Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya 'Qarka ayay kasoo Laabteen' si ay usoo celiyaan wada hadallada xasaasiga ah ee doorashada

25 May 2021

Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya 'Qarka ayay kasoo Laabteen' si ay usoo celiyaan wada hadallada xasaasiga ah ee doorashada

Mogadishu/New York–James Swan, Ergayga Gaarka ah ee QM ee Somalia ahna Madaxa Xafiiska UNSOM, ayaa sheegay inay muhim tahay in la gaarey heshiis ku saabsan in doorasho loo qabto sida ugu dhaqsiyaha badan.

“Heshiis noocan ah la’aantii, samadoonnimada iyo daacadnimada lagu dhaqan gelinayo, guulihii sanadihii dambe la gaarayey way khasaari kari lahaayeen, taasoo keeni kartey amaan iyo xasillooni darro dheeraad ah”, ayuu ka digey.

Xiisado kacsan 

Marka dib loo eego cakirnaantii siyaasadeed ee todobaadyadii dambe, Md Swan wuxuu sheegay in wada hadalladii DF Somalia iyo Maamul-goboleedyada ee bilowday bishii Maarso, ay si laga shallaayo u burbureen horraantii Abriil.

Golaha Shacabka ayaa deeto meel mariyey ‘’Xeer Gaar ah’’ isagoo xooray Heshiiskii 17-kii Sebtembar 2020, isla markaana sameeyey muddo kordhin 2 sanadood ah.  

Tillaabadani waxay keentay mucaaradad daran iyo dumitaanka malliishiyaad iyo qaybsan ka dhex muuqday Ciidamada Amaanka Somalia. Isku dhacyo hubaysan oo dhacay 25-kii Abriil, kuwaasoo keenay halis ah dagaal daba dheer. “Tan iyo markaas, Somalia waxay kasoo noqotay qarka xaalad aad halis u ah”, ayuu yiri Md. Swan, isagoo gocday in Golaha Shacabku uu ka noqday Xeerkii Gaarka ahaa 1-dii Maajo kaddib cadaadis ba’an, taasoo ugu dambayn xiisaddii dejisey.

Waa dhabbaha hore

Isagoo amaanaya madaxda Soomaalida oo tanaasul gaarey kana shaqeeyey inay xaaladda dejiyaan si loogu daneeyo dadka Soomaaliyeed, Md Swan wuxuu sheegay in isla shucuurtaas loo baahan yahay si horay loogu sii socdo. MW Farmaajo wuxuu awood siiyey RW Rooble si uu u hoggaamiyo doorka DF Somalia ee geeddi socodka doorashada isla markaana uu isagu la socdo agaasinka amaanka.

Wadahadallada ka socda shirka Muqdisho waxaa diiradda lagu saarayaa xallinta arrimaha taagan ee la xiriira dhaqan gelinta heshiiskii 17-ka Sebtember iyo in xal kama dambeys ah laga gaaro arrimaha doorashooyinka soo socda.

Qaramada Midoobay waxay taageereysaa qabanqaabada shirka iyadoo si dhow ula shaqeeneysa Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD iyo saaxiibbada kale ee diblomaasiyadeed.  

Amniga oo halis ku jira

Mudane Swan waxa uu ku booriyay hoggaamiyaasha Soomaalida inay si niyadsami leh ku raadiyaan xalka, sidoo kalena ay muujiyaan hoggaaminta loogu baahan yahay waxa uu ku sheegay "xilligan taariikhiga ah" ee uu dalka ku jiro. 

Beesha caalamka waxa ay si ballaaran ugarab istaagtay dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu mideeyo dhinacyada Soomaalida ee iska soo horjeeda, islamarkaana horumar la taaban karo looga sameeyo caqabadaha amni ee taagan – gaar ahaan Ururka Argagixisada ee Alshabaab. 

Kooxda ayaa sii wadda inay muujiso adkeysi iyo inay awood uleedahay qorsheynta weerarro waaweyn oo ay ka fuliso guud ahaan Soomaaliya, ayna ku jiraan kuwa ay ku dhibaateeyaan dadka rayidka ah. Hoggaamiyayaasha Kooxda ayaa sheegtay masuuliyadda weerar ay ku dhinteen shan qof tobaneeyo kalena ay ku dhaawacmeen kaas oo ka dhacay Hotel Afrik ee magaalada Muqdisho 31-ka bishii Janaayo. 

Mudane Swan waxa uu Golaha u sheegay inay hadda muhiim tahay in dhinacyada ay ka go'naato xal uhelidda arrimaha taagan. "Tani la'aanteeda, waxaa caqabad noqon doonta in horumar laga sameeyo arrimaha mudnaanta uleh qaranka, xaaladduna waa ay kasii dari doontaa, xitaa waxaa laga yaabaa in dib loogu noqdo xaalidihii adkaa ee uu dalka ku jiray dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarka" ayuu yiri Mudane Swan.

Isha: UN News

Halkan ka akhriso bayaanka oo dhameystiran.