Hadallada Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, ay warbaahinta u jeedisay intii ay ku jirtay socdaalkeeda magaalada Garoowe ee Puntland

10 Jun 2023

Hadallada Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, ay warbaahinta u jeedisay intii ay ku jirtay socdaalkeeda magaalada Garoowe ee Puntland

Sida loo jeediyey

Mahadsanid, Mudane Madaxweyne.
 
Aan ku billaabo mahadnaq ballaaran oo aan ka celinayo soo dhowayntii aadka u diiranayd ee aan maanta idinkala kulmay adiga iyo wasiirradaada. Waa maalintii shanaad oo keliya inta aan Soomaaliya joogo, balse tani waa markii labaad ee aan Soomaaliya imaado. Runtii waxaan halkan joogey 1993-kii intii lagu jirey howlgalkii asalka ahaa ee Qaramada Midoobey. Markaa, farxad wayn bay ii tahay inaan soo noqdo.

Waxaan horey ula soo kulmay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Wuu i qaabilay markii aan soo gudbiyey warqadahayga aqoonsiga, waxaana hadda waqtigayga ku bixinayaa anigoo isku dayaya sidii aan u booqan lahaa Maamul-goboleedyada kala duwan ee ka tirsan Federaalka.
 
Maanta, waxaan ka soo wadahalnay dhowr qodob oo muhim ah oo ay ugu sii muhiimsanaayeen doorashadii deegaanka ee sida guusha leh uga qabsoontay halkan ilaa 30 degmo 25-kii Maajo. Waxaana soo gudbiyey hambalyo. Tani waa tallaabo wayn oo horumar ah oo ay Puntland u qaadday dhanka dimoqraadiyadda. Waxayna sidoo kale muujisay dariiqii ay qaybaha kale ee Soomaaliya sii mari lahaayeen. Waxaan rajaynayaa in seddexda degmo ee soo haray ay soo dhamaystiraan doorashada deegaanka kuwaasoo ay ku jirto halkan oo ah Garoowe.
 
Marka xigta, aniga iyo Madaxwaynuhu waxaan ka wada hadalnay xaaladda bani’aadamnnimo ee aadka u daran oo dabasocotay barakaca 100,000 oo qof, marka la eego colaadda Laascaanood ee gobolka Sool. Waxaan uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo maamulkiisa sida ay u garab istaageen dadka barakacayaasha ah. Waxaana guntey codsigiisa ku aaddan in QM iyo saaxiibada caalamiga ahi ay wax badan ka qabtaan sidii ay u taageeri lahaayeen xaaladda bani’aadannimo ee halista ah.

Ugu dambayntii, waxaan ka wada hadalnay mashruuca dowlad-dhisidda iyo nabad-raadinta ee ka socda guud ahaan Soomaaliya, waxaana aad ugu farxay inaan maqlo sida cad ee ay Madaxwaynaha uga go’an tahay wadahadallada oo uu kaalintiisa ka qaadanayo safarka aan ku guda jirno ee unkidda iyo dhamaystirka hannaanka dib-u-eegista dastuurka. Waxaana ku dheeraaday taageerada buuxda ee isku soo dhawaynta  ee Qaramada Midoobey si ay isugu dayaan oo ay gacan uga gaystaan sidii loo heli lahaa wadiiqo horay loogu qaado sida ugu dhaqsaha badan. Sababtoo ah marka la helo dowlad sal adag oo Soomaaliya oo dhan ah, waxaan sidoo kale awood u yeelan doonnaa inaan diiradda saarno arrimaha muhimka ah ee horumarinta dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka dhallinyarada, waxyaabaha u sahlaya Soomaaliya inay qayb xaq ah ka qaadato gobolka iyadoo ah Soomaaliya barwaaqo ah misna xasilloon.
 
Tani waa tii ugu horraysey wax aan rajaynayo inay noqdaan booqashooyin badan. Waxaana rabaa inaan mar kale u mahadceliyo Madaxwaynaha iyo maamulkiisa sida diirran ee ay ii soo dhoweeyeen.
 
Aad ayaad u mahadsan tihiin