War-saxaafadeedka Golaha Amaanka ee ku Saabsan Soomaaliya

25 Feb 2018

War-saxaafadeedka Golaha Amaanka ee ku Saabsan Soomaaliya

Xubnaha Golaha Amaanku waxay sida ugu kulul u cambaaraynayaan labadii weerar ee argagaxisada ahaa ee  ka dhacay magaalada Muqdishu 23kii Febraayo 2018ka, halkaasoo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad Somaaliyeed ee aan waxba galabsan.                                   

Xubnaha Golaha Amaanka waxay dareenkooda la wadaagayaan una tacsiyadaynayaan qoysaska dadkii ay dhibtu soo gaadhay, iyo sidoo kale dadka iyo Dowladda Somaaliya. Xubnaha Golaha Amaanku waxay inta dhaawaca ah u rajaynayaan inay si degdeg ah uga soo bogsadaan.

Xubnaha Golaha Amaanku waxay amaaneen tallaabada jawaabta/gurmadka degdega ah ee ay ciidamada amniga Somaaliya, AMISOM, iyo kuwa kale ee gurmadka degdegga ah ee ka qaybqaatay. Waxay Midowga Afrika iyo Dowladda Soomaaliya uga mahad celiyeen inay fureen baadhitaan lagu samaynayo dhacdadii u dhexmartay ciidamada Falcelinta Degdega ah ee AMISOM iyo Ciidamada Sirdoonka iyo Nabadsugidda Somaaliya (NISA) ee ka dhacday meel u dhow Barta Baarista Isgoyska KM4.

Xubnaha Golaha Amaanku waxay mar kale ku celiyeen in dhammaan noocyada iyo wajiyada argagaxisada ay yihiin mid ka mid ah khataraha ugu halista weyn ee horyaalla nabadda iyo amniga caalamiga.

Waxay Xubnaha Golaha Amaanku hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in cadaaladda la horkeeno kuwii geystay, kuwii soo abuubalay, kuwii maalgaliyay iyo kuwii ka dambeeyay falalkan argagaxisada ee gardarrada ah, waxayna ugu baaqeen dhamaan Dowladaha inay, si waafaqsan waajibaadkooda ku aaddan sharciga caalamiga ah iyo Qaraarrada Golaha Amaanka ee la xiriira, arrintan si firfircoon ugala shaqeeyaan Dowlada Soomaaliya iyo dhammaan hay’adaha kale ee ay khusayso.

Xubnaha Golaha Amaanku waxay ku celiyeen in falal kasta oo argagaxiso ahi ay yihiin dembi loona cudur daari karin, iyadoon la eegayn ujeedkooda, goobta, waqtiga iyo iyo cidwalba oo geysatay.

Xubnaha Golaha Amaanku waxay mar kale ku celiyeen baahida loo qabo in dhammaan Dowladuhu si kasta ula dagaallamaan khatarta ku wajahan nabada iyo amniga caalamiga ee ay keenaan falalka argagaxisada, iyadoo la raacayo Cahdiga Qaramada Midoobay iyo waajibaadka kale ee sharciga caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, sharciga caalamiga ah ee qaxoontiga iyo sharciga caalamiga ah ee bani aadantinimada xilliyada dagaallada.

Waxay Xubnaha Golaha Amaanku ammaan u soo jeediyeen dhammaan dhinacyada Soomaalida iyo kuwa caalamiga ah ee ka shaqaynaya sidii nabad iyo xasillooni loogu soo celin lahaa Soomaaliya. Xubnaha Golaha Amaanku waxay mar kale ku celiyeen sida ay uga go’antahay inay gacan ka gaystaan nabadda, xasiloonada iyo horumarka Soomaaliya. Waxay hoosta ka xariiqeen in weerarkan ama weerar kasta oo kale oo argagaxiso ahi aanu wiiqi doonin niyaddaas.

25ka Febraayo 2018