Taageerada horumarinta iyo in la wada hadlo ayaa looga munaaqashoodey booqashada ay Ergayga Qaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya ku tagtey magaalada Garoowe

18 May 2024

Taageerada horumarinta iyo in la wada hadlo ayaa looga munaaqashoodey booqashada ay Ergayga Qaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya ku tagtey magaalada Garoowe

Garoowe – Iyada oo sii wadata booqashooyinkeedii ay ku macaslaameyneysey hoggaamiyeyaasha Soomaalida, sarkaalka ugu sarreeya Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxaa ay maanta booqasho ku tagey Puntland halkaasi oo ay kaga hadashey taageerada hay'adda caalamiga ah ee dhinacyada horumarinta degaanka iyo wadahadallada qaranka.

“Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Madaxweyne Deni oo waqti ina siiyay isagoo shir kale lahaa – Maanta wuxuu kulankiisii ugu horeeyay la yeelanayaa golahiisii wasiirada ee cusub kaas oo ay kaga wada hadlayaan qorshayaasha horumarinta iyo sidii ay horey ugu sii wadi lahaayeen,” ayay tiri Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing. 

“Mowduucaasi wuxuu ka mid ahaa mowduucyadii aynu ka wada hadalnay,” ayay tiri iyadoo hadlkeeda sii wadata “iyo [sidoo kale] kaalinta ay QM ka qaadan doonto taageeridda tiirarka kala duwan ee qorshahooda horumarinta – waxaan ku faraxsanahay in aan sheego in uu hammi sare u hayo hawshaasi.”

Ergayga Gaarka ah ee QM ayaa hadalkan jeedisay iyadoo ku sugan magaalo-madaxda Puntland, Garoowe, ka-dib markii ay kulamo la yeelatay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni iyo xubnaha golahiisa wasiirada. Waxay ahayd booqashadeedii shanaad ee ay ku tagto Dowlad-goboleedkan ku yaalla waqooyiga. Waxaa la socday Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga. 

Wadatashi qaranka

Ergayga Gaarka ah ee QM, waxay hadalladeeda ku sheegtay in hannaanka dib-u-eegista dastuurka Soomaaliya ee socda, iyo war-murtiyeedkii dhowaan ka soo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) ee ka dhacay magaalada Muqdisho, sidoo kale laga munaaqashoodey. Waxay qireen baahida loo qabo wadahadal loo dhan yahay in uu dhexmaro Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland oo ku saabsan hannaanka dastuurka dalka ee socda.

"Annigana dabcan, waxaan u soo jeediyay kaalinta ‘xafiisyada wanaagsan’ ee QM si ay arrintaasi ugu taageeraan,” ayay hadalkeeda ku dartey Ms. Laing.

Mowduucyada kale ee ay munaaqashadooda kaga hadleen waxaa ka mid ahaa amniga guud ahaan dalka iyo muhiimadda ay leedahay in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay u midoobaan la-dagaalanka kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.

Intii ay Garoowe joogtey, Ms. Laing waxaa hadiyado macasalaameyn ah guddoonsiiyey wakiillo ka socda kooxaha ururrada bulshada rayidka ah si ay ugaga mahadnaqaan taageerada ay u haysey ka-qeybgalka iyo ka mid ahaanshaha buuxa ee haweenka nolosha Soomaaliyeed.

Ergayga Gaarka ah ee QM ayaa shaqadeeda soo gebogeboobi doonta goor dambe oo bishan Maajo dhexdeeda ah waxayna kulamo macaslaameyn ah la yeelanaysay hoggaamiyeyaasha Dowlad-goboleedyada Soomaaliya, iyo sidoo kale madaxda ugu sarreysa Dowladda Federaalka Soomaaliya.