Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan Soomaaliya ayaa booqasho ku tagtey Galmudug, waxayna u ballanqaadey in ay ka taageerayso dhinacyada dowlad-dhiska iyo amniga

15 Jul 2023

Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan Soomaaliya ayaa booqasho ku tagtey Galmudug, waxayna u ballanqaadey in ay ka taageerayso dhinacyada dowlad-dhiska iyo amniga

Dhuusamareeb – Mas’uulka ugu sarreeya hay’adda Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa maanta waxay booqasho ku tagtey dowlad-goboleedka Galmudug, halkaasi oo ay kula soo kulantey madaxda maamulkaasi si ay uga wada hadlaan mowduucyo ay ka mid yihiin dowlad-dhiska, amniga, dimuqraadiyadda degaanka iyo dhismaha xafiiska Qaramada Midoobey.

"Waxaan wada-yeelanay kulan bilow ah oo run ahaantii miro-dhal ah oo ku saabsannaa arrrimo dhinacyo badan taabanaya. Waxaan bilownay in aan ka wada hadalno arrimaha qaranka iyo wada-tashiyada kala duwan ee socda ee ku saabsan hannaanka Golaha Wadatashiga Qaranka,” ayay tiri Ergayga Gaarka Ah Ee Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobey U Qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing.

"Waxaan Madaxweynaha ku ammaanayaa sida ay uga go’an tahay in uu sameeyo wadatashi ballaaran oo loo dhan yahay, ayna soo qaybgalayaan bulshada qaybaheeda kala duwan sida bulshada rayidka ah, odayaasha, haweenka, iyo dhallinyarada, sababta oo ah aad iyo aad ayuu muhiim u yahay, inta ay Soomaaliya wado hannaankan dowlad-dhiska, in dadka Soomaaliyeed, hoggaamiyeyaasha mucaaradka, iyo dadka kaleba la isugu keeno wadahadal dhab ah, oo loo dhan yahay," ayay hadalkeeda ku sii raacisay.

Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan Soomaaliya ayaa hadalkan ka soo jeedisay kulan ay warbaahinta si wadajir ah uga soo qaybgaleen kana dhacay magaalada Dhuusamareeb, oo ah magaalo-madaxda dowlad-goboleedka, iyadoo uu ku wehliyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Madaxweyne Axmed Cabdi Qoorqoor,’ oo ay horey kulan u yeesheen.

Mas’uulka ugu sarreeya ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa sheegtay in wada-hadalladu ay ku saabsanaayeen fursad wax badan looga baranayo xaaladda amni ee ka jirta dowlad-goboleedka Galmudug iyo sidoo kale dedaallada xasallinta ee ka socda degaamada dhowaan Al-Shabaab laga saarey.

"Waxaan ka wada-hadalnay muhiimadda ay leedahay in hawlgallada militeri ay daba-socdaan dedaallo xasillin oo lagu xaqiijinayo in degaanku uu sii ahaado mid ammaan ah oo ay nabadgeliyo ka jirto, waxaanna ka mid ah, dabcan, in la helo ciidamado boolis ah.  Anigana waxaa iga go’an in Qaramada Midoobey ay si buuxda uga qaybgasho ayna taageerto dedaalladan," ayay tiri Marwo Laing.

“Ciidamo boolis ah oo si joogto ah u jooga goobaha laga saarey Al-Shabaab iyo bixinta adeegyada aasaasiga ah ayaa waxay keenaysaa fursad ay dadka dib ugu dhistaan maciishadooda sababta oo ah aad iyo aad ayay muhiim u tahay in ay dadku arkaan in dowladdu ay halkaa u joogto in ay taageerto,” ayay hadalkeeda ku dartey.

Wadahadallada ayaa sidoo kale lagu soo hadal-qaadey horumarka ay Galmudug ka gaartey  dimuqraadiyadda degaanka iyo u-diyaar-garowga doorashooyinka degmooyinka ee qof iyo codka ah.

"Qaramada Midoobey waxaa si buuxda uga go’an in ay Galmudug taageerto, waxayna durba kala shaqeysaa u diyaar-garowga doorashooyinkaasi degaanka,” ayay tiri Marwo Laing.

Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadashey dhismaha xafiiska Qaramada Midoobey ee Galmudug.

"Waxaan hadda dhul ka helnay Xero Daroogo, oo ku taalla halkan caasimadda ah, waxaanna isku-raacnay intii aan awoodno ee suurtagal ah in aan shaqada dedejino. Inkastoo aan horeyba u  wada-lahayn iskaashi aad u xooggan, waxaa iska cad in ay aad u fududaan doonto in aan sii adkeeyo iskaashigaasi iyo in Hay’adaha Kala duwan ee Qaramada Midoobey u qaabilsan, maaliyadaha iyo barnaamijyadaba halkan laga helo iyo in iskaashiga la sii xoojiyo oo uuna sii socdo,” ayay tiri Marwo Laing. 

Bishii Juun ee sannadkan, waxaa la bilaabey dhismaha muddada dheer la  wada-sugayey ee noqon doonna Xafiiska Qaramada Midoobey ee ku yaalla Xero Daroogo ee magaalada Dhuusamareeb. Galmudug waxay ahayd dowlad-goboleedka keliya ee aan Qaramada Midoobey (QM) xafiis ku lahayn, laakiinse tani hadda way isbeddeli doontaa, waxayna dhabbaha u xaari doontaa wada-shaqeyn iyo iskaashiyo badan, isuduwid wanaagsan, iyo in la xoojiyo bixinta barnaamiyada dowladda iyo dadweynaha Galmudug.

Hadda, bahda Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxay Galmudug ka taageertaa meel-fog waxayna u soo booqan jireen si joogto ah waxayna sii wadi doonnaan wada-shaqeynta joogtada ah ee ay la leeyihiin iyagoo u garab taagnaan doonnaan sidan ilaa iyo inta xafiiska laga furayo. Hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobey, ee u qaabilsan maaliyadaha iyo barnaamijyada ayaa horey u muujiyay in ay daneynayaan in hawlwadeenadooda iyo agabkoodaba ay geeyaan Galmudug marka xafiiska la dhiso.

Booqashada ay Ergayga Gaarka Ah Ee Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobey U Qaabilsan Soomaaliya ku tagtey Galmudug waxay qayb ka ahayd booqashooyinkeeda ee isbarashada hore ee ay ku tageysay dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka. Tan iyo markii ay timid ee horaantii bisha Juun, waxay booqatey oo ay wada-hadal la soo yeelatey madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada Puntland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland.