Wadahadalkii khadka taleefanka ee Xoghayaha-Guud uu kula yeeshay Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmajo’, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo kooban

11 Apr 2022

Wadahadalkii khadka taleefanka ee Xoghayaha-Guud uu kula yeeshay Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmajo’, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo kooban

New York - Xoghayaha-Guud ayaa 11ka Abriil, 2022 wuxuu khadka taleefanka kula xiriiray Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmajo’, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha-Guud ayaa muujiyay sida uu u garab taagan yahay dadka Soomaaliyeed ee wajahaya weerarada sii kordhaya ee Al-Shabaab, iyo abaaraha uu dalku ku jiro.

Sidoo kale, wuxuu muujiyay taageeradiisa ku aaddan Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), iyo rajada uu ka qabo in Soomaaliya ay sida ugu dhakhsiyaha badan u sugan doonto amnigeeda.

Xoghayaha-Guud iyo Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka wada hadlay geeddi-socodka doorashada Soomaaliya. Xoghayaha-Guud ayaa rajeynaya in si deg deg ah loo soo gabagabeyn doono geeddi-socodka doorashada iyo in arrimaha taagan lagu xalliyo wadahadal.