Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo ka hadlay arrimaha Bini'aadannimo iyo kuwa siyaasadeed ee Jubaland

20 Sep 2022

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo ka hadlay arrimaha Bini'aadannimo iyo kuwa siyaasadeed ee Jubaland

Kismaayo – Horumarrada bini’aadannimo, amni, iyokuwa siyaasadeed oo ay ku jiraan dhismaha golayaasha degmooyinka ayaa ka mid ahaa waxyaabihii lagu soo qaaday wadahadalladii madaxda ugu sarreysa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya booqashadooda maanta Jubaland. 

Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa la kulmay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ‘Madoobe’, xubno ka tirsan maamulkiisa iyo wakiillo ka socday bulshada rayidka ah ee maxalliga ah.

Gurmadka Bini’aadannimo

“Booqashadni waa mid ka mid ah booqashooyin dhowr ah oo aan ku tageyno Dowlad-goboleedyada si aan diiradda u saarno abaarta daba dheeraatay, oo ah tii ugu xumeyd muddo afartan sano ah ee waxyeeleysay oo baabi’isay meelo badan oo dalka ka mid ah. Halkan, Jubaland, abaartu waxa ay gaartay heerarka gurmadka degdegga ah loo baahdo ee sugnaan la’aanta cuntada.” ayuu yiri Ergayga Gaarka ah oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Kismaayo.

Md. Swan waxa uu ka hadlay ka go’naanta  Qaramada Midoobay ee in ay sii wadeyso u qareemidda kaalmo dheeraad ah oo ka timaada deeq-bixiyayaasha caalamiga ah si looga hortago macluul ka dhacda Soomaaliya, isaga oo intaas ku daray in waxqabadkeeda bini’aadannimo ee bahda Qaramada Midoobay ay iska dhinac shaqeynayaan bahwadaagta gargaarka bini’aadannimo ee maxalliga ah.

“Waxa aan ku boorrineynaa madaxda heer federal iyo heer dowlad goboleed in ay sii wadaan in ay ka wadashaqeeyaan wax-ka-qabashada biyo yarida iyo xaaladaha abaaraha ee daran, iyo in ay horumar dheeri ah ka sameeyaan amniga iyo dowladnimada si looga jawaabo baahiyaha dadka,” ayuu sii raaciyay sarkaalka QM.

Sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee Xafiiska Isku-duwidda Arrimaha Bani’aadannimada ee UN OCHA, qiyaastii 7.8 milyan oo Soomaali ah ayay abaartu saameysay, iyadoo in ka badan 1 milyan oo qof ay ku barakaceen abaaro, iyagoo raadinaya cunto, biyo, daaq iyo nolol-maalmeed.

Warbixintu waxa ay sheegtay in Kismaayo ay martigeliso ku dhawaad 125,000 oo qof, kuwaas oo badankood ay abaartu soo barakicisay, badankoodna ku nool deegaano ciriiri ah oo leh biyo, nadaafad iyo goobo caafimaad oo xadidan. Gobolka Gedo ee Jubaland, xaruntiisa Garbahaarrey waxaa ku nool qiyaastii 1,800 oo qoysas oo barakacayaal ah.

Qorshaha wax ka qabashada bini’aadannimo ee Soomaaliya sanadkan waxa uu raadinayaa ku dhawaad 1.5 bilyan oo doolar si loo daboolo baahiyaha bini’aadannimo ee ugu daran ee ka jira dalka. Dhamaadkii Ogoosto, 65 boqolkiiba taas ayaa la helay. Si kastaba ha ahaatee, qaybaha muhiimka ah ayaa weli ah kuwo aan la maalgelin, baahiyuhuna waa sii kordhayaan..

Maamul loo dhan yahay

Md. Swan ayaa sidoo kale ka faa’ideystay fursadda uu Madaxweyne Madoobe iyo golihiisa wasiirrada kala hadlay arrimaha wadashaqayn federaalka iyo dowlad goboleedka oo xooggan, nabadda iyo dowlad-dhiska heer federaal iyo heer dowlad goboleed intaba. 

“Marka laga soo tago arrinta gurmadka abaaraha, waxa ay Qaramada Midoobay diyaar u tahay in ay Jubbaland ku taageerto dhisidda golayaasha degmooyinka, iyo sii wadidda dib-u-heshiinta gudaha Jubbaland,” ayuu yiri, Md. Swan.

Sarkaalka Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in laga wada qeyb qaato dhinacyada amniga, dib-u-heshiisiinta, horumarka dhaqaalaha iyo bulshada.

“Waxa aan sidaa darted boorrineynaa metelaadda ay mudan yihiin haweenka, dhallinyarada, iyo bulshooyinka laga tirada badan yahay ee dowladnimada iyo hoggaanka.”

Isagoo horraantii Sebteembar khudbad u jeedinayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Ergayga Gaarka ah wuxuu sheegay in Soomaaliya ay haweenku ku yar yihiin xilalka golaha wasiirrada iyo guddiyada baarlamaanka. Kaliya 13 boqolkiiba xubnaha golaha ayaa ah haween, iyo 21 boqolkiiba xubnaha guddiga baarlamaanka.

Intii ay ku guda jireen booqashadooda Md. Swan iyo wafdigiisa ayaa waxa ay la kulmeen wakiillo bulshada rayidka ah oo ay ka mid yihiin Ururka Jilayaasha aan dowliga ahayn ee Jubaland (JUNSAA), Ururka saxafiyiinta Jubbaland ee JAJ, Ururka midnimada haweenka Soomaaliyeed (SWSO) iyo Daladda Gabdhaha Soomaaliyeed ee Horumarinta (SOGUD).

Jubaland ayaa ugu dambeysay booqashooyin QM oo heer sare ah ee xiriir ah oo lagu tegayay dalka, iyadoo qeyb ka ah taageerada QM ee federaalka iyo dowlad goboleedyada, arrimaha bini’aadannimada, hor-tebinnada amniga iyo horumarka. Wakiilka ayaa ilaa hadda booqasho ku tagay Puntland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Md. Swan, oo sidoo kale ah Madaxa Xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), ayaa waxaa magaalada Kismaayo ku wehliyay Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta Barnaamijyada (UNDP) ee Soomaaliya, Jocelyn Mason; Wakiilka Hay'adda Cuntada iyo Beeraha (FAO) ee Soomaaliya, Etienne Peterschmitt; Wakiilka Dalka ee Sanduuqa Dadweynaha Qaramada Midoobay (UNFPA) ee Soomaaliya, Edward Adeniyi Ojuolape; iyo Ku-xigeenka Agaasimaha Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) ee Soomaaliya, Laura Turner.

Wafdiga ayaa mar kale ku celceliyay ka go’naanta Qaramada Midoobay ee sii wadida wadashaqeynta Madaxweyne Madoobe, kooxdiisa iyo shacabka Jubaland iyagoo dhisaya mustaqbal ka wanaagsan.