Hadal-qoraalka Af-hayeenka Xoghayaha-Guud – oo ku saabsan Wakiilka Sare ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

8 May 2021

Hadal-qoraalka Af-hayeenka Xoghayaha-Guud – oo ku saabsan Wakiilka Sare ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

New York – Xoghayaha Guud wuxuu soo dhaweynayaa magacaabista Mudane John Dramani Mahama oo u dhashay Dalka Ghana ah inuu noqdo Wakiilka Sare ee Midowga Afrika ee Soomaaliya wuxuuna muujiyay taageerada buuxda ee Qaramada Midoobay ee ku aaddan dadaalkan Midowga Afrika.

Wuxuu ugu baaqayaa dhammaan jilayaasha inay la shaqeeyaan Wakiilka Sare ee Midowga Afrika oo ay dib u bilaabaan wadahadallada ku saabsan hirgelinta Heshiiskii Doorashooyinka ee 17 Sebtember ee qabashada doorashooyin waqtigooda ku dhaca oo loo dhan yahay.

Stéphane Dujarric, Afhayeenka Xoghayaha Guud