Iyadoo socdaal ku joogta Jubaland, ayey Ergayga Gaarka ah ee QM ee cusub waxa ay dib u xaqiijisay balanqaadka iyo taageerada hay’adda caalamiga ah

17 Jun 2023

Iyadoo socdaal ku joogta Jubaland, ayey Ergayga Gaarka ah ee QM ee cusub waxa ay dib u xaqiijisay balanqaadka iyo taageerada hay’adda caalamiga ah

Kismaayo – Iyadoo soo gabagabeynaysa socdaalkeedii xiriir ahaa ee ugu horeeyay ee ay ku tagtay Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayey mas’uulka ugu sarreeya ee cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, waxay maanta booqatay Jubaland, halkaas oo ay kula kulantay hoggaankeeda si’ ay ugala hadasho arrimo ay ka mid yihiin taageerada Qaramada Midoobay ee dowlad dhiska, amniga iyo xaaladda bani’aadannimo.

“Kani waa midkii ugu dambeeyey safarradaydii aan ku tagayey dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka. Waxaan dhowaan u safri doonaa magaalada New York si aan u jeediyo wabixintaydii ugu horreysay ee Golaha Ammaanka oo aan gudbinayo 22-ka Juun. Sidaas darteed, waxaa mid waxtar wayn leh ah inaan si toos ah u dhegeysto madaxwaynayaasha dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka si aan u fahmo goobaha hor-tebinnada u leh iyo waxa ay ka doonayaan Qaramada Midoobay,” ayey tiri Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing.

“Waxaan mar kale dib u ballanqaaday kaalinta QM iyo xafiisyadeeda, iyo sidoo kale barnaamijyada horumarineed ee lagu taageerayo dadka reer Jubaland,” ayey hadalkeeda sii raacisay.

Ergayga Gaarka ah ee QM ayaa hadalkan ka jeedisay kulan ay si wadajir ah warbaahinta magaalada Kismaayo ugu qabatay, iyadoo ay weheliyaan madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam ‘Madoobe’ Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad goboleedka Xubinta ka  ah Dowladda Federaalka, Maxamuud asaid Aadan,  oo ay mar sii horreysay kulan la qaadatay.

Mas’uulka ugu sarreeya Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in wadahadallada ay ahaayeen fursad wax badan looga ogaanayay xaaladda ammaan ee Jubaland, iyo sidoo kale dadaallada xasilinta ee  deegaannada dhowaantan dib loo soo celiyay.

“Waxa aan marka hore ka hadalnay amniga, horumarka la soo sameeyay, dib u soo celinta degaannada ay haysteen Al-Shabaab, iyo sida dhab ahaan ay muhim u tahay in la raaciyo xasilin. Waxaana iga go’an in aan xaqiijiyo in QM ay si buuxda u baritaarayso ujeedooyinkaas si loo sugo amniga aagga la xoreeyey si joogto ah iyo inay lala yimaado adeegyada aasaasiga ah si ay dadka uga caawiyaan dib u dhiska noloshooda iyo dib u soo celinta kalsoonida bulshada,” ayey tiri Marwo Laing.

Wadahadallada ayaa sidoo kale lagu milicsaday xaaladda bani’aadannimo. Sida laga soo xigtay Xafiiska QM u qaybsan Isku-duwidda Hawlaha Samafalka Bani’aadminnimo ee OCHA, fatahaado ay sababeen roobabkii ugu dambeeyay ayaa si’ ba’an u saameeyay qaybo kala duwan oo dalka ah oo ay ka mid tahay degmada Baardheere ee ku taalla Jubaland.

“Waxaan ka hadalnay xaaladda bani’aadannimo, taasoo weli halkan ka ah mid aad u daran. Waxaa jira arrimo gaar ah oo ku saabsan gaaritaanka qaybo ka mid ah dowlad goboleedkan. Laakiin si kastaba ha ahaatee, Qaramada Midoobay waxaa ka go’an inay isku daydo oo ay keento taageero naf-badbaadin ah iyadoo aan sidoo kale eegayno xalalka mustaqbalka fog ee ku saabsan isbedelka cimilada,” ayey tiri Marwo Laing.

Fatahaaduhu waxa ay maasheeyeen guryo iyo dhul beereed, waxa ay cagta mariyeen xoolihii, waxa ay si ku meel gaar ah u xireen dugsiyadii iyo rugihii caafimaadka, waxa kale oo ay burburiyeen wadooyin. Fatahaaddan ayaa kusoo beegantay xilli Soomaaliya ay la daalaadhaceyso abaaro ba’an.

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ka hadashay la shaqaynta siyaasadeed ee hoggaanka Jubaland ee heer dowlad goboleed, oo ay ku jirto ka shaqaynta  dowlad goboleedka Xubinta ka ah dawladda Federaalka ee arrimaha gobolka Gedo, iyo heer Federal.

“Madaxwaynuhu waxa uu  ii sharraxay kaalinta uu ka qaadanayo Golaha Wadatashiga Qaranka iyo muhiimadda ay wadatashiyadaasi u leeyihiin – sidii shacabka loo gaarsiin lahaa hannaan wadatashi ah oo loo dhan yahay oo ay Puntland ku jirto, si dalku uu u dhamaystiro safarkiisa muhimka u ah dhisidda dowladnimada iyo nabadaynta, iyo dib u dhiska dalka si ay uga faa’iidaystaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed… Waxaan mar kale dib u ballanqaaday doorka QM iyo xafiisyadeeda wanaagsan, iyo sidoo kale barnaamijyada horumarineed ee lagu taageerayo dadka reer Jubaland,” ayey tiri Marwo  Laing.

Intii ay ku sugnayd magaalada Kismaayo, Ergayga Gaarka ah ee QM waxa ay sidoo kale la kulantay shaqaalaha QM ee halkaas ka hawlgala  iyo Nabad-ilaaliyeyaasha ku halwgala magaca Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS.

Wax yar uun ka dib markii ay laba todobaad ka hor soo gaartay Muqdisho, waxay la kulantay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre. Kadibna waxa ay socdaallo ku kala bixisay Hirshabeelle, Puntland iyo Koonfur Galbeed.

Marwo Laing ayaa xilka loo magacaabay bishii Maajo ee sanadkan. Magacaabisteeda Soomaaliya ka hor waxa ay xilal kala duwan ka soo qabatay dowladda Boqortooyada Ingiriiska, iyo iyadoo laga soo billaabo sanadihii 1993 ilaa 1994 ka soo shaqeysay waaxda horumarinta ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.