Hadal-qoraalka Af-hayeenka Xoghayaha-Guud ee ku aaddan Soomaaliya

4 May 2022

Hadal-qoraalka Af-hayeenka Xoghayaha-Guud ee ku aaddan Soomaaliya

New York – Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee Al-Shabaab ay shalay ku qaadeen saldhig ciidamada Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ay ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Dhexe, Soomaaliya oo ay ku sugnaayeen ciidamamada nabad-ilaalinta ee Burundi.

Xoghayaha-Guud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dadkii lagu dilay, wuxuu sidoo kale tacsi u diray Dowladda iyo shacabka Burundi. Wuxuu caafimaad degdeg ah u rajeeyay inta dhaawaca ah.

Xoghayaha-Guud wuxuu bogaadiyay dhamaan ciidamada ATMIS, wuxuuna si kal iyo laab ah uga mahadceliyay adeeggooda iyo sida ay uga go’antahay nabad iyo amni kusoo dabbaalidda Soomaaliya.

Xoghayaha-Guud waxaa uu mar kale ka codsanayaa beesha caalamka inay dhamaan taageerada lagama maarmaanka ah la garab istaagaan ATMIS iyo ciidamada amniga Soomaaliyeed ee dagaalka ay ku jira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Stéphane Dujarric, Afhayeenka Xoghayaha-Guud