Ku-xigeenka Cusub ee Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo Muqdisho soo gaaray

20 Jul 2015

Ku-xigeenka Cusub ee Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo Muqdisho soo gaaray

Muqdisho – Ku Xigeenka Cusub ee Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (DSRSG), Md. Peter de Clercq ee u dhashay dalka Netherlands, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho si uu xilkiisa uga billaabo Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM). Wuxuu sidoo kale noqon doonaa Isuduwaha Gargaarka Baniaadanimo iyo Wakiilka Barnaamijka Qaramada Midoobay ee Horumarinta (UNDP) u Jooga Soomaaliya.

Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah, DSRSG De Clercq, wuxuu Soomaaliya la imanayaa khibrad ballaaran oo uu u leeyahay maareynta geeddi socodyada siyaasadda, horumarinta hay’adaha amaanka, maareynta hawlgallada iyo xaaladaha degdegga ah, ilaalinta dadka rayidka ah iyo ku dhaqanka sharciga iyo kala dambeynta, iyo weliba abaabulka iyo maareynta kaalada baniaadanimo iyo ta horumarinta. Wuxuu sidoo kale waayo aragnimo hore u leeyahay Soomaaliya oo uu la taliye sare u ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (2012 to 2013).

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan helo fursadan aan ugu soo laabto Soomaaliya oo aan ku taageero dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed si ay u gaaraan mustaqbal nabad ah, xasilloon oo barwaaqo ah. Waxaa jira caqabado badan, laakiin waa inaan ka wada shaqeynaa inaan horey u sii wadno horumarka ay dadka Soomaaliyeed doonayaan inay arkaan,” ayuu yiri Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah DSRSG de Clercq.

Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah DSRSG de Clercq wuxuu bedelayaa Philippe Lazzarini ee u ka soo jeeda dalka Switzerland, oo dhammeystay hawshii uu ka hayay UNSOM, dhowaana dalka ka tagay si uu ugu biro Xafiiska Isuduwaha Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Lubnaan (UNSCOL).

Xoghayaha Guud ee QM ayaa magacaabay Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah DSRSG de Clercq bishii Juun 2015. Intaa ka hor, wuxuu ahaa Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Hawlgalka Xasilinta Qaramada Midoobay ee Haiti (MINUSTAH), wuxuuna ahaa Isuduwaha Qaramada Midoobay ee Gargaarka Baniaadanimo iyo Wakiilka UNDP u Jooga Haiti.
 

DHAMMAAD