Hadalka saxaafadda ee uu jeediyay Xog-Hayaha Guud ee QM dhammaadka booqashadiisa Soomaaliya

12 Apr 2023

Hadalka saxaafadda ee uu jeediyay Xog-Hayaha Guud ee QM dhammaadka booqashadiisa Soomaaliya

Mudanayaal iyo marwooyin ee bahda saxaafadda,

Waxaan jecelahay inaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dadka Soomaaliyeed uga mahadceliyo sida diiran ee la ii soo dhoweeyay.

Waxaan ku faraxsanahay inaan halkan ku soo laabto iyadoo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Tani waxay tahay anigoo sii wada dhaqankaygii sannadlaha ahaa ee booqashooyinka isgarabistaagga ee Ramadaanka, oo ka soo billaabatay waqtigii aan ahaa Wakiilka Sare ee Qaxootiga.

Sannad kasta, waxaa sharaf ii ah in aan booqasho ku tago dalalka Muslimka ah, oo aan si isgarabistaag/wadajir ah ula soomo oo aan casho afur ah la wadaago dadka aan u adeegno, oo maanta ku timid casumaad aad u xushmad weyn oo Madaxweynuhu ii fidiyay.

Waxaan si weyn ugu mahadnaqayaa dhammaan kuwii gacan ka geystay suurtagalinta booqashadan, oo ii oggolaaday inaan ku biiro waqtigan gaarka ah.

Inkastoo ay jiraan caqabado adag, haddana dadka Soomaaliyeed waxay sii wadaan inay muujiyaan awood iyo adkeysi aad u weyn.

Lixdii sanno ee la soo dhaafay tan iyo booqashadaydii hore, waxaan aragnay horumar laga gaaray xagga nabadda, amniga iyo horumarka waara.

Wadahadalladii aan shalay la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dowladda, waxaan kaga wada hadalnay sidii nidaamka Qaramada Midoobay uu u sii wadi lahayd taageerada Soomaaliya si loo sii ambaqaado horumarkan wanaagsan.

Waxaan bogaadiyay dadaallada Madaxweynaha ee ku aaddan horumarinta nabadda iyo amniga, waxaana aan hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in wadashaqeyn xooggan lala yeesho Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka si wax looga qabto khataraha ka imanaya Al-Shabaab.

Qaramada Midoobay waxaa ka go'an inay taageerto dadaallada heer qaran iyo heer gobol ee lagu ilaalinayo xuquuqda aadanaha laguna dagaallamayo argagixisanimada iyo xagjirnimada rabshadaha wata - oo ay ka mid tahay iyadoo loo marayo Howlgalka Kalaguurka Midowga Afrika.

Waxaan sidoo kale la kulmay wakiillada bulshada rayidka ah waxaana si qoto dheer ii dhiirigeliyay aragtidooda iyo tamartooda.

Saaxad rayid ah oo ammaan ah oo loo wada dhan yahay waxay lagama maarmaan u tahay maamul wanaaga waxayna gacan ka geysan kartaa ka hortagga iyo dhimista rabshadaha.

Ka-qaybgalka buuxa ee saaxadda siyaasadda oo ay ka qaybgalaan haweenka iyo dhallinyarada Soomaaliyeed - oo ay ka mid tahay dib-u-eegista dastuurka - ayaa lagama maarmaan ah.

Waxaan soo dhoweynayaa sida ay Dowladda uga go’an tahay xuquuqda iyo matalaadda haweenka waxaana ku baaqayaa in si buuxda loo dhaqan geliyo xeerna laga soo saaro qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ee doorashooyinka.

Mudanayaal iyo marwooyin,

Booqashadii iigu dambeysay ee aan Soomaaliya ku imaado sannadkii 2017 waxay aheyd markii uu socday howlgal bini’aadantinimo oo ballaaran oo looga hortagayo macluul.

Maantana, xaaladdu waxay mar kale tahay mid laga naxo.

Isbeddelka cimiladu wuxuu keenayaa fowdo.

Soomaaliya waxaa soo maray shan xilli roobaad oo liidata oo xiriir ah.

Tanina waa mid aan horay loo arag.

Abaar ba'an ayaa durba keentay dhimashada naxdinta leh ee 43,000 oo qof - sanadkii 2022 oo keliya.

Waxay horseeday barakaca 1.4 milyan oo Soomaali ah – iyadoo haweenka iyo carruurtu ay ka yihiin boqolkiiba 80.

Kor u kaca qiimaha cunnada ayaa si dabiici ah u sii xumeynaya gaajada iyo nafaqa-darrada.

Bulshooyinka saboolka ah iyo kuwa jilicsan ayaa abaartu ka dhigaysaa kuwo qarka u saaran macaluul.

Xaaladduna waa ay ka sii dari kartaa.

Inta u dhaxaysa hadda iyo bisha Juun, 6.5 milyan oo Soomaali ah ayaa la filayaa inay wajahaan heerar sare oo cunto yari.

Markaa, khatarta macaluusha ayaa weli soo fool leh.

Waxaana bogaadinayaa dhammaan kuwii ka shaqeeyay sidii macluusha looga baaqsan lahaa sannadkii 2022, laga soo billaabo Dowladda ilaa hay’adaha Qaramada Midoobay ilaa bulshada rayidka sida ay ugu guuleysteen in laga hortago macluusha sannadkii hore. Waa inaan sidaa oo kale sameynaa sannadkan.

Markaa, gargaar bini'aadantinimo oo degdeg ah ayaa loo baahan yahay in la gaarsiiyo dad gaaraya 8.3 milyan oo Soomaali ah.

Waa inaan hadda wax ka qabannaa si aan uga hortagno musiibo.

Shalay waxaan booqday magaalada Baydhabo, waxaana la hadlay qoysas ku xoolo beelay abaarta iyo amni darrada.

Waxaan aad uga qiirooday dhibaatada ay ku noolyihiin.

Waxa kaloon aad ula dhacay adkaysigooda, geesinimadooda iyo sida ay uga go’an tahay inay dib u dhistaan ​​noloshooda.

Laakiin keligood ma samayn karaan.

Halkan Soomaaliya, waxaan si adag ugu baaqayaa deeq bixiyayaasha inay garab istaagaan Soomaalida waqtiga ay u baahan yihiin. Beesha caalamka waxaa saraan mas’uuliyad waxayna dan ugu jirtaa inay Soomaaliya ku taageerto dhaqaalaha loo baahanyahay in lagu jebiyo Al-Shabaab, lagu dhiso adkeysiga laguna xasiliyo degaanada la xoreeyay iyo inay bixiso kaalmada bani’aadanimo ee aadka loogu baahan yahay.

Qorshaha Gurmadka Bani'aadamnimada ee 2023, oo lagu raadinayo 2.6 bilyan oo doolarka Mareykanka ah, ayaa la maalgeliyay boqolkiiba 15 oo keliya. Marka ay macluushu soo fool leedahay, tani marnaba lama aqbali karo. Beesha caalamku waa inay dardargelisaa oo ay si aad ah u kordhisaa xajmiga dhaqaalaha lagu taageero Soomaaliya waqtigan adag.

Waa wax aan la qaadan karin in Soomaalida, oo aan wax kaalin ah ku lahayn in la abuuro xasaradda cimilada, ay la ildaran yihiin saameynteeda xun - iyagoo hadda billaabaya inay ka soo baxaan sannado badan oo colaado iyo amni darro ah.

Mudanayaal iyo marwooyin,

Soomaaliya waxaa horyaala caqabado badan.

Laakin iyadoo lagu guda jira bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaan sidoo kale keenayaa fariin rajo iyo cusboonaysiin ah.

Qaramada Midoobay waxay midnimo iyo taageero la garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed.

Waa inaan isu nimaadno si aan u horumarinno nabadda iyo amniga, xuquuqul insaanka iyo horumar waara – oo aan mustaqbal wanaagsan u dhisno dhammaan Soomaalida.

Ramadaan Mubaarak, Ramadaan Wanaagsan!

Mahadsanidiin.

 

SU'AALO IYO JAWAABO
 

Su'aal: Su'aashaydu waxay ku saabsan tahay Soomaalida aan la hadlaynay, waxay leeyihiin, haa, waxay rabaan inay wax badan ka arkaan dhinaca gargaarka. Waadna ogtahay, waxaana sidoo kale ognahay inay jirto dulduleed xagga maalgelinta ah. Balse dad badan oo Soomaali ah ayaa sheegaya in ay doonayaan in ay arkaan tallaabooyin badan oo adkeysi dhisid ah. Sidee taasi ku dhici kartaa si ay Soomaalidu uga baaqsadaan abaartan iyo colaadaha soo noqnoqday ee aynu soo aragnay sannado badan.

Xoghayaha Guud: Waxaan aaminsanahay in dowladdu ay si buuxda uga go'an tahay qaadashada siyaasad aan daryeelin gargaarka bini'aadantinimo oo keliya, laakiin daryeesha dhisidda adkeysiga si loo abuuro xaalado kor loogu qaadayo horumar waara ee bulshooyinka. Laakiin taasi, dowladda iyo dhammaan hay’adaha ka shaqeeya Soomaaliya waxay u baahan yihiin taageero dhaqaale. Sida aan sheegayna, waa wax aan marnaba la aqbali karin in ilaa hadda, marka la eego baaqa bini'aadantinimada ee la jeediyay, boqolkiiba 15 oo keliya dhaqaalaha la keenay. Codsigayga xooggan ee aan u jeedinayo beesha caalamka waa in si degdeg ah loo dardargeliyo si aan loo buuxiyo baahiyaha bini'aadantinimo, sidoo kalena la helo dhaqaalaha loogu baahan yahay siyaasad horumarineed oo waarta oo dhab ah, oo ku salaysan abuurista xaalado adkeysi ee bulshooyinka ay abaaruhu saameeyeen. Mar kale ayaan ku celinayaa, Soomaaliya dhab ahaantii kama qayb qaadato isbeddelka cimilada, laakiin Soomaaliya waxay ku jirtaa safka hore ee saamaynta taban ee isbeddelka cimilada. Haddaba, mas’uuliyad ballaaran ayaa saaran kuwa qiiqa ugu weyn ku sii daaya cimilada waxayna ka saaran tahay inay si buuxda u taageeraan Soomaaliya xilligan dhibaatada ah.

Su'aal: Su'aashaydu waxay tahay, sidee ayay Qaramada Midoobay u kala hortebinaysaa, ama halbeeggee ayay ku cabbiraysaa ummaddee u baahan gargaar bani'aadamnimo oo ka badan kuwa kale? Tan iyo sidii dagaalkii Bosnia ee 1992-kii, qalalaasaha siyaasadeed ee hadda ka dhex taagan Ukraine iyo Ruushka waxaad mooddaa in ay indhaha caalamka u weeciyeen Yurub, marka loo eego Soomaaliya oo hadda abaar ka jirto.

Xoghayaha Guud: Dhibaato badan ayaa ka jirta Ukraine oo wax qabad bini'aadantinimo ayaa dabcan looga baahan yahay Ukraine. Laakiin sidaas oo kale ayaa ka dhacda Soomaaliya, mid la mid ah ayaa ka dhacda Saaxil, sidoo kale Yemen ayaa ka dhacda. Markaa, waa udub dhexaad in la tixgeliyo qof kasta oo dhib ku jiro, qof kasta oo dhibban, inuu xaq u leeyahay in uu helo daryeel isku mid ah oo loo eegeynin meesha ay joogaan.

Su’aal: Mudane Guterres, ku soo dhowoow Soomaaliya. Waxaan qabaa laba su'aalood, mid waxay ku saabsan tahay wax aad ka sheegtay Soomaaliya, oo ah inaysan ka qaybqaadanin sii deynta qiiqa cimilada. Dabcan, waxaa haysatdhibaatada isbeddelka cimilada. Haa, Soomaaliya wax ka yar 0.03 qiiq ah ayay ku sii deysaa cimilada, waxayna bixinaysaa qiimaha dalalka kale abaarta darteed. Ma laga yaabaa inuu jiro hindise Qaramada Midoobay oo magdhow laga siiyo waxyeelada ay dalalka kale u geysteen Soomaaliya? Su'aasha labaadna waxay ku saabsan tahay cunaqabateynta hubka, dad badan ayaa aaminsan in laga yaabo in Soomaaliya aysan diyaar u ahayn qaadista cunaqabateynta hubka. Waa maxay mowqifkaaga arrintaas?

Xoghayaha Guud: Marka la eego su'aasha koowaad. Shirweynaha Dowladaha Xubnaha, oo loogu yeero COP27 ee ka dhacay magaalada Sharm al-Sheekh ee dalka Masar, ayaa lagu ansixiyay sameyta Sanduuqa Khasaaraha iyo Dhibaatada. Ujeedada Sanduuqa Khasaaraha iyo Dhibaatada ayaa ah in si sax ah loo taageero dalalka sida weyn u saameeyay isbeddelka cimilada. Waxaan hadda ku guda jirnaa marxaladda dejista shuruudaha Sanduuqa lagu meel-marin karo, waxaana rajeyneynaa in sida ugu dhaqsaha badan loo hirgeliyo. Waxaa jira koox dalal ah oo loo xilsaaray mas'uuliyaddaas, QM-na waa taageereysaa dadaalkaas. Waxaan u baahannahay inaan sida ugu dhaqsaha badan u yeelanno Sanduuqa Khasaaraha iyo Dhibaatada inuu hawlgalo sababaha aad sheegtay dartood. Su’aasha labaad ee […]

Su'aal: Su'aasha labaad waxay ku saabsan tahay qaadista cunaqabateynta hubka.

Xoghayaha Guud: Taasi waa arrin ay go'aan ka gaari doonaan xubnaha Golaha Ammaanka. Ma aha Xoghayaha Guud ama Xoghaynta cidda awood u leh faragelinta arrintan. Waxa keliya ee aan ka marag kacayo ayaa ah in aan arkay wax qabad muuqda oo ay Dowladda Soomaaliya ku dhiseyso tayada ciidanka milatariga, ciidamadeeda amniga oo ka gaartay guulo aan aragnay bilihii la soo dhaafay, iyo in dadaallada hadda lagu dhisayo awood dheeraad ah oo la xiriirta hawlgallada soo socda ayaa loo baahan yahay in beesha caalamku ay taageerto.

Su’aal: QM waxay sheegtay inay u baahan tahay 2.6 bilyan oo doolar si loo badbaadiyo dadka Soomaaliyeed. Ma helayseen lacagtan? Waa maxay caqabadda ugu muhiimsan ee xaaladdan?

Xoghayaha Guud:  Caqabadda ugu horeysa, dabcan, waa in la xaqiijiyo inaan ka baaqsano macluusha mar kale 2023, taasina, dabcan, waa arrin mudnaan aad u muhiim ah leh. Laakiin kuma sii socon karno oo keliya bixinta gargaarka bini'aadantinimo. Waa inaan, waa inaan wax ka qabannaa sababaha asaasiga ah. Markaa, waa in aan isla mudnaanta degdegga ah oo kale siinaa tallaabooyinka loo baahan yahay si loo dhiso adkeysiga bulshooyinka ee la xiriira kaabayaasha dhaqaalaha, ee la xiriira isticmaalka ugu wanaagsan ee biyaha, ee la xiriira suurtagalnimada in la abuuro xaalado ay bulshooyinka ku istaagi karaan oo ay awood u leeyihiin in ay wax u qabtaan xubnahooda, si ka madax bannaan xaaladda cimilada ee jirta. Waxayna tani u baahan tahay maalgashi, maalgashigaasina wuxuu u baahan yahay taageero xooggan oo beesha caalamka ka hesho. Taasi waa sababta aan u codsaneyno gargaar bini'aadantinimo. Laakiin waxaan sidoo kale codsaneynaa in la taageero Dowladda Soomaaliya si ay u abuurto shuruudaha dhisidda adkeysiga bulshooyinka iyo abuurista aasaaska horumar waara, taas oo macnaheedu yahay in wax laga qabto sababaha asaasiga ah.

Waad mahadsantihiin.

Ramadaan Kariim ama Ramadaan Mubaarak!