Hadalka Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya ee ku aaddan munaasabadda Ciidul Fitriga

16 Jul 2015

Hadalka Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya ee ku aaddan munaasabadda Ciidul Fitriga

Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, (SRSG) Nicholas Kay, ayaa salaan kal iyo lab ah oo ku aaddan munaasabadda Ciidda Soonfurka (Ciidul Fitriga) u diray dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan Ciid Mubaarak u dirayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda iyagoo u dabbaaldegaya Ciidda Soonfur ama Ciidul Fitriga. Iyadoo bisha barakeysan ee Ramadaan ay dhammaatay, waxaan xusuusanaynaa dadka danyarta ah ee aan haysan inta aan annagu haysano. Waxaan rajeynayaa in nabad iyo amni ay wada gaari doonaan Soomaaliya oo idil xilligan tamaashaadka ah. Ciid Wanaagsan!" ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.

Dhammaad.