Hadallada Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan soomaaliya, Catriona Laing, ay warbaahinta u jeedisay intii ay ku jirtay socdaalkeeda ee ay ku tagtey Galmudug

12 May 2024

Hadallada Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan soomaaliya, Catriona Laing, ay warbaahinta u jeedisay intii ay ku jirtay socdaalkeeda ee ay ku tagtey Galmudug

Sida loo jeediyey

Galab wanaagsan mar kale, Mudane Madaxweyne.

Farxad weyn bey ii tahay in aan Galmudug joogo, waxaanna adiga iyo kooxdaadaba idinkaaga mahadcelinayaa sida diirran ee aad u soo dhoweyseen aniga iyo kooxdeyda QM.

Waxaan ku guda jiraa geboggabada hawshii aan Soomaaliya u joogay, iyadoo ay tahay waqti uu jiro mashquul ayaa haddana waxaan dhab ahaantii doonayey in aan shakhsi ahaan u imaado Galmudug dhawr sababood awgood.

Mid ka mid ah sababahaasi waa halkan Galmudug in aan ka dhiseyno xafiis, gaar ahaan magaalada Dhuusamareeb, waxaanna saaka fursad u helnay in aan booqanno horumarka uu dhismahaasi gaarey iyo sida wanaagsan ee uu u socdo. Marka wuxuu noqon doonnaa xafiis ay UNSOM maamusho, wuxuunna sidoo kale noqon doonnaa xafiiska Kooxda Dalka ee QM, UNICEF, Barnaamijka Cuntada Adduunka/World Food Programme iyo kuwa kale oo doonaya in ay sii xoojiyaan iskaashiga ay la leeyihiin Galmudug, taasina waa muhiimadda uu leeyahay xiriirka – waa iskaashi xooggan oo aan gacan kugu taageerayno ahdaaftaada wax-u-qabashada dadka Galmudug.

Sababta labaad ee aan halkan u imid waa u dabbaaldega guusha runtii cajiibka ah, maadaama Galmudug ay tahay Dowlad-goboleedkii ugu horreeyay ee meelmariya sharci mamnuucaya dhammaan noocyada jarjaridda saxaaxa dheddiga (gudniinka). Guushan run ahaantii waa guul aad u weyn, oo uu horseed ka yahay hoggaanka Madaxweynaha, iyadoo ay shaqo wannaagsanna ay qabteen Wasiirka Arrimaha Haweenka, iyo haween badan oo u ololeeyay arrintan oo aan maanta la yeeshay kulan qado ah. Waxaanna wada galney sawir kooxeed aad u qurux badan. Waa haween geesiyaal ah oo u istaagey in ay yiraahdaan waa in dhaqankan la joojiyaa, waxaanna codkooda ka muuqday in ay arrintani soo dhoweynayaan, waanna ku faraxsanahay in aan Madaxweynaha arrintan u sheego.

Haddaba mustaqbalka, waxaan leenahay saddex ujeeddo, waxaanna leenahay koox isku-dhaf ah oo ka kooban QM iyo dawlad-goboleedka Galmudug oo hawshaas fulin doonna.

Mid waa halkan Galmudug, sharci-dejintu waa tallaabada koowaad. Laakiinse fulinta, dabcan, way adag tahay sababta oo ah sharci-dejintu laf-ahaanteedu ma beddesho hab-dhaqameedyada, dhaqamada soo-jireenka ah, oo ay qoysasku ku dareemaan in ay adeeg u qabanayaan gabadhooda markay gudayaan, oo dabcan ah, caksigeeda. Waa khatar dhaawac iyo waxyeello leh. Marka, maanka dadka in la beddelo waqti ayay qaadataa. Laakiinse waxaan dooneynaa in aan arrinkaasi idinkala shaqeyno, iyadoo gaar ahaan loo marayo waxbarasho.

Tan labaad, marka la eego hawsha wanaagsan ee halkan loogu qabtey Dowlad-goboleedyada kale, ayaa waxaa jeclaan lahaa in aan arko Madaxweynaha oo ka hadlaya arrimaha GWQ [Guddiga Wadatashiga Qaranka) – waanna codsi aan adiga kaa codsanayo, mudane Madaxweyne, – waxaa ku-xiga in GWQ ajaandahiisa uu ku darsado arrinta Gudniinka (FGM), waxaanna doonayaa in aan maqlo horumarka laga gaaro!

Tan saddexaad, waa in aanan Soomaaliya kaliya uga tagin. Soomaaliya waa in ay caalamka ku hoggaamisaa arrintan – waa mid ka mid ah waxyaabo badan oo ay Soomaaliya ku muujin karto hoggaankeeda iyo horumarkeeda. Sidaa daraadeed ayaa waxaa inna horyaalla shaqo badan. Jir ahaan Soomaaliya ma joogi doonno, laakiinse waxaan ka qaybqaadan doonnaa taageeridda arrintan anigoo kaashanaya qurba-joogta Soomaaliyeed. Haddaba fadlan isku key haleeya, waxaana hubaal ah in aan dhiirrigelin doonno oo aan taageeri doonno shaqada wanaagsan ee aad qabateen.

Waxaanna mar kale kaaga mahadcelinayaa soo dhoweyntaada oo farxad weyn noo ahayd.