Hadalka Af-hayeenka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ku aaddan Soomaaliya

24 Feb 2018

Hadalka Af-hayeenka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ku aaddan Soomaaliya

Xog-hayaha Guud waxaa uu si adag u cambaareynayaa weerarradii 23-kii Febraayo ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ku naf-waayeen tiro badan oo dad rayid ah ayna ku dhaawacmeen qaar kale oo badan. Waxaa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska dadkii ku waxyeeloobay, iyo shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, waxaa uuna sidoo kale boogaadinaya jawaab celintii ciidamada ammaanka ee Soomaaliya iyo AMISOM.

Xog-hayaha Guud waxaa uu mar kale xaqiijinaya in Qaramada Midoobay ay si buuxda ugu taageerayso hay’adaha Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada iyo dadaalkooda ku aaddan in Soomaaliya ay noqoto dal nabad ah oo xasilloon.

Stéphane Dujarric, Af-hayeenka Xog-hayaha Guud

New York, 24 Febraayo.