Booqashada Dhuusamareeb, QM oo la saxiixday heshiis ay xafiis uga furaneyso Galmudug

11 Feb 2023

Booqashada Dhuusamareeb, QM oo la saxiixday heshiis ay xafiis uga furaneyso Galmudug

Dhusamareb – Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu sare u qaad howshooda kaddib heshiis u gogol xaaraya in xafiis cusub ka yagleelaan Dowlad-goboleedka Galmudug ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, iyo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho, ayaa maanta heshiis ay dhul ku kiraysteen gaar ahaan Xerada Hero Drogo ee magaalada Dhuusamareeb saxiixday, halkaas oo noqon doonta meesha laga dhisayo xafiiska cusub ee Qaramada Midoobey.

"Waxaan uga mahadcelinayaa Madaxwayne QoorQoor dulqaadkiisa,iyo taageerada uu u fidiyey Qaramada Midoobey si loo calaamadiyo goobtan," ayay Gbeho ku sheegtay shir jaraa'id oo ay si wadajir ah u wada qabteen madaxa Xukuumadda taasoo ka dhacday Aqalka Madaxtooyada Galmudug.

“Markii dhismaha xafiiska la dhammeeyo, wuxuu xarun u noqonaya bahda Qaramada Midoobey, iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah, si ay Galmudug uga taageeraan horumarinta hay’adeheeda iyo u adeegidda qaab ay u dhan yihiin dadkeedu, taasoo ay ku jiraan goobihii dhowaan la xoreeyey,” ayay raacisay. Ms. Gbeho, oo sidoo kale u shaqaysa Madaxa Xafiiska Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM ahaan. 

“Qaramada Midoobey waxay aaminsan tahay aragtida Soomaaliya ee ah nabad iyo barwaaqo,” ayay tiri sarkaaladdan sare ee ka tirsan Qaramada Midoobey, “Sidaas darteed waxaan dhararaynaa inaan ka joogis rasmi ah ku yeelanno degaannada Galmudug iyo inaan sii xoojinno wadashaqaynta iyo taageerada aan siinno shacabka iyo dowladda Galmudug.”

Waqtigan xaadirka ah, qoyska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxay meel fog ka taageeri jireen Galmudug oo ay booqashooyin joogto ah ku tegi jireen. Balse Ms. Gbeho ayaa waxay hadalkeeda ku sheegtay in hay'adda caalamiga ihi ay sii wadi doonto inay hubiso la xaalid joogto ah iyo taageero ku xiran furitaanka xafiiska cusub. 

Marwo Gbeho oo ay wehlinaysey khubaro dhanka doorashooyinka iyo siyaasadda ah ayaa sidoo kale Madaxwaynaha iyo xubnaha golihiisa wasiirrada kala hadashay arrimo badan oo ay ka mid yihiin wada shaqaynta Qaramada Midoobey iyo Maamulka Galmudug ee dhinacyada doorashooyinka, booliska, xasilinta, xuquuqul insaanka iyo arrimo kale. 

“Waxaan fursad u helnay inaan taabanno dhowr arrimood oo kale oo muhim ah, kuwaasoo ay ku jiraan abaarta jirta ee dhibaatada u keentay dadka reer Galmudug, duullaanka millateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo baahida loo qabo in diirad saaridda in lasii wado qorshaha dhismaha dowladnimada Soomaaliya,” ayay tiri Gbeho.

Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee QM ayaa intii ay ku sugnayd Dhuusamareeb waxa ay booqatay goobta laga dhisayo xafiiskan cusub kahor intii aanay ka qaybgalin munaasabad ay Madaxwayne Qoor Qoor kula saxiixatay heshiiska dhulkan ay kiraysteen QM.

Hadda, QM waxay xafiisyo la mid ah midkan laga dhisayo Galmudug ku leeyihiin afar Maamul-goboleed ee kale oo kale oo ka tirsan Federaalka: Jubaland, Koonfur-galbeed, Hirshabeelle iyo Puntland.

 

Sawirro dheeri ah ka eeg halkan, albunkeena Flickr ka.