War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ku aaddan weerarkii loo geystay ATMIS

6 May 2022

War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ku aaddan weerarkii loo geystay ATMIS

New York - Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa si adag u cambaareeyey falkii argagixiso ee foosha xumaa ee Al-Shabaab ay ku qaadday xarunta jiidda hore ee Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ee degmada Ceelbaraf, gobolka Shabeellaha Dhexe, 3dii Maajo 2022. Waxay ka tacsiyadeeyeen xubnihii ka tirsanaa Ciidanka Difaaca Qaranka Burundi ee naftooda ku waayay iyagoo gacan ka geysanaya nabadeynta iyo xasillooni kusoo dabbaalidda Soomaaliya, waxayna tacsi tiiraanyo leh u direen qoysaska dhibanayaasha, dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Burundi, iyagoo sidoo kale u rajeeyay caafimaad deg deg ah dadkii ku dhaawacmay.

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay caddeeyeen taageeradooda buuxda ee ay la garab taaganyihiin dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ATMIS uga hor-tegayaan khatarta Al-Shabaab. Waxay hoosta ka xarriiqeen muhiimadda ay leedahay in la dhowro guulaha ilaa hadda laga diiwaan geliyay Soomaaliya iyo in kor loo qaado taageerada tayo-dhiska ah ee la siiyo Ciidamada Amniga  Soomaaliyeed iyo ATMIS.

Xubnaha Golaha Ammaanka waxay hoosta ka xarriiqeen in loo baahan yahay in lala xisaabtamo dembiilayaasha, abaabulayaasha, maal-geliyayaasha iyo isku-dubarideyaasha falalkaas argagixisanimada ah ee foosha xun, lana horkeeno cadaaladda. Waxay ku boorriyeen dhammaan Dowladaha, si waafaqsan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah iyo qaraarada Golaha Ammaanka ee khuseeya arrimahaas, inay si firfircoon ula shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan hay’adaha kale ee ay arrintu khusayso.

Xubnaha Golaha Amaanku waxay mar kale xaqiijiyeen in dhammaan noocyada iyo wajiyada  kala duwan ee argagaxisadu ay yihiin khatar weyn oo ku wajahan nabadda iyo amniga caalamiga ah. Waxay mar kale ku celiyeen in dhammaan falalka argagixisanimadu ay yihiin dambiyo, isla markaana aan qiil loo heli karin, iyadoo aan la eegaynin waxa kallifay, meel kasta oo ay ka dhacaan, goor kasta iyo cid kasta oo geysata. Waxay mar kale xaqiijiyeen baahida loo qabo in dhammaan Dawladuhu ay si kasta ula dagaallamaan, si waafaqsan Cahdiga Qaramada Midoobey iyo waajibaadyada kale ee hoos yimaada sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, sharciga caalamiga ah ee qaxootiga iyo sharciga caalamiga ah ee xilliyada colaadaha, [si ay ula dagaallamaan] khataraha ku wajahan nabadda iyo ammaanka caalamiga ah ee ay sababaan falalka argagixisanimo.

Xubnaha Golaha Ammaanka waxay mar kale adkeynayaan inay ixtiraamayaan gobannimada, madaxbannaanida siyaasadeed, wadajirka dhuleed iyo midnimada Soomaaliya.