Hadal-jeedinta Ergeyga QM oo ku hadlaya magaca Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, iyo QM ee kulan saxaafadeed Wadajir ah oo ay magaalada Dhuusamreeb kula qaateen madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye

28 Oct 2020

Hadal-jeedinta Ergeyga QM oo ku hadlaya magaca Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, iyo QM ee kulan saxaafadeed Wadajir ah oo ay magaalada Dhuusamreeb kula qaateen madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye

Galab wanaagsan,

Waxaan uga mahad-celinayaa Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo kooxdiisa sida diirran ee ay inoo soo dhoweeyeen maanta.

Waxaan halkan wada joognaa Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Danjire Francisco Madeira; iyo sidoo kale Ku-xigeenka Madaxa Wafdiga Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Nicole Miller; iyo Madaxa Hawlgalka ee Urur-Goboleedka IGAD, Jamaal Axmed Ibraahim.

Waxaan aad ugu faraxsannahay in aan maanta joogno Dhusaomareeb. Tani waa booqashadeennii labaad ee aan ku imaanno Dowlad Goboleed xubin ka ah Dowladda Federaalka ah bishan.

In kastoo kulamada fool-ka-foolka ay xaddidnaayeen bilihii la soo dhaafay, cudurka safmarka ah ee COVID awgiis, waxaan xiriir dhow la lahayn Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye iyo maamulka Galmudug annagoo adeegsanayna kulamada fogaan-aragga ah, annagoo isla xiriirkaas oo kale la lahayn madaxda Dowlad Goboleedyada kale Xubnaha ka ah Federaalka, waxaana sharaf inoo ahayd in aan Madaxweynaha kula kulannay magaalada Muqdisho bishii Sebtembar.

Kulankeenna maanta aan la qaadannay Madaxweynaha waxaan uga wada hadalnay muhiimadda ay leedahay sii socoshada xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah. Waxaa na dhiirigeliyay soo nooleynta wadahadalka Dowlada Federaalka ah iyo dhamaan Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah. Marka la eego arrintan, anigoo ku hadlaya magaca kooxdeenna, waxaan jeclahay inaan ku ammaano Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye hogaamintiisii ​​martigelinta shirarkii isdaba joogga ahaa ee ka dhacay magaalada Dhusomareeb bilihii Luulyo iyo Agosto, kuwaas oo horseeday [qabsoomidda] shirarkii wadatashiga ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho bishii lasoo dhaafay, laguna gaaray heshiiska hanaanka doorashada.

Waxaan ku boorrinaynaa dhammaan madaxda Soomaaliya inay sii wadaan wadashaqeynta qaabkaan ah oo ay ugu diyaar garoobayaan doorashooyinka qaranka si gundhig loogaga dhigo daah-furnaan, cadaalad iyo uwada-dhamaansho.

Arrintan waxaa ka mid ah xaqiijinta in laga miradhaliyo qoondada matalaadda haweenka ee  boqolkiiba 30 ku yeeshaan doorashooyinka baarlamaanka, iyo in guddiyada soo-xulista ergada ay yeeshaan matalaad kala-duwan.

Intii aan joognay Dhusamarreeb, waxaan sidoo kale ku ammaannay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye dadaalka uu ugu jiro dib-u-heshiisiinta waxaana ku baaqaynaa in taasi ay sii socoto. Waxaan sidoo kale muujinnay walaaca aan ka qabno dhacdooyinka amni ee ugu dambeeyay, maadaama al-Shabaab ay halis gelinayso dadweynaha.

Waxaan soo dhoweynay joogitaanka ciidamada AMISOM ee taageeraya Ciidamada Amniga Soomaaliyeed si ay u sugaan nabadda iyo amniga. Saaxiibada [caalamku] waxay sidoo kale kala shaqeynayaan Maamulka Galmudug sidii loo horumarin lahaa barnaamijyada loogu talagalay booliska ee qaybta ka ah istiraatiijiyadda ballaaran ee waaxda amniga.

Annagoo soo gabagabaynayna booqashadeenna, waxaan uga mahad-celinaynaa dadka reer Galmudug soo dhoweynta diirran. Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD iyo QM way idin sii garab taagnaan doonaan iyagoo ah saaxiibbo iyo la-hawlgalayaal.

Mahadsanid, Md. Madaxweyne.