Taageeradda horumarinta iyo hawlaha bani’aadamnimada oo diiradda lagu saaray booqasho ay Ergeyga Gaarka ah ee QM ku tagtay Hargeysa

14 May 2024

Taageeradda horumarinta iyo hawlaha bani’aadamnimada oo diiradda lagu saaray booqasho ay Ergeyga Gaarka ah ee QM ku tagtay Hargeysa

Hargeysa – Iyada oo weli ku guda jirta kulamadeedii macasalaamada ahaa, ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey Catriona Laing waxaa ay booqatey Hargeysa halkaasoo ay kula kulantey hoggaanka Somaliland oo ay isla soo qaadeen taageerada Qaramada Midoobey ay ka geysato horumarinta iyo hawlaha bani’aadamnimada.

“Waxaan yeelanney munaaqasho aad u wanaagsan, waxaana uu Madaxweynuhu igala hadley qorshaha horumarinta, kaas oo dhigaya himilada dhaqaalaha ee muddada fog ee la halmaala faa’iidooyinka laga helayo ‘dhaqaalaha buluugga ah/badda,’ macaadinta, iyo ka fekeridda is-beddel lagu sameeyo ganacsiga xoolaha inta aan u sii diyaar-garoobeyno raadadka is-beddelka cimiladu ku reebayo hab-nololeedka reer-guuraanimada,” ayaa ay tiri Ms. Laing ka dib kulan ay la qaadatey Madaxweyne Muuse Biixi iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada iyo la-taliyeyaashiisa. 

“Waxaan ka sheekeysanney doorka QM ay ku leedahay taageeridda ka-miro-dhalinta himilada dhaqaale iyo dhammaan hawlaha kale ee aan qabanno ee la halmaala horumarinta bulshada, caafimaadka, waxbarashada, hawlaha bani’aadamnimada iyo waxyaabo kale,” ayaa ay hadalkeeda ku dartey Ms. Laing.

Xaaladda Laascaanood, gobolka Sool – oo sanadkii hore ay ka dhacdey colaad sababtey geeri iyo barakaca kumanaan qof – ayaa sidoo kale laga munaaqashoodey.

“Dhibaatooyin ayaa horey u dhacay, waxaana labadeennaba ina farxad gelisey in ay arrimuhu haatan deggan yihiin, waxaana uu Madaxweynuhu ii ballanqaadey in uu hadafkiisu yahay in arrimuhu ay sidooda u deggenaadaan,” ayaa ay tiri Ergeyga Gaarka ah ee QM.

“QM waxay doorkeeda ka qaadan doontaa bixinta gargaar bani’aadamnimo iyo miino-saaris si ay uga faa’iideystaan dadka gobolkaas.” Ayaa ay hadalkeeda sii raacisey.

QM iyo Hargeysa 

Ergeyga Gaarka ah ee QM waxaa ay sidoo kale fursaddaas uga faa’iideysatey in ay si rasmi ah isu barto madaxa cusub ee xafiiska QM ee Hargeysa, Nikolai Rogosaroff, oo jagadaas la wareegey bishii Maarso ee sanadkan. Waxaa ay joogista uu halkaa joogey ku sheegtey in ay tilmaan u tahay sida ay QM uga go’an tahay taageeridda horumarka degaanka iyo hawlaha bani’aadamnimada. Waqtigan, in ka badan dersin hay’adaha, sanaadiiqa iyo barnaamijyada QM ayaa ka hawlgala Somaliland.

Ms. Liang waxaa ay shaqadeedu soo gebogeboobi doontaa goor dambe oo bishan Maajo dhexdeeda ah.