Hadaljeedintii uu Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabbilsan Soomaaliya James Swan u jeediyey Saxaafadda Magaalada Kismaayo

20 Sep 2022

Hadaljeedintii uu Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabbilsan Soomaaliya James Swan u jeediyey Saxaafadda Magaalada Kismaayo

[Sidii loo jeediyey]

Galab wanaagsan,

Waxa aan jeclaan lahaa in aan ku bilaabo aniga uga mahadcelinaya Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam‘Madoobe’ iyo kooxdiisa soo dhaweynta diirran ee ay maanta noogu sameeyeen Kismaayo. Waxa aan ka mahadcelineynaa wadashaqeynta joogtada ah ee u dhaxeysa maamulka Jubbaland iyo Qaramada Midoobay. 

Waftigeenu waxa uu isugu jiraa Wakiilka guud ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP), Jocelyn Mason, Wakiilka Hay’adda Cunnada iyo Beeraha (FAO), Etienne Peterschmitt, Wakiilka Dalka ee Sanduuqa Dadweynaha Qaramada Midoobay (UNFPA), Edward Adeniyi Ojuolape, iyo ku-xigeenka Agaasimaha Dalka ee Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP), Laura Turner.

Waxaa sharaf inoo ah in aanu madaxweynaha kala hadalnay mowduucyo dhowr ah oo la xiriira dhibaatooyinka beni’aadanimo, iyo baahiyooyinka horumarka iyo xaaladaha siyaasadeed iyo kuwa amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland iyo sida ugu wanaagsan ee aan u taageeri karno Jubaland.

Booqashadni waa mid ka mid ah booqashooyin dhowr ah oo aan ku tageyno Dowlad-goboleedyada si aan diiradda u saarno abaarta daba dheeraatay, oo ah tii ugu xumeyd muddo afartan sano ah ee waxyeeleysay oo baabi’isay meelo badan oo dalka ka mid ah. Halkan, Jubaland, abaartu waxa ay gaartay heerarka gurmadka degdegga ah loo baahdo ee sugnaanta la’aanta cuntada.

Iyadoo laga jawaabayo xaaladahan daran, waxa ay kooxda Qaramada Midoobay ay ka garab shaqeynayaan bahwadaagta gargaarka beni’aadanimo ee maxalliga ah iyaga oo si firfircoon ugu qareemaya kaalmo badan oo caalami ah si loo caawiyo wax-ka-qabashada xaaladda loogana hortago macluul ka dhacda halkan ee meelkasta oo Soomaaliya ka mida. Waxa aan ku boorrineynaa madaxda heer federal iyo heer dowlad goboleed in ay sii wadaan in ay ka wadashaqeeyaan wax-ka-qabashada biyo yarida iyo xaaladaha abaaraha ee daran, iyo in ay horumar dheeri ah ka sameeyaan amniga iyo dowladnimada si looga jawaabo baahiyaha dadka.

Arrinta gurmadka abaaraha waxaa dheer, waxa ay Qaramada Midoobay diyaar u tahay in ay Jubbaland ku taageerto dhisidda golayaasha degmooyinka, iyo sii wadidda dib-u-heshiinta gudaha Jubbaland. Waxa aan sidaa darteed boorrineynaa metelaadda ay mudan yihiin haweenka, dhallinyarada, iyo bulshooyinka laga tirada badan yahay ee dowladnimada iyo hoggaanka.

Mudane Madaxweyne, waxa aan markale si kal iyo laab ah kaaga mahadcelinayaa soo dhaweyntaada diiran. Bahda Qaramada Midoobay waxa ay ku rajo weyn yihiin sii wadidda in ay kula shaqeyaa adiga, kooxdaada, iyo shacabka Jubbaland maadaama aad dhiseysaan mustaqbal wanaagsan. 

Aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay.