Dowladda Federalka Soomaaliya waxa ay ballan qaaday in ay xoojiso sharciyada ilaaliya carruurta

17 Jun 2019

Dowladda Federalka Soomaaliya waxa ay ballan qaaday in ay xoojiso sharciyada ilaaliya carruurta

Muqdisho - Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Garsooka, Xassan Xuseen Xaaji ayaa xaqiijiyey in dowladdiisa ay ka go’antahay xoojinta sharciyada ilaaliya carruurta intii ay socotay munaasabad lagu xusayey Maalinta Cunugga Africa oo lagu qabtay caasimadda Soomaaliya.

Wasiir Xaaji waxa uu tiriyey tallaabooyinka ay Soomaaliya qaaday toddobadii sano ee la soo dhaafay si loo mamnuuco in carruurta loo qoro militariga Soomaaliya iyo kooxaha hubeysan iyo in la dhawro xuquuqda da’yarta iyada oo la meelmarinayo heshiisyada caalamiga ah sida Heshiiska Xuquuqda Cunugga.

Mudane Xaaji waxa uu fursadda uga faa’iideystay in uu Soomaaliya gudeheeda uga dhawaaqo ol’olaha la magac baxay “Qaad tallaabo aad ku ilaalineyso carruurta ay collaaduhu saameeyeen.” Ol’olaha waxaa daahfuray bishii April ee la soo dhaafay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud ee QM u qaabilsan Carruurta collaadaha hubeysan, Virginia Gamba.

 “Waxaan ka Dowladda Federalka Soomaaliya ahaan nafteena u qadimeynaa sidii aan sidan si ka wanaagsa ugu ilaalin lahayn carruurteena ay saameyeen colaadaha hubeysan,” ayuu xusay. “Tani la gaari maayo haddii aynaan si deg deg ah tallaabo wadajir ah u qaadin.”

Wasiirka waxa uu sidoo kale ugu baaqay baarlamaanka federalka in ay dardargaliyaan ansixinta sharciyada gaboodfalada galmadu lagu geysto kaas oo ay soo meel mariyeeen golaha wasiirada sanadkii tagay.

u xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Gudoomiyaha Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya, Simom Mulongo, waxa uu xusay taageerada uu Hawlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya (AMISOM) uu siiyo Ciidanka Soomaaliya ay ka dambeysay go’aankii ay ku dhiseen Waaxda Ilaalinta Cunugga. Waxa uu sidoo kale ugu baaqay dowlada federalka in ay ansixiso Axdiga Africa ee Xuquuqda iyo Badqabka Cunugga.

 “Haddii aayaha Soomaaliya uu ku tiirsan yahay wanaagga carruurta maanta, waxa ay noqoneysaa muhiim in ay helaan amniga ay u baahan yihiin, xuquuqdooda waxbarashada, daryeel caafimaad oo ku filan iyo xirfadaha ay ku gaari karaan riyooyinkooda la xiriira Soomaliya oo horumarsan mustaqbalka dhaw,” waxaa sidaas yiri Mudane Mulongo.

La taliyaha  sare ee UNSOM u qaabilsan Ilaalinta Cunugga Michael Ngabirano waxa uu ugu baaqay dowladda federalka ah in ay adkeyso nidaamyada dalka oo dhan ee lagu ilaaliyo cunugga iyo in ay xaqiijiso in kuwa ku xadgudba carruurta lala lagula xisaabtamo.

Munaasabaddii shalay waxaa soo qaban qaabiyey Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee federalka oo kaashaneysa Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga Gudaha iyo Cadaaladda iyo Arrimaha Garsooka.  AMISOM iyo UMSOM waxa ay bixiyeen taageerada dhaqaale iyo farsamo ee barnaamijka.

Maalinta Cunugga Africa waxaa la xusaa sanad walba iyada oo lagu xusuusanayo boqolaalka carruur ee lagu dilay magaalada Soweto ee Koonfur Africa 16-kii Juunyo 1976 xilli uu socday dibadbaxyadii looga soo horjeeday midabtakoorkii loo yaqaanay ‘Apartheid”.