Hadal-qoraalka Af-hayeenka Xoghayaha Guud – ee ku aaddan Soomaaliya

24 Mar 2021

Hadal-qoraalka Af-hayeenka Xoghayaha Guud – ee ku aaddan Soomaaliya

New York -Xoghayaha-Guud wuxuu mar kale ku celinayaa walaaca xooggan  ee uu ka qabo is-mari-waaga siyaasadeed ee sii jiitamaya ee la xiriira qabsoomidda doorashooyinka Soomaaliya, in kasta oo dhowr jeer ay wadatashiyo dhexmareen jilayaasha siyaasadda ee Soomaaliya, ee heer farsamo iyo heer maamul intaba. Is-mariwaaga dabadheeraaday wuxuu khatar weyn ku yahay xasilloonida dalka iyo ladnaanta dadka Soomaaliyeed, kuwaa oo durba wajahaya xaalad bini’aadanimo oo aad u adag iyo xaalado amni oo aan sugnayn.

Xoghayaha-Guud wuxuu ku boorinayaa madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo dhamaan Dowladahaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah inay yeeshaan wadahadal oo ay si dhakhso leh u qabtaan shir-madaxeedka la qorsheeyay si shuruud la’aan ah, si ay u xalliyaan khilaafaadkooda ku aaddan geedi-socodka doorashada ayna wada-ogol uga gaaraan waddada loo marayo hore usii socoshada. Wuxuu soo dhaweynayaa sida ay uga go’antahay madaxda Soomaaliyeed meel-marinta hanaanka doorasho ee 17kii Sebtember, wuxuuna ugu baaqayaa inay si dhakhso leh ugu heshiiyaan hirgelin dhakhso leh oo la hirgeiyo hanaankaas iyo qabsoomidda doorashooyinka iyadoo aanu jirin dib-u-dhac dambe.

Xoghayaha-Guud wuxuu mar kale ku celinayaa sida ay Qaramada Midoobay uga go’antahay inay Soomaaliya ka taageerto nabadda, xasilloonida iyo barwaaqo kusoo dabaalidda.

Farhan Haq, Ku-xigeenka Afhayeenka Xoghayaha-Guud