Wafdi ka socday Qaramada Midoobay ayaa booqday Dhusamareeb si ay u wareejiyaan qalabka neef-siinta ee ogsijiinka, goobjoogna uga noqdaan daahfurka ololaha tallaalka COVAX oo ka billowday Galmudug

30 Mar 2021

Wafdi ka socday Qaramada Midoobay ayaa booqday Dhusamareeb si ay u wareejiyaan qalabka neef-siinta ee ogsijiinka, goobjoogna uga noqdaan daahfurka ololaha tallaalka COVAX oo ka billowday Galmudug

Dhusamareeb – Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shalay billaabay ololaha talaalka COVAX iyadoo tallaalkaasi ay qaateen Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Goboleedka, Cali Daahir Ciid, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal, iyo Wasiirka Caafimaadka, Dr. Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac, oo iyagu ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee qaatay tallaalka. Wakiilka Qaramada Midoobay ahna Isu-duwaha Gargaarka Bani’aadamnimada, Adam Abdelmoula, iyo Wakiilka Ururka Caafimaadka Adduunka u qaabilsan Soomaaliya, Dr. Mamunur Malik, ayaa goobjoog ka ahaa daah-furka oo qayb ka ahaa booqashadooda Dhushamareeb, iyagoo sidoo kale geeyay halkaas saddex agab oo tamarta ka dhaliya cadceedda oo ay ku wareejiyeen Wasaaradda Caafimaadka Galmudug.

In xarumaha caafimaadku ay helaan ogsijiinka caafimaadka ayaa muhiim u ah badbaadinta nolosha dadka, xaalad kasta oo caafimaad oo lagu suganyahay. Guud ahaan dunida waxaa aad ugu yar ogsijiinka caafimaadka, gaar ahaan dalalka dakhligoodu hooseeyo. Dhimashada dhallaanka iyo hooyada ee Soomaaliya ayaa ka mid ah kuwa ugu sarreeya adduunka.

Yareynta tiradaas waxay u baahantahay ka-go’naansho siyaasadeed oo dhiiranaan leh si loo hagaajiyo helitaanka adeegyo caafimaad oo tayo sare leh oo laga helo dalka,” ayuu yiri Md. Abdelmoula isagoo ku sugan xafladdii wareejinta [agabka]. "Iyadoo aan wax laga qaban farqiga u dhexeeya [kala-duwanaanta] helitaanka ogsijiinka caafimaad, kuma guulaysanayno in aan gaarno oo aan ka miro dhalinno arrinkaas."

Waxaa jira caddeymo heer caalami ah oo muujinaya in ogsijiinka ku shaqeeya tamarta cadceedda uu yareyn karo dhimashada caruurta la dhigo isbitaalada guud ee caruurta, iyo caruurta u dhinta cudurka oof-wareenka. Muddada fog, nidaamyada noocan oo kale ah waxay sidoo kale noqon karaan kuwo si aad ah u qiimo jaban marka loo eego oksijiinka caadiga ah ee ku jira koombada dhululubada ah.

Wafdiga ayaa maamulka Galmudug kala hadlay waxyaabaha hortabinta u leh Dowlad Goboleedka Galmudug, oo ay ka mid yihiin goldaloolooyinka ka jira daryeelka caafimaadka, xaaladaha bani’aadanimo iyo COVID-19. Md. Abdelmoula wuxuu maamulka ku amaanay horumarka ay ilaa iyo hada ku tallaabsadeen wuxuuna ku dhiiri-galiyay inay horumariyaan qorshahooda horumarineed ee ku suntan arrimaha hortabinta leh ee Qorshaha sagaalaad ee Horumarinta Qaran ee Soomaaliya  (NDP-9). Wuxuu sidoo kale ka codsaday mas’uuliyiinta inay sii wadaan la shaqaynta bulshada si loo xaqiijiyo qaadashada tallaalka COVID-19 iyo kor u qaadista ka wacyi-gelinta halista fayraska COVID-19 uu ku leeyahay bulshada dhexdeeda.