Hadalka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, ay warbaahinta u jeedisay intii ay ku guda jirtay socdaalkeeda Dhuusamareeb, Galmudug

15 Jul 2023

Hadalka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, ay warbaahinta u jeedisay intii ay ku guda jirtay socdaalkeeda Dhuusamareeb, Galmudug

Sida loo jeediyey

Mudane, Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor', 

Aan ku bilaabo in aan kaaga mahadnaqo soo dhoweyntii aadka u diiranayd ee aad u fidisay aniga iyo kooxdeyda. Tan iyo markii aan Soomaaliya imid horaantii bisha Juun, waxaan booqasho ku tagayey Dowlad-goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka; Runtii, waxay ahayd in aan halkan imaado bishii Juun, laakiinse Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh (Maxamuud) ayaa shir iigu yeeray maalintii ay ahayd in aan halkan imaado. Laakiinse waxaan ku faraxsanahay in aan hadda halkan joogo. 

Sida uu Madaxweynaha sheegayba, waxaannu yeelanay kulan bilow miro-dhal fiican  leh oo dhinacyo badan taabanaya. Waxaan bilownay in aan ka wadahadalno arrimaha qaranka iyo wadatashiyada kala duwan ee socda ee ku saabsan hannaanka Golaha Wadatashiga Qaranka. Waxaanna Madaxweynaha ku ammaanayaa sida ay uga go’an tahay wadatashiga ballaaran ee loo wada dhan yahay, oo ay ka qaybqaadanayaan bulshada rayidka ah, odayaasha, haweenka, iyo dhallinyarada, sababta oo ah aad iyo aad ayuu muhiim u yahay, inta ay Soomaaliya wado hannaankan dowlad-dhiska, in dadka Soomaaliyeed, hoggaamiyeyaasha mucaaradka, iyo dadka kaleba la isugu keeno wadahadal dhab ah, oo loo dhan yahay. 

Marka xigta, waxaan ka wada hadalnay horumarka ay Galmudug ka gaartey dimuqraadiyadda degaanka iyo u-diyaar-garowga, taas oo aan fahamsannahay in ay aad u horumarsan tahay, ee doorashooyinka degmooyinka  ee qof iyo codka ah. Qaramada Midoobey ayaa si buuxda uga go’an in ay Galmudug taageerto waxayna durba bilowday in ay kaagala shaqeyso u diyaar-garowga doorashooyinkan degaanka. 

Waxaan u gudubnay in aan ka wada-hadalno arrimaha nabadgeliyada ee halkan, waxaanna ku ammaanayaa Madaxweynaha shaqada uu qabtey si uu u abuuro deegaan xasiloon, oo ay ka mid tahay, dabcan, in uu Al-Shabaab dhul ka saarey, taas oo horumar fiican laga gaarey. Waxaan sidoo kale ka wadahadalnay muhiimadda ay leedahay in hawlgallada militeriga ah ay daba-socdaan dedaallo xasillin oo lagu xaqiijinayo in degaanku uu sii ahaado mid ammaan ah oo ay nabadgeliyo ka jirto, oo ay ka mid tahay, dabcan, in la helo ciidamado boolis ah. Waxaanna ku faraxsanahay in aan maqlo ciidamo boolis ah oo gaaraya 400 oo askari in hadda loo dhisay dowlad-goboleedka, waxaanna iga go’an in Qaramada Midoobey ay si buuxda uga soo qaybgasho ayna taageerto dedaalladan xasilloonida. In ciidamo boolis ah ay si joogto ah u  joogaan goobaha laga saarey Al-Shabaab iyo bixinta adeegyada aasaasiga ah ay ka dhalaneyso fursad ay dadka dib ugu dhisanayaan maciishadooda sababta oo ah aad iyo aad ayay muhiim u tahay in ay dadku ay arkaan in dowladdu ay diyaar u tahay in ay taageerto. 

Ugu dambeyntii, waxaan ka wadahadalney horumarka aadka muhiimka u ah ee aan ka gaarney in aan xafiis ay Qaramada Midoobey leedahay ka sameyno Galmudug. Waxaan hadda dhul ka helnay Xero Daroogo, oo ku yaalla halkan caasimadda ah, waxaanna isku-raacnay intii aan awoodno oo suurtagal ah in aan shaqada dedejino. Inkastoo aan horey kuula lahayn iskaashi aad u xooggan, waxaa iska cad in ay aad u fududaan doonto in aan sii adkeeyo iskaashigaasi iyo in Hay’adaha Kala duwan ee Qaramada Midoobey u qaabilsan, maaliyadaha, iyo barnaamijyadaba halkan laga helo iyo in iskaashiga la sii xoojiyo oo uu sii socdo.  

Waxaan mar kale leeyahay, Mudane, Madaxweyne, waad ku mahadsan tahay soo dhoweytaada, waxaanna rajeynayaa booqashooyin badan oo noocaan oo kale ah in aan mustaqbalka halkan ku imaan doonno.