Hadal jeedinta Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho, oo warbaahinta kula hadashay magaalada Dhuusamareeb

5 Aug 2021

Hadal jeedinta Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho, oo warbaahinta kula hadashay magaalada Dhuusamareeb

Galab wanaagsan, Mudane Madaxweyne iyo wakiillada saxaafadda.

Waxaan Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye iyo kooxdiisa uga mahadcelinayaa sida diiran ee naloo soo dhoweeyay maanta.

Hanaanka doorashada Soomaaliya ayaa ku billowday doorashada dhowr kursi oo Aqalka Sare ah ee lagu qabtay Dowlad Goboleedka Jubaland iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Waxaan rajaynayaa in tani ay dardargelin doonto doorashooyinka dhammaan Dawladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, oo ay ku jirto Galmudug, taas oo ka dhabeynaysa rajadii dadka Soomaaliyeed, oo ah in geeddi-socodka doorashada lagu soo gabagabeeyo si waqtiyaysan oo nabdoon.

Aniga iyo Madaxweyne kaariye waxaan sidoo kale ka wada hadalnay muhiimadda ay leedahay in la hubiyo fursadaha loo siman yahay ee musharraxiinta, oo ay ku jiraan murashaxiinta dumarka ah, si loo xaqiijiyo hannaan iyo natiijooyin lagu kalsoonaan karo. Waxaan sidoo kale ka wada hadalnay siyaabaha la taaban karo oo lagu fulin karo ballanqaadkii ay sameeyeen madaxda siyaasadda Soomaaliya si loo xaqiijiyo matalaadda haweenka ee boqolkiiba 30 ay ku yeeshaan geeddi-socodka iyo natiijooyinka doorashada.

Kooxda U-doodista ee dhowaan la magacaabay ee dhiirrigelisa qoondada haweenka ayaa dhiirri-gelin ah. Waxaan ku dhiirrigeliyay Madaxweyne Kaariye inuu ka faa’iidaysto joogitaankooda si uu u fuliyo ballan-qaadkiisii ahaa qoondada boqolkiiba 30.

Waxaan sidoo kale u qareemay matalaad siman oo oo ay helaan beelaha laga tirada badan yahay, bulshooyinka la hayb-sooco iyo haweenka iyo ragga dhallinyarada ah ee labada aqal ee baarlamaanka, taas oo muhiim u ah qabashada doorasho loo dhan yahay.

In kasta oo horumar la sameeyay, haddana waxaa jira shaqo loo baahanyahay in la qabto si loo gaaro khadka dhammaadka. Wada shaqayn siyaasadeed ee heer sare ah oo ay sameeyaan madaxdda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa sii ahaan doona mid muhiim u ah xallinta arrimaha iman kara, Niyadsamidii wada-hadalka iyo dhisidda is-afgarad ee lagu muujiyey shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka waa in la joogteeyo inta hawsha socoto.

Aniga iyo Madaxweyne Kaariye waxaan kaloo ka wada hadalnay xaaladda amni ee Galmudug. Geesinimada, naftii-hurnimada iyo dadaalka dhammaan ciidammada amniga ee ku lugta leh hawlgalladii milatari ee dhowaan ka dhacay koonfurta Mudug waa mid ammaan mudan. Go’aanka hoggaanka Galmudug ee ah in la wiiqo awoodda nabad-diidka, lagu dhiirri-geliyo in dadka barokacay ay guryahooda ku laabtaan iyo in la siiyo jawi nabdoon oo ammaan ah doorashada ayaa aad loo bogaadinayaa. Dadaalkan wadajirka ah, oo ay ku lug leeyihiin Dowladda Federaalka iyo dowladaha deriska ah, ayaa muujinaya dadaal ay Soomaalidu hoggaaminayso, iyo mid ay Soomaalidu leedahay waxayna u baahan tahay in la joogteeyo si loo joogteeyo guulaha la gaaray. Anigoo ka duulaya waaya -aragnimadan, waxaan ku kalsoonahay in qorshaha amniga doorashada Galmudug si fiican loo qeexi doono, loo diyaarin doono loona fulin doono si isku duuban.

Mudane Madaxweyne, gabagabadii booqashadan, waxaan mar kale kaaga mahadcelinayaa adiga iyo shacabka reer Galmudug soo dhaweyntii diirranayd. Qaramada Midoobay waxay rajaynaysaa inay sii wadato wada shaqaynta wanaagsan ee adiga iyo kooxdaada ee Galmudug.

Mahadsanid Mudane Madaxweyne.