Hadal jeedintii K/xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ahna Madaxa Howl-galka QM ee Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho, ay siisay Saxaafadda Dhuusamareeb

11 Feb 2023

Hadal jeedintii K/xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ahna Madaxa Howl-galka QM ee Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho, ay siisay Saxaafadda Dhuusamareeb

Sidii loo jeediyey

Galab wanaagsan.

Aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahiin Mudane Madaxweyne adiga iyo mas'uuliyiinta kale soo dhoweytii diiranayd ee aad Galmudug noogu sameyseen. Waxa aan rabaa inaan idin mahadceliyo anigoo wakiil ka ah asxaabteyda, waad ku mahadsantihiin soo dhaweyntiina iyo wadahadaladii miradhalka ahaa ee aan galabtan yeelanahay.

Waan ku faraxsanahay in maanta aniga iyo madaxweynaha aan saxiixno heshiis ku aadan dhulka Xero Daroogo ee Magaalada Dhuusamareeb, kaas oo noqon doona Xafiiska Qaramada Midoobey ee Gobolka.

 Waxaan Madaxweyne QoorQoor uga mahadcelinayaa dulqaadka, sabarka iyo taageerada uu u fidiyey Qaramada Midoobey in la helo dhulkan. Marka xafiiskan la dhameystiro, bahda Qaramada Midoobey iyo saaxiibadooda waxay taageero joogto ah siin doonaan dowladda Galmudug sidii ay u horumarin lahayd hay'adaheeda dowladeed, adeeg humanness u gaarsiin labeyd bulshadeeda

Hab ay dadkeeda u  dhan yihiin, oo ay ku jiraan meelaha dhawaan laga soo kabsaday.

Inta laga furayo xafiiska, Qaramada Midoobay waxa ay sii wadi doontaa in ay si joogta ah ula shaqeyso una taageerto shacabka iyo maamulka Galmudug.

Intii aan ku jirnay wadahadalladeena, dabcan waan ka faa’ideysanay, iyadoona Madaxweyne QoorQoor aan fursad u helnay inaan wax ka taabanno arrimo kale oo dhowr ah oo muhiim ah oo ay ka mid yihiin abaarta jirta  ee dhibaatada u horseeday shacabka Galmudug, howlgallada milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo baahida loo qabo in la sii wado diirad saaridda qorsheyaasha dowlad-dhisidda Soomaaliya.

Waxaan ka wada hadalnay iskaashigeenna dhow  – kaasi oo ah iskaashiga u dhaxeeya QM iyo Galmudug – ee dhinacyada doorashooyinka, booliska, xasilinta, xuquuqul insaanka iyo abaaraha.

Mudane Madaxweyne, Qaramada Midoobay waxay aaminsan tahay aragtida Soomaaliya ee ah qaran nabad iyo barwaaqo ah, annaga oo gacan ka geysanayana waxaan rajaynaynaa in la helo joogitaan muuqda oo Galmudug ah iyo xoojinta iskaashiga iyo taageerada shacabka iyo dawladda Galmudug.

Mahadsanid.