Hadaljeedin uu Ku Simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay James Swan u jeediyey Golaha Amaanka ugana warbixiyay xaaladda Soomaaliya

24 Jun 2024

Hadaljeedin uu Ku Simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay James Swan u jeediyey Golaha Amaanka ugana warbixiyay xaaladda Soomaaliya

(Sidii looga jeediyey, New York, 24 Juun 2024) 

Mudane Madaxweyne, xubnaha sharafta leh ee Golaha,

Waad ku mahadsan tihiin fursadda aad ii siiseen in aan idiinka warbixiyo xaaladda Soomaaliya.

Waxaan ku faraxsanahay in aan warbixinta ka soo barbar-jeedinayo Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Souef Mohamed El-Amine. Waxaan amaanayaa geesinimada, ka-go’naanta hawsha, iyo nafhuridda ay ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa Modowga Afrika ay kaga qaybqaadanayaan xaqiijinta nabadda iyo amniga dalka.

Waxaan Soomaaliya ugu hambalyeynayaa in loo doortay xubin ka mid ah Golaha Ammaanka ee muddada 2025-2026.  Guushan ayaa muujineysa horumarka ay Soomaaliya soddonkii sano ee la soo dhaafey ka gaartey safarkii ay ugu jirtey ka-soo-kabashada colaadda.

Mudane Madaxweyne,

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay waddaa dadaalkii ay ku hiigsaneysey xaqiijinta arrimaha hortabinta koowaad u leh qaranka, oo ay ka mid yihiin geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka, hannaanka doorashada, iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Muddadii u dhaxaysey bilihii Febraayo iyo Maajo, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa uu ansaxiyey wax-ka-beddel dastuuri ah oo lagu sameeyey afarta cutub ee ugu horreeya ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee  2012-kii, kuwaas oo ku saabsan arrimo ay ka mid yihiin nidaakka dowladeed iyo hannaanka doorashooyinka, isagoo dib-u-xaqiijinaya sida ay Dowladda uga go’an tahay qaab doorasho qof iyo cod ah.

Intii uu socdey shirkii ugu dambeeyey ee Golaha Wadatashiga Qaranka, oo uu isugu yeeray Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud laga billaabo 14kii ilaa 17kii Maajo, ayna ka soo qaybgaleen hoggaamiyeyaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka (Dowlad-goboleedyada) marka laga reebo Puntland, ayaa hoggaamiyeyaashu waxay soo dhoweeyeen wax-ka-beddelka lagu sameeyey Dastuurka Ku-meelgaarka ah waxayna dhiirrigeliyeen in si degdeg ah shuruucda iyo xeer-nidaamiyeyaasha la halmaala loo meelmariyo si loo fududeeyo qabashada doorashooyin qof iyo cod ah. Qaar ka mid ah xubnaha mucaaradka iyo mas’uuliyiinta reer Puntland ah ayaa dhalleeceeyay geeddi-socodka loo marey iyo natiijada, isagoo Madaxweynaha Puntland uu ku dhawaaqey in Dowlad-goboleedku uu ka baxay hannaanka federaalka inta wadahadal ballaaran oo loo dhan yahay laga yeelanayo arrimaha dastuurka.

Baarlamaanka ayaa u madlan inuu u kuurgalo shuruucda muhiimka ah ee fududeynaya doorashooyin guud oo ay u codeeyaan dhammaan dadka uu sharcigu u oggol yahay (universal suffrage) iyo sidoo kale cutubyada xiga ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah inta uu ku guda jiro kal-fadhigiisa xilliga xagaaga. Wejiga xiga ee dib-u-eegista dastuurka waxaa lagu eegi doonaa arrimaha kakan, sida qaybsashada awoodaha iyo kheyraadka ee qaabka federaalka ee Soomaaliya. In dhammaan daneeyeyaasha si joogto ah wada-shaqeyn loola yeesho geedd-socod loo wada dhanyahay ayaa muhiim u ahaan doonta hubinta isafgarad ballaaran oo wadar-ogol ah oo laga gaaro arrimahan muhiimka ah ee qaran-dhisidda. Waxaan dhammaan daneeeyeyaasha Soomaalida ah ugu baaqayaa in ay ka wada shaqeeyaan xallinta khilaafaadkooda ayna badigoobaan isafgarad wadar-ogol ah.

Heer gobol ahaan, waxaan weli ka welwelsanahay Heshiiskii Is-afgaradka ee Itoobiya iyo “Somaliland” ee lagu dhawaaqay 1dii Jannaayo, kaas oo xiisado ka abuurey Geeska Afrika waqti ay gobolka haystaan xasarado kale. Waxaana xusuustaa in Golaha Amaanku uu marar badan xaqiijiyey in la ixtiraamo gobanimada, wadajirka dhuleed, iyo midnimada Soomaaliya. Waxaan Soomaaliya iyo Itoobiya ku dhiirrigelinayaa in ay arrintan ku xalliyaan qaab nabadeed oo waafaqsan mabaa’diidan ay dhigayaan Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah.

Mudane Madaxeyne,

Amniga ayaa mudnaan sare u leh Dowladda Soomaaliya, oo wadda dadaallo dhinacyo badan oo ay ku jebineyso Al-Shabaab. Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa weli u heellan in ay sii waddo weerarro argagaxisanimo iyadoo aan u aabo-yeeleynin nolosha dadka rayidka ah. Waa in mudnaan weyn la siiyaa ilaalinta dadka rayidka ah. Waxaan cambaareynayaa weerarradan argagaxiso waxaana tacsi u dirayaa qoysaska dadka la dilay.

Iyadoo weli wadda dadaallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab, ayaa haddana ATMIS waxaa ay sidoo kale ciidamadeeda u dhintey si waafaqsan qorshihii mas’uuliyadda amniga loogu wareejinayey ciidamada amniga Soomaaliyeed. Tan iyo bishii Juun 2023, shan kun oo ciidamada ATMIS ah ayaa ka baxay Soomaaliya waxaana la qorsheynayaa ciidan-dhimis kale toddobaadyada soo socda. Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa wada taageero dhinaca saadka ah oo uu siinayo ciidamada ATMIS ee dalka jooga iyo in uu fududeeyo in si nidaamsan loo fuliyo ciidamada dalka ka baxaya.

Dhinaca qorshaha amniga ee ka dib sannadka 2024ka, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa ay u socdaan wadahadallo ay ka leeyihiin hawsha qabanqaabada amniga ee sannadka 2025ka. Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika mudane Souef ayaa arrintaa faahfaahin dheeri ah kaga bixin doona warbixintiisa. Maaliyad-helidda ayaa ah culeys weyn, waxaana dhammaan xubnaha bahwadaagta ugu baaqayaa in ay hubiyaan maaliyad la isku halleyn karo oo waarta oo loo helo qabanqaabada xiga iyo sidoo kale dhaqaalaha lagama-maarmaanka u ah ATMIS, oo weli ay haysato dhaqaale yaraan ba’an.

Mudane Madaxweyne,

Dhinaca haweenka, Nabadda iyo Amniga, waxaan ka xusayaa ballanqaadyada lagu sameeyay dib-u-eegista Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee suuragelinaya in sharciyada lagu soo daro kootada haweenka si loo dammaanadqaado ka-qaybgalka siyaasadda ee haweenka iyo metelaadda macanaha leh ee ay ku yeelanayaan goobaha go'aan-qaadashada. Qaramada Midoobay waxay sii wadi doontaa in ay bixiso kaalmo farsamo oo loogu gol leeyahay suuragelinta hannaan doorasho daah-furan oo la isku halleyn karo iyo in dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ay ka wada-shaqeeyaan muhiimadda ay leedahay kordhinta iyo sharciyeynta ka-qaybgalka siyaasadeed ee haweenka. 

Waxaan soo dhaweynayaa in Baarlamaanka uu soo dhammeystiray Hindise-sharciyeedka Xuquuqda, kaas oo uu Madaxweynuhu taageeray oo qayb ka ah geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka ee socda.  Waxaa ku jira damaanadqaadyo muhiim ah oo ku saabsan xuquuqda carruurta iyo ka ilaalinta jarjaridda saxaaxa dheddiga/gudniinka ee haweenka iyo gabdhaha. Waxaan sidoo kale soo dhaweynayaa Dowlad-goboleedka Galmudug meel-marisay sharcigii ugu horreeyay ee mamnuucaya dhammaan noocyada jarjaridda saxaaxa dheddiga (gudniinka) in ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka ciribtirka tacaddiga ka dhanka ah haweenka.

Mudane Madaxweyne,

Xaaladda bani'aadamnimada ee Soomaaliya ayaa ah mid ba’an. Iyadoo tirada dadka u baahan gargaarka ay hoos uga dhacday 8.3 milyan sannadkii 2023 oo gaartay 6.9 milyan sannadka 2024, dhacdooyin cimilo, amni-darro iyo cudurro dillaacay oo la soo gudboonaaday ayaa uga sii daray baahiyaha gargaarka bani'aadamnimo. In ka badan 3.8 milyan oo qof ayaa barakacay. Qorshaha Wax-ka-qabashada Baahiyada Bani'aadamnimada Soomaaliya ee 2024 ayaa wuxuu u baahan yahay USD 1.6 bilyan, laakiinse bishii Juun 23, waxaa keliya la maalgeliyay boqolkiiba 24. Waxaan saaxiibada caalamiga ah ugu baaqayaa in ay bixiyaan maaliyadaha lagama maarmaanka ah si loo xaqiijiyo in gargaar la gaarsiiyo dadka aadka ugu baahan.

Caqabadaha bani'aadamnimada iyo horumarinta ee ay Soomaaliya wajahayso ayaa waxaa sii xoojiyay gilgilaadaha cimilada. Si wax looga qabto caqabadaha, maalgelinno lagu xoojinayo adkeysiga muddada-dheer ee bulshooyinka, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha ayaa lama huraan ah. Heerka ay hadda ku socoto, saameynta isbeddelka cimiladu waxay ka tallaabo dheeraynaysaa kartida aan u leenahay taageerida la-qabsiga iyo wax ka qabashada arrimaha bani'aadamnimada. Isbeddelka cimilada wuxuu kaloo sii xoojinayaa xiisadaha bulshada iyo colaadaha, gaar ahaan degaamada miyiga ah halkaasi oo nolosha dadku ay si aad ah ugu tiirsan yihiin kheyraadka dabiiciga ah.

Mudane Madaxweyne,

Marka la eego warqaddii horraantii bisha Maajo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u soo dirtay Golaha Amaanka oo ay kaga codsaneysay in UNSOM loo beddelo Kooxda Dalka, Qaramada Midoobay waxay wadahadallo kula jirtaa mas'uuliyiinta Soomaaliya si loo go'aamiyo qaababka iyo waqtiga kala-guurka. Tan iyo markii aan xilka la wareegay 23ka bishii Maajo, waxaan la kulmay hoggaanka ugu sarreeya Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Raysal Wasaaraha, Raysal Wasaare Ku-xigeenka, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, iyo kuwo kale, oo aan uga wadahadalnay arrintan si aan uga dhageysto aragtidooda ku aaddan sida ugu wanaagsan ee ay Qaramada Midoobay u taageeri karto mudnaanaha hortabinta u leh Soomaaliya wixii hadda ka dambeeya. Dhammaantoodu waxay sheegeen in ay doonayaan hannaan iskaashi ku dhisan si loo xaqiijiyo kala-guur nidaamsan. Sida ay mas'uuliyiinta Soomaaliyeed codsadeen, Guddi Farsamo Isku-dhaf ah oo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ka koobay oo ay hoggaaminayaan mas'uuliyiin sarsare oo ka socda labada dhinac ayaa la sameeyay si ay horey ugu sii wadaan hannaanka qorsheynta. Kulan horudhac ah ee Guddiga Farsamada Iskudhafka ah ayaa la qabtay 22kii Juun. In kastoo ay weli marayaan wajiyadoodii hore, wada-hadallada ilaa maanta waxay ahaayeen kuwo wanaagsan oo wax-ku-ool ah. Waxaan ka shaqeynaynaa fulinta codsiga Golaha Amaanka ee ah in Xoghayaha-Guud uu kala shaqeynayo mas'uuliyiinta Soomaaliya go'aaminta qaababka iyo waqtiga kala-guurta iyo inuu warbixin ka bixiyo wixii ku soo kordha dhammaadka bisha Agoosto.

Mudane Madaxweyne,

Waxaan jeclaan lahaa in aan ku soo gebagebeeyo anigoo mar kale ku celinayo sida ay Qaramada Midoobay uga go'an tahay in ay sii waddo taageerada ay Soomaaliya siiso si ay u gaarto waxyaabaha mudnaanta u leh.

Mahadsanidiin.