Hadallada Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing ay warbaahinta u jeedisay intii ay ku jirtay socdaalkeeda ay ku tagtay magaalada Kismaayo ee Jubbaland

17 Jun 2023

Hadallada Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing ay warbaahinta u jeedisay intii ay ku jirtay socdaalkeeda ay ku tagtay magaalada Kismaayo ee Jubbaland

Sida loo jeediyey

Aad baad ugu mahadsan tahay Mudane Madaxwayne soo dhoweynta aadka u diiran ee aad adiga iyo maamulkaaga iigu sameyseen halkan oo ah Kismaayo, Jubaland.

Farxad wayn ayey ii tahay inaan dib ugu soo laabto Kismaayo. Waxaan halkan u joogey howlgalkii hore ahaa ee Qaramada Midoobey bartamihii 1990-meeyadii, halkaas oo aan booqasho aad u wanaagsan ku tegey dekedda iyo meelo la mid ah. Markaa, runtii waa wax cajiib ah in aan soo noqdo.

Waxaan soo gabagabaynayaa labadii todobaad ee ugu horreeysey doorkayga ah Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ugu qaybsan Soomaaliya, kanina waa midkii ugu ugu dambeeyey safarradaydii aan ku tagayey dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka. Waxaan dhowaan u safri doonaa magaalada New York si aan u jeediyo wabixintaydii ugu horreysay ee Golaha Ammaanka oo aan gudbinayo 22-ka Juun. Sidaas darteed, waxaa mid waxtar wayn leh ah inaan si toos ah u dhegeysto madaxwaynayaasha dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka si aan u fahmo goobaha hor-tebinnada u leh iyo waxa ay ka doonayaan Qaramada Midoobay.

Waxa aan marka hore ka hadalnay amniga, horumarka la soo sameeyay, dib u soo celinta degaannada ay maamulayeen Al-Shabaab, iyo sida dhab ahaan ay  muhim u tahay in la raaciyo xasilin. Waxaana iga go’an in aan xaqiijiyo in QM  ay si buuxda u baritaarayso ujeedooyinkaas si loo sugo amniga aagga la xoreeyey si joogto ah iyo inay lala yimaado adeegyada aasaasiga ah si ay dadka uga caawiyaan dib u dhiska noloshooda iyo dib u soo celinta kalsoonida bulshada.

Marka xigta, waxaan ka hadalnay xaaladda bani’aadannimo, taasoo weli halkan ka ah mid aad u daran. Waxaa jira arrimo gaar ah oo ku saabsan gaaritaanka qaybo ka mid ah dowlad goboleedkan. Laakiin si kastaba ha ahaatee, Qaramada Midoobay waxaa ka go'an inay isku daydo oo ay keento taageero naf-badbaadin ah iyadoo aan sidoo kale eegayno xalalka mustaqbalka fog ee ku saabsan isbedelka cimilada.

Kadibna, ugu dambayntii, waxaan ka hadalnay siyaasadda, halkan maxalli ahaan iyo heer federaalba. Waxa aanan madaxweynaha ka dhageystay istiraatijiyaddiisa ku aaddan la shaqaynta gobolka Gedo si uu isugu dayo hubaal ka dhigista inuu ka sii mid ahaado dowlad-goboleedka iyo in dhammaan ay ka wada shaqaynayaan taageerada shacabka Jubbaland. Kadibna, madaxwaynuhu waxa uu  ii sharraxay kaalinta uu ka qaadanayo Golaha Wadatashiga Qaranka iyo muhiimadda ay wadatashiyadaasi u leeyihiin, sidii shacabka loo gaarsiin lahaa hannaan wada tashi ah oo loo dhan yahay oo ay Puntland ku jirto, si dalku uu u dhamaystiro safarkiisa muhimka u ah dhisidda dowladnimada iyo nabadaynta, iyo dib u dhiska dalka si ay uga faa’iidaystaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed. Kaddibna, ugu dambayntii, waxaan mar kale dib u ballanqaaday doorka QM iyo xafiisyadeeda wanaagsan, [iyo sidoo kale] barnaamijyada horumarineed ee lagu taageerayo dadka reer Jubaland.

Aad iyo aad ayaan markale ugu mahadsan tahay, Md. Madaxwayne, soo dhoweyntaada aadka u diiran.