Hadal-qoraalka Af-hayeenka Xoghayaha-Guud – ee ku aadan aasaaska hawlgalka ku meel gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)

6 Apr 2022

Hadal-qoraalka Af-hayeenka Xoghayaha-Guud – ee ku aadan aasaaska hawlgalka ku meel gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)

New York - Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu soo dhoweynayaa asaaska dhowaan la asaasay Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS). Wuxuu mar kale ku celiyay sida hagar la’aanta ah ee Qaramada Midoobay ugu heellantahay Soomaaliya, wuxuuna muujiya taageerada buuxda ee uu la garab-taaganyahay ATMIS iyo ciidamada amniga ee Soomaaliya oo wado dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Xoghayaha-Guud wuxuu ku boorinayaa dhamaan saaxiibada bah-wadaagta ah inay si degdeg ah u xaqiijiyaan maalgelin waarta oo lagu tashan karo karo oo loo fidiyo ATMIS iyo kaabidda/xoojinta ciidamada amniga Soomaaliya si ay u taabba-geliyaan marxaladda kalaguurga amniga ee dalka. Wuxuu rajeynayaa inuu si dhow ula shaqeeyo Midowga Afrika, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan saaxiibada bah-wadaagta la ah si loo tageero la-wareegid muddeysan oo ciidamada amniga Soomaaliyeed ay kula wareegaan mas’uuliyadda amniga.

Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu ammaan usoo jeediyay guulaha la taaban karo ee uu gaaray Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) 15kii sano ee la soo dhaafay. Wuxuu u mahad-celiyay dalalka AMISOM ee ku deeqay ciidanka militari iyo booliis oo ay ka go’antahay horumarinta nabadda Soomaaliya, wuxuuna u tacsiyeeyay kuwii naftooda u huray arrintaas.

Stéphane Dujarric, Afhayeenka Xoghayaha-Guud