Hadal-Jeedintii DSRSG Raisedon Zenenga ee shirki xiritaanka Madasha Wadatashiga Qaran

20 Oct 2015

Hadal-Jeedintii DSRSG Raisedon Zenenga ee shirki xiritaanka Madasha Wadatashiga Qaran

Muqdisho – Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Mudane Guddoomiye, Ra'iisul Wasaare Xigeenka, Madaxweynayaasha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyo Maamul-goboleedka KMG ah, Xildhibaanno, Wasiirro, Wakiillada bulshada rayidka ah, Danjirayaal, Mudanayaal iyo Marwooyin,

Anigoo ku hadlaya magaca dhammaan qoyska Qaramada Midoobay, waxaan jeclaan lahaa inaan u hambalyeeyo Madasha Wadatashiga Qaranka oo si guul leh u dhammaystirtay wada tashigii kalfadhigii koowaad.

Waxaan u hambalyeynayaa dhammaan wufuudda oo aan ku bogaadinayo guushaan iyo dadaalkiinna iyo dooddiina.

Waxaan ku bogaadinaynaa hoggaamiyeyaasha heer qaran iyo heer gobol, Kooxda Hawsha iyo Kooxda Taageeridda Farsamada hawsha ay hayaan. Waxaad ku faani kartaan wixii aad qabateen maalin iyo barkii la soo dhaafay.

Kalfadhigan guud ee madasha wadatashiga qaranku waa gaartey ujeeddooyinkii laga lahaa: waxaad ka wada hadasheen geeddi-socodka wadatashiga iyo hab-raaciisa waxaadna ka doodeen hababka suurtagalka ah ee geeddi-socodka doorashada 2016-ka.

Saaxiibbada caalamiga ah ayaa u kuurgalay doodda kooxaha kala duwan ee shaqeeynaya. Waxaan aragnay sida wada-xaajoodyadu u ahaayeen kuwo firfircoon oo xamaasad leh, sida wanaagsan ee ay u socdeen, sida aad u xamaasadaysan tihiin si aad u hubisaan hannaanka doorashada ugu fiican ee suurtogalka ah sannadka soo socda. Dhammaan aragtiyadii la dhiibtay waa la xusay oo waa la duubay waana laga sii fikiri doonaa.

Guushiinna ugu weyni maanta waa ansixinta hagaha fududeynta; is weydaarsiga furan ee aragtida ikhtiyaarrada la isla gartay; iyo qaadashada war murtiyeed. Markaad sidaas samaynaysaan, waxaad diyaarinaysaan wadatashiyadii gobolka waxaadna ku wargelinaysaan dadwaynaha geedi-socodka hadda socda. Taas lafteedu waa tallaabo muhiim ah.

Tallaabada xigta ee hadda socota ayaa noqon doonta wadatashiyada dadweynaha gobollada. Waxayna noqon doonaan kuwo ka ballaaran oo xitaa ka sii badan. Waxay soo saari doonaan aragtiyo iyo aaraa dheeri ah, kuwaas oo ku biiri doona go'aanka Madashan ee ku aaddan geeddi-socodka doorashada ee la fulin doono sannadka soo socda.

Saaxiibbada caalamiga ah waxaa ka go'an inay sii wadaan taageerada illaa iyo inta geedi-socodku si guul leh usoo gabagaboobayo.

Mahadsanid.