Socdaalkeedii ugu horreeyay ee ay ku tagto Magaalada Garowe, ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay waxa ay bogaadisay doorashooyinkii Golaha deegaanka ee ‘qofka iyo codka ahaa’ ee dhawaan ka dhacay Puntland

10 Jun 2023

Socdaalkeedii ugu horreeyay ee ay ku tagto Magaalada Garowe, ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay waxa ay bogaadisay doorashooyinkii Golaha deegaanka ee ‘qofka iyo codka ahaa’ ee dhawaan ka dhacay Puntland

Garowe – Iyada oo sii wadata booqashooyinkeeda maamul goboleedyada dalka, ayaa mas’uulka ugu sarreeya Qaramada Midoobay ee dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya waxa ay maanta booqasho ku tagtay Puntland, halkaas oo ay kula kulantay madaxda dowlad goboleedkaas, waxayna soo dhaweysay doorashadii dhawaan ka dhacday halkaasi.

“Maanta waxaan ka wadahadalnay arrimo dhawr ah oo uu ugu muhiimsanaa doorashadii deegaanka ee sida wanaagsan u qabsoontay ee 30-ka degmo ka dhacday 25-kii Maajo - Waxaan boggaadinayaa arrintaas maadaama ay tahay horumar weyn oo ay Puntland u qaadday dhanka dimuqraadiyadda, sidoo kale waxay tusaale u tahay dowlad goboleedyada kale ee Soomaaliya,” ayay tiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing. 

“Waxaan rajeynayaa in seddexda degmo ee hartay ee ay ka mid tahay magaaladan Garowe ay qaban doonaan doorashada deegaanka,” ayay hadalkeeda sii raacisay.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa hadalkan ka sheegtay Shir-Saxaafadeed ay si wadajir ah warbaahinta ugu qabteen iyada iyo madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo ay horay ula sii kulantay, iyagoo ka wada hadlay arrimo badan, isaga oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada iyo la-taliyayaashiisa.

Doorashooyinka ka sokow, kulamada ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday hawlihii bani'aadannimo ee dhawaan laga hirgeliyey Puntland iyo arrimaha federaalka. 

In ka badan 100,000 qof ayaa lagu qasbay inay ka qaxaan magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool dagaalka socda dartii- in badan oo ka mid ah dadkaas ayaa magangalyo usoo raadsaday caasimadda Puntland ee Garoowe iyo qaybo kale oo ka mid ah maamul goboleedkan qaybta ka ah federaalka.

"Waxaan uga mahadceliyey madaxweynaha iyo maamulkiisa taageerada ay u fidiyeen dadka soo barakacay," ayay tiri Catriona "Waxaana tixgeliyay codsigiisa ku wajahnaa Qaramada Midoobay iyo saaxiibada beesha caalamka ee ahaa inay tallaabo dheeraad ah qaadaan si ay u taageeraan xaaladda daran ee bani'aadannimo." 

Dhanka arrimaha federaalka, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay iyo Madaxweyne Deni ayaa ka wadahadlay dadaallada socda ee nabad-dhiska iyo dowlad-dhiska Soomaaliya. 

"Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maqlo sida cad ee ay madaxweynaha uga go'an tahay wadahadalka, sidoo kalena doorkiisa ka qaadan doono unkidda iyo dhamaystirka Geeddi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka," ayay tiri Marwo Catriona. “Waxaan sidoo kale boggaadiyey taageerada buuxda iyo xafiisyada ballaaran ee Qaramada Midoobay lagu deeqay si ay isugu dayaan inay gacan ka geystaan ​​sidii tallaabo horey loogu qaadi lahaa sida ugu dhaqsaha badan, Maxaa yeelay, haddii ay Soomaaliya oo dhan ka hirgasho dowlad sal adag, waxaan sidoo kale awood u yeelan doonnaa inaan diiradda saarno arrimaha muhiimka ah ee horumarinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dhalinyarada – waxyaabaha u sahli doona Soomaaliya inay qayb libaax ka qaadato arrimaha gobolka iyadoo ah dal barwaaqo ah oo xasilloon.”

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale intii ay ku sugnayd Garoowe waxa ay la kulantay shaqaalaha Qaramada Midoobay ee fadhigoodu yahay halkaas, iyadoona warbixin laga siiyay taageerada kala duwan ee ay siiyaan hay’adaha ay wadashaqaynta la leeyihiin ee ku sugan Puntland.

Booqashada Catriona ee Puntland ayaa ahayd tii labaad oo ay ku tagto dowlad goboleedyada dalka lix maalmood gudahooda tan iyo markii ay Muqdisho timid Isniintii. Waxyar kadib markii ay timid, waxay la kulantay madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisulwasaare Xamza Cabdi Barre. Maalintii Khamiista ayay booqatay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle, halkaasoo ay kula kulantay Madaxweynaha maamulkaasi Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe).

Marwo Catriona ayaa xilkan loo magacaabay bishii Maajo ee sanadkan, waxayna Soomaaliya timid horraantii usbuucan. Ka sokow in ay xilal kala duwan ka soo qabatay Boqortooyada Ingiriiska, Catriona waxay sidoo kale ka soo shaqeysay waaxda horumarinta ee Qaramada Midoobay intii u dhaxeysay 1993 ilaa 1994.