Warbixinta Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud James Swan u jeediyay Golaha Ammaanka ee ku saabsan xaaladda Soomaaliya

previous next
25 May 2021

Warbixinta Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud James Swan u jeediyay Golaha Ammaanka ee ku saabsan xaaladda Soomaaliya

Mudane Madaxweyne, Xubnaha Sharafta leh ee Golaha,
 
Waad ku mahadsan tihiin fursadda aad ii siiseen in aan warbixin kooban ka bixiyo xaaladda Soomaaliya. Waxaan ku faraxsanahay in mar kale warbixinta aan wada-jeedinayno Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira. Tani waxay hoosta ka xariiqaysaa muhiimadda uu leeyahay xiriirka ka dhexeeya labadeenna urur ee ka hawlgala Soomaaliya. AMISOM waxay sii waddaa inay dowr muhiim ah ka cayaarto Soomaaliya maalin kasta, waxaana bogaadinayaa geesinimada iyo heelanaanta ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo sii horumarinaya nabadda iyo amniga dalka. Waxaan sidoo kale rajeynayaa [dhageysiga] faallada Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdirisaaq.
 
Mudane Madaxweyne,
 
Geedi-socodka siyaasadeed ee lagu hirgalinayo doorashooyinka Soomaaliya wuxuu la kulmay caqabado badan bilihii la soo dhaafay. Wadahadalladii u dhaxeeyay madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah kuwaas soo billowday bishii Maarso ayaa nasiib daro waxay burbureen horaantii bishii Abriil. Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markaas kadib ansixiyay "Sharci Gaar ah" oo looga guurayay heshiiskii doorashada ee 17kii Sebtember, dibna loogu noqonayay hanaan qof-iyo-cod ah,  isla markaana lagu kordhiyay muddo xileedka madaxda xilka haysa oo loogu daray illaa laba sano oo dheeri ah. Mucaaradaddii lagu diidanaa talaabooyinkaas waxay horseedeen abaabulka maleeshiyaad, waxayna banaanka soo dhigtay kala-qaybsanaanta ka dhex jirta ciidamada amniga Soomaaliya. Waxaa xigay isku-dhacyo rabshado wata oo dhacay 25kii Abriil, kuwaas oo khatar loogu galay isku-dhac ballaaran. 

Markaas wixii ka dambeeyay, Mudane Madaxweyne, Soomaaliya waxay ka soo noqotay cirifka xaaladdaas aadka u xun. 
 
Cadaadis xoog leh kadib, Golaha Shacabka ayaa 1dii Maajo dib uga laabtay Sharcigii Gaarka ahaa, iyadoo sidaas uu codsaday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”. Madaxweynaha ayaa intaas kadib awood u siiyay Ra’iisul Wasaaraha inuu hogaamiyo ka qeybgalka DFS ee geedi-socodka doorashooyinka, oo ay ku jirto qabanqaabada amniga iyo wada-xaajoodka lala gelayo DGXDF. Tallaabooyinkaas waxay si weyn u yareeyeen xiisadihii [jiray]. 
 
Waxaan bogaadinayaa dhamaan madaxdii Soomaaliyeed ee baadi-goobka u galay isu-tanaasul iyo wadar-oggol xilligaas, kuwaas oo ka shaqeeyay sidii xaalada loo dejin lahaa, iyadoo loo daneynayo qaranka iyo dadka Soomaaliyeed. Jawigaas ku dhisan isu-tanaasulka ayaa weli ah lagama maarmaan, loona baahanyahay in horay loosii dhaqaajiyo. 
 
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir-madaxeed iskugu yeeray DFS-DGXDF 22kii Maajo. Tani waa tallaabo soo-dhoweyn mudan oo dib loogusoo noqday wadahadalladii kadib muddo sii horeysay oo uu dhacay iska-hor-imaad. Kadib shirar isdaba joog ah oo albaabada u xiranyihiin laguna dhisayo kalsoonida, ayaa wadahadalladoodu waxay ku qotomaan xallinta arimaha taagan ee la-xiriira fulinta Heshiiskii 17kii Sebtember iyo soojeedintii Gudiga Farsamada ee Baydhabo. Waxaa ina dhiiri-gelinaya, ilaa iyo hadda, in jawigu yahay mid wanaagsan, iyadoo dhamaan dhinacyadu ay soo sheegayaan in horumar laga gaaray wadahadallada. Haddii aan ku daro, Mudane Madaxweyne, warka la helayo galabta ayaa sidoo kale ah mid aad u wanaagsan, waxayna u muuqataa in mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ay aad ugu dhowyihiin inay heshiis gaaraan, laakiin iyaga ayay ku xirantahay inay ku dhawaaqaan arrintaas, waxaana rajaynaynaa inay soo bixi doonto saacadaha soo socda. 
 
Kooxda Qaramada Midoobay waxay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ka taageerayaan qabanqaabada shir-madaxeedkan, waxayna si weyn uga mahad celinayaan kaalmada deeq-bixiyeyaasha muhiimka ah ee ku aaddan arrintan. Waxaan si dhow u wada shaqeynaa Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, iyo saaxiibada kale oo aan kawada shaqayno dadaalada diblomaasiyadeed. Iyadoo ay socdaan dadaalladan diblomaasiyadeed ee wadajirka ah, ayaan waxaan aad uga xunnahay diidmada Dowladda Soomaaliya ee Wakiilka Sare ee Midowga Afrika ee Soomaaliya. 
 
Waxaan mar kale ku boorinayaa madaxda Soomaaliyeed inay si niyad wanaag leh u raadiyaan xalka, isla markaana muujiyaan hogaaminta dalku uga baahan yahay iyaga xilligan taariikhiga ah. Saxiixayaasha heshiiskii 17kii Sebtember waa inay hadda la yimaadaan waddo cad oo horay loogu socdo si loo qabto doorashooyinka. Haddii taas la waayo, horumarkii laga gaaray arrimaha muhiimka ah ee hortabinta u leh qaranka waxay la kulmayaan carqalad, ama xaalku sidaas waa kasii xumaan karaa oo horumarkaas dib ayuu uga noqon karaa dhinacyada muhiimka ah, oo ay ku jiraan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarka. 

Si loo guda-galo doorashooyinka, waxaa muhiim ah in la dhaqan-geliyo qoondada ugu yar ee 30 boqolkiiba haweenku ku leeyihiin matalaadda labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Ka qayb-gelinta haweenka, iyo sidoo kale dhalinyarada iyo kooxaha laga tirada badan yahay oo laga qayb-geliyo go’aan qaadashada siyaasadeed ee horay loogu soconayo ayaa lagama maarmaan u ah xaqiijinta horumarka dalka iyo nabad waarta oo ka hana-qaadda Soomaaliya. 
 
Mudane Madaxweyne,
 
Xaaladda nabadgelyo weli waxaa ku gadaaman walaac daran. Al-Shabaab ayaa weli ah khatar weyn waxayna muujiyeen awoodda ay u leeyihiin qorsheynta iyo fulinta weerarada dinacyada badan ee ay la beegsadaan bartilmaameedyo kala duwan oo ku baahsan Soomaaliya. Dhacdooyinkii ugu dambeeyay waxaa si faahfaahsan loogu sharaxay warbixintii ugu dambeysay ee Xoghayaha-Guud. War iyo dhamaantii, Al Shabaab waxay muujisay dadaal iyo adkeysi bilihii lasoo dhaafay. Sidaas darteed, hawlgallada Ciidamada Amniga Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ayaa weli muhiim u ah sii joogteynta cadaadiska saaran kooxdan. 
 
Xoogaa horumar ah ayaa laga sameeyey hirgelinta Qorshaha Marxaladda Kala-guurka ee Soomaaliya ee dib-u-eegista lagu sameeyay. Horumarada muhiimka ah waxaa ka mid ah wareejinta Xarumaha Hawlgallada ee Aagagga Hore ee Awdheegle iyo Bariire oo lagu wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka dhamaadka sanadkii 2020. Horraantii Abriil, Xarumahaas waxay wajaheen weeraro uga yimid Al Shabaab, laakiin ciidammada Soomaaliya waxay muujiyeen geesinimo weyna xajisteen goobohooda. 

Xawaaraha ay ku socoto hirgelinta Qorshaha Marxaladda Kalaguurka ee Soomaaliya waxaa saameyn ku yeeshay is-mari-waaga siyaasadeed ee taagan. Ballanqaadyadii waaweynaa ayaa dib uga dhacay xilligii loogu talagalay in la hirgeliyo, waxaana loo baahanyahay dadaallo badan si loo dardargeliyo horumarka.
 
Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) wuxuu sii wadaa taageerada dhanka saadka ah ee uu siiyo AMISOM wuxuuna weli diyaar u yahay inuu sii wado taakulada aan waxyeellada lahayn ee la siinayo Ciidanka Xooga Soomaaliya iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyadoo la adeegsanayo tabarucaadda is-xilqaanka ku dhisan ee la siiyo Sanduuqa Amaanada ah ee lagu maalgeliyo Ciidamada Amniga Soomaaliya, sida uu u fasaxay Golahan. Waxaan si walaac ku dheehanyahay u sheegeyaa in Sanduuqa Amaanada ah uu dhaqaaluhu ka dhamaan doono dhamaadka bisha Juun. Haddii aan la helin tabarucaad deg deg ah, tageeradan hawlgalka iyo naf-badbaadinta iskugu jira ee la siiyo Ciidamada Amniga Soomaaliya ayaa istaagi doona. 
 
Dhanka kale, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika waxay kasii wada shaqaynayaan sidii horay loogusii socon lahaa marxaladda kalaguurka ee amniga Soomaaliya iyo dib-u-habeynta mustaqbalka lagu samayn doono howlgalka Midowga Afrika. Midowga Afrika iyo QM waxay ku guda-jiraan marxaladihii ugu horeeyey ee wadahadaladaas waxayna uga xaajoonayaan heerka Xarumohooda Dhexe, wixii kasoo cusboonaada mustaqbalka waxaa loosoo gudbin doonaa Golaha inta uu sii socdo diyaar garowga loogu jiro hawshan iyadoo lagu jaan-goynayo qaraarada khuseeya arrintan ee uu soo saaray Golaha. 
 
Mudane Madaxweyne,
 
Xaaladda bani’aadanimo weli waa mid cakiran, iyadoo 5.9 milyan oo Soomaali ah - ama in ka badan saddex-meelood hal meel dadka - ay u baahan yihiin gargaar bani’aadanmo sannadkan. Dad ka badan seddex milyan oo ka mid ah dadkaas waxay u baahan yihiin gargaar naf-badbaadin ah oo daran. Iyadoo boqolkiiba 80 dalka ay saameeyeen xaaladaha abaaraha, ayaa roobabkii mahiigaanka ahaa waxay sababeen daadad ku rogmaday deegaanada uu ku yaallo webiga. Dhibaatooyinka ka dhashay cimilo xumida ayaa horseeday barakac ballaaran iyo cunno yari ba’an. 
 
Nasiib darro, kaliya 19 boqolkiiba ayaa ilaa hadda laga maalgeliyey Qorshaha Ka-Jawaabidda Xaakadda Bani’aadanimo ee 2021. Taasi kuma filna wax-ka-qabashada baahiyaha naf-badbaadinta ah ee ay qabaan dadka Soomaaliyeed ee ku baahsan dalka. Waxaan ka codsanayaa dowladaha xubnaha ah inay dhaqaale ku soo biiriyaan. 
 
Warbixinta wanaagsan ayaa ah, in Soomaaliya ay bishii Maarso heshay qaybtii ugu horreysay ee tallaalka COVID-19 ee lasoo marsiiyay barnaamijka COVAX. Qaramada Midoobay waxay si dhow ula shaqeysay dhiggeeda Dowladda si loo xaqiijiyo in si wax-ku-ool ah loo qaybiyo loona maamulo talaalka shaqaalaha ku jira safka hore. Ilaa iyo maanta, Soomaaliya waxay awood u yeelatay inay maamusho boqolkiiba 42 kamid ah 300,000 goojo ee tallaalada ay heshay. Si horay loogu socdo, waxaa lama huraan ah in beesha caalamku sii waddo taageerada baahiyaha Soomaaliya si ay u xaqiijiso talaalka in uu gaaro heerkiisa ugu wanaagsan. 
 
Mudane Madaxweyne,
 
Ii ogolow in aan ku soo gunaanado in aan hoosta ka xariiqo fursadda hada hor-taalla madaxda Soomaaliya. Waxaa waajib ah in shir-madaxeedka ka socda magaalada Muqdisho laga soo saaro heshiis la fulin karo oo ah in doorashada lagu qabto waqtiga ugu yar ee ugu macquulsan. Haddii aan la helin heshiis noocaas ah, oo ay ku dheehantahay niyad-wanaag iyo daacadnimo lagu hirgeliyo, waxaa dib u furfurmi kara guulihii laga gaaray Soomaaliya sannadihii ugu dambeeyay, iyadoo khatar loo geli katro xasillooni darro iyo amni-darro hor leh. Sidaas darteed, waxaan aad ugu faraxsanahay sida dhow ee Goluhu ula socdo ishana ugu haayo xaaladda Soomaaliya. 
 
Mahadsanid.
 
 

Akhriso Warbixinta Xoghayaha Guud ee arrimaha Soomaaliya (S/2021/485)