Mas'uuliyiin ka hadley halisaha argagaxiso ee sii socda iyo baahiyaha ba'an ee bani'aadamnimo ee ka jira Soomaaliya

25 Jun 2024

Mas'uuliyiin ka hadley halisaha argagaxiso ee sii socda iyo baahiyaha ba'an ee bani'aadamnimo ee ka jira Soomaaliya

New York – James Swan, madaxa Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa danjirayaasha siiyay warbixin kooban isagoo xusay in dowladda Soomaaliya ay mudnaan siineyso amniga iyo in ay dagaalyahnnada Al-Shabaab kula dagaalanto furimo badan.

“Dhinaceeda, Al-Shabaab ayaa weli ay ka go’an tahay in ay sii waddo weerarro argagaxisanimo iyada oo aan u aabo-yeeleynin nolosha dadka rayidka ah,” ayuu yiri. “Waxaan cambaareynayaa weerarradan argagaxisanimo waxaana tacsi u dirayaa qoysaska dadka dhintey.”

Mudane Swan wuxuu sheegay in ciidamada Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ay gobollada ka soo baxayaan taas oo qayb ka ah “qorshihii mas’uuliyadda amniga loogu wareejinayey ciidamada amniga ee Soomaaliya” iyaga oo taageero ka helaya Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya  (UNSOS). 

Wuxuu xusey in 5,000 oo ciidamada ATMIS ah ay Soomaaliya ka baxeen tan iy. 

Baahiyada bani'aadamnimada iyo isbeddelka cimilada

Mudane Swan, oo sidoo kale ah ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa xubnaha Golaha Ammaanka ku wargeliyay in xaaladda bani'aadamnimada ay weli tahay mid “ba'an.”

In ka badan 3.8 milyan oo qof ayaa weli ah barakacayaal iyadoo cimilo aad u ba’an, amni-darro iyo cudurro dillaacay ay sii kordhinayaan baahiyda loo qabo taageerada naf-badbaadinta ah.

Wuxuu sheegay in caqabadahan wax looga qaban karo maalgelin lagu xoojinayo “adkeysiga muddada-dheer” ee bulshooyinka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo dhaqaalaha.

“Heerka ay hadda ku socoto, saameynta isbeddelka cimilada ayaa waxay ka tillaabo dheeraynaysaa kartida aan u leenahay taageeridda la-qabsiga iyo wax-ka-qabashada arrimaha bani'aadamnimada,” ayuu yiri.

Mudane Swan ayaa ugu baaqay saaxiibada caalamka ah in ay bixiyaan maaliyado lagu haqabtirayo baahiyada bani'aadamnimada, maadaama Qorshaha Wax-ka-qabashada Baahiyada Bani'aadamnimada Soomaaliya ee 2024, oo u baahnaa lacag dhan $1.6 bilyan, markay ahayd maalintii axadda waxaa kaliya la maalgeliyay boqolkiiba 24.

Xiisadaha gobolka

Sidoo kale Mudane Swan, wuxuu warbixintiisa kooban ku xusey xiisadaha ka dhex taagan Itoobiya iyo Soomaaliya wuxuunna labada wadan ugu baaqay in ay  arrintan ku xalliyaan qaab nabadeed.

“Waxaan Soomaaliya iyo Itoobiya ku dhiirrigelinayaa in ay  arrintan u xalliyaan qaab nabadeed oo waafaqsan mabaa’diidan siyaadada iyo wadajirka dhuleed, ee ay dhigayaan Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah,” ayuu yiri.

Waxqabadyada ATMIS

El-Amine Souef, madaxa Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), ayaa sharraxaad ka bixiyay hawlgallada la-dagaalanka argagaxisada ee hadda socda.

Wuxuu danjirayaasha u sheegay in Al-Shabaab ay weli adkeysaneyso, isagoo tilmaamay weerraradii dhowaan ay ku soo qaadeen Ciidamada Amniga Soomaaliya ee ku sugan Dowlad-goboleedka Galmudug iyo xerada ATMIS ee ku taalla Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

“Kooxdu waxay weli awood u leedahay in ay soo qaado weeraro ba'an, oo ay ku jiraan adeegsiga xeelado dagaal aan toos ahayn, iyo abaabulka hawlgalo adag oo ay ku beegsanayaan bar-tilmaameedyo madani ah iyo kuwo amni,” ayuu yiri.

Madaxa ATMIS wuxuu sheegay in ciidamo 2,000 askari ah ay baxayaan dhammaadka bisha Juun 2024, iyo 2,000 ee harsanna ay baxayaan dhammaadka bisha Sibteembar 2024, taas oo ah qayb ka mid ah qorshaha mas’uuliyadda amniga ay ATMIS ugu wareejinayso ciidamada amniga ee Soomaaliya.

Mudane Souef wuxuu sheegay in uu soo dhaweynayo wareejinta mas’uuliyadaha amniga laakiin wuxuu xusay in hoggaamiyayaasha degaanka, bulshooyinka iyo dad kale ay muujiyeen walaac ku saabsan suuragalnimada “baahi loo qabo in la sugo amniga goobaha istiraatiijiga ah iyo adkeynta dhulka gacanta lagu hayo” iyadoo la kordhinayo tirada Ciidamada Amniga ee Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in si loo helo nabad waarta, amni iyo horumar ay Soomaaliya ku tallaabsato wixii ka dambeeya 2024-ka, loo baahan yahay kala-guur nidaamsan oo si habsami ah u socdo iyo sidoo kale, “ karti-dhisid, xoojinta hay’adaha amniga, la-dagaalanka Al-Shabaab iyo sugidda amniga kaabayaasha dhaqaalaha ee muhiimka ah.”

Xigasho: UN News