxeysay 1993 ilaa 1994.