Ergayga QM ee Somalia oo soo dhoweeyey furitaanka kulanka loo dhan yahay ee wadatashiga geeddi-socodka doorashada 2016-Ka

19 Oct 2015

Ergayga QM ee Somalia oo soo dhoweeyey furitaanka kulanka loo dhan yahay ee wadatashiga geeddi-socodka doorashada 2016-Ka

Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa khudbad ka jeediyay furitaankii shirkii ugu horreeyay ee Madasha Wadatashiga Qaran ee maanta, isagoo ugu baaqay dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay sameeyaan wadatashiyo ballaaran oo ku saabsan hannaanka doorashada sannadka dambe iyadoo la muujinayo shucuur ku dhisaalan isu tanaasul iyo dib u heshiisiin. 

“Madashii maantu waa bandhig weyn oo loogu talagalay Soomaaliya,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Kay. "Waxaad dunida tusaysaan inaad u socotaan dhanka gudashada waajibkiinna ku saabsan in la ixtiraamo Dastuurka KMG ah ee federaalka iyo in la qabto geeddi-socod doorasho sannadka 2016-ka."

Ergeyga Gaarka ah ee Kay wuxuu soo dhoweeyay ka qaybgalka dhammaan Maamullada Gobollada KMG ah iyo Dawladaha Federaalka ah iyo sidoo kale bulshada rayidka ah ee Madasha labada maalmood ah wuxuuna xusuusiyay dhammaan ka qaybgalayaasha “mas’uuliyadda weyn” ee ay qaadi doonaan toddobaadyada iyo bilaha soo aaddan. "Maanta waa maalin ay tahay in inaad u jeesataan inaad go'aansataan nooca geeddi-socodka doorashada ee ku habboon sannadka 2016-ka," ayuu yiri. "Idinka oo qura ayaa taa go'aansan kara."

Ergeyga Gaarka ah ee Kay wuxuu xusay inay wadatashiyo dadweyne oo heer gobol ihi ay ka dhici doonaan mid kasta oo ka mid ah Maamul-goboleedyada ka tirsan Dawladda Federaalka iyo maamullada KMG ah kaddib marka berri kulanka Madasha ee ugu horreeya lagu soo gabagabeeyo Muqdisho.

Wuxuu kaloo soo dhoweeyay jadwalka munaasabadda maanta looga hadlayo ka qeybgalka siyaasadda ee haweenka wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la muujiyo doorka ay haweenku ku yeelan karaan wadatashiyada soo socda ee hannaanka doorashada 2016-ka. “Waxaan u baahan nahay inay haweenka Soomaaliyeed xoojiyaan ka qaybgalkooda si loo horumariyo xasilinta bulshada, isku xirnaanta bulshada iyo in la adkeeyo nabadda,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Kay.

Wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay isagoo xusuusiyay ka qaybgalayaashii in beesha caalamku ay ka qaybgalayso kulanka NCF oo socon doona laba maalmood si ay u fiirsadaan una taageeraan dadaalkooda. Ergeyga Gaarka ah ee Kay wuxuu sidoo kale u soo jiiday arrimo muhiimad wayn u leh beesha caalamka xilli ay Soomaaliya bilaabayso geeddi-socodka wadatashiga doorashooyinka.