Qaramada Midoobay ayaa salaan diiran u diraysa dhammaan dadka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidul Fidriga

20 Apr 2023

Qaramada Midoobay ayaa salaan diiran u diraysa dhammaan dadka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidul Fidriga

Muqdisho – Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay salaan diiran iyo hambalyo u diraysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidul-Fidriga awgeed.

“Annagoo soo gaarnay dhamaadka bisha barakeysan ee Ramadaan, Qaramada Midoobay waxay shacabka Soomaaliyeed u rajaynaysaa Ciidul Fidri nabad iyo badqab ah iyagoo u dabaaldegaya xilligan gaarka ah ee wadajirka,” ayey tiri Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho.

"Qiimaha ay xambaarsantahay bisha Ramadaan – laga billaabo fikir qotodheer ilaa dib-u-heshiisiin, laga billaabo samafalka ilaa wadajirka - waxay sidoo kale xambaarsantahay horumarka Soomaaliya waxaana sidaa la wadaagta Qaramada Midoobay," ayay raacisay. "Waxaa naga go'an inaan taageerno Soomaalida iyagoo hormariya arrimaha mudnaanta u leh qarankooda. Ciid Wanaagsan.”